AHLUSUNNAH WAL_JAMA'AH
|| Fatwa / Fatwada || Sects / Firqooyinka || Books / Buugta|| Links / Xiriirin||
BOGGA FATWADA IYO SU'AALAHA
[Ask Question - Waydii Su'aal][Akhri Suaalo iyo Jawaabo]

Click to Enlarge
Su'aalahaaga waxaa ka jawaabaya
Sheikh Dr. Hersi Aw. Mohamed
(Dip., B.A, M.A, Ph.D in Islamic Studies)
Takhasuska: Usul ad-Diin (al-Aqidah)
(Khibrad: 20 sano ayuu macallin iyo muxaadir ka ahaa jaamicadaha iyo macaa-hidda iyo iskuullada, Somalia, Jordan, Malaysia, Brunei iyo Australia).
(Mufti: Mac-hadka fatwada ee jaamicadda Islaamka ee Malaysia 2002-2004).
(Hadda wuxuu ka shaqeeyaa: Daarul fatwa- Australia).

Haddii aadan qoraalkaagii arag, fadlan "Reload ama Refresh"
F.G: Haddii aad ka qayb qaadato forumkan waxaa laga yaabaa in ay emaillo iyo qoraallo kaa soo garaan.

  1. Jawaab: Sujuudda Tilaawadu maxay tahay?
    Assalamu alaykum;
    Walaal, sujuudda tilaawadu waa sunno, sida ay qabaan culumada saddexda mad-habadood ee Malikiyada, Shaaficiyada iyo Xambaliyada, Xanafiyada ayaa qaba in ay waajib tahay, laakiin la soco walaal, waajibka xanafiyadu waa sida sunnada shaaficiyada.

    Sidoo kale, culumadu shuruudda laga rabo qofka way isku khilaafeen, laakiin waxay u badanyihiin in uu qofku akhriska u qasdo, ama uu ahaado qof dhegaysi u qasday oo akhriska dhegaysanayay, haddii ay dhegtiisa ku dhacdo aayaddu asiga oo meesha iska marayay ama uu isha ku dhuftay asiga oo kitaabka baalashiisa rogrogaya, culumada badankoodu waxay qabaan in aanan sujuud laga rabin. Qaar yiri waa laga rabaana way jiraan.

    Waxaa kale oo ay isku khilaafeen meelaha laga rabo in la sujuudo, qaar waxay sheegeen 11 aayadood, qaarna 13 qaarna 15. Waxaa kale oo ay isku khilaafeen waqtiga laga rabo in uu sujuudo, waxayna u badanyihiin in la sujuudo aayadda dhammaadkeeda.

    Waad mahadsantahay.
    Hersi Aw Maxamad
    - Tuesday, December 30, 2003 at 07:37:55 (CST)
  2. Su'aal: Sujuudda Tilaawadu maxay tahay?
    A salaamu caleykum
    Salaan kadib, marka hore waxaan kuugu hanbalyeeynayaa dadaalka wacan,hawsha wanaagsan iyo waqtigaaga qiimaha leh ee aad galisay si laguula wadaago aqoontaada cilmiyeed oo laggaaga fa'iidayesto. Ebbaa mahad leh ee waad mahdsantahay.

    Fariin tan waxaan ka soo dirayaa waqooyiga ameerika, runtiina intabadan iska hor'imaadka arimaha diinta aan xal loohelin,sikastaba hanoqotee mas'alada aan kaa jawaab sugayo waxay tahay, marka Qur'aanka la akhrinaayo micnaha aad ku jir to talaawatul Qur'aan waxaa jirta dhawr iyo toban meelood oo ku faraysa inaad sujuudo. marka su'aashaydu maxay tahay;

    1= Ma sunaa mise waa farad?
    2- Afarta Imaam (mad-hab)siday u kala arakaan?
    3- Guud ahaan culumaa'u diinku siday u arkaan oo ay ka qabaan?
    4- SHuruuda qofka laga rabo maxay tahay? (maxaa u shardi ah qofka oo laga doonayaa?
    5- Ducadee baa ugu afdalsan marka sujuuda lagu jiro in la'akhriyo?
    Wabillaahi Towfiiq.
    Ali Weyne <samadoon2001@yahoo.ca>
    - Tuesday, December 30, 2003 at 07:37:55 (CST)
  3. Jawaab: ha layska ilaaliyo dadka diinta sida khaldan u fasiraya..
    Assalamu alaykum;
    Walaal, waxaan doonayaa in aan ku xasuusiyo arrin aan in badan halkan ka iri, waana in aanan diinta lagu qiyaasin dad ama niman gaar ah, macnaha Qaradaawi, iyo Fatxi Yakan iyo fulaan iyo Callaan, diinta miqyaas uma aha, ee diinta kitaabka iyo sunnada ayaa qiyaas u ah.

    Marka, waxaan kaa codsanayaa in aadan mar dambe halkan kaga soo daliilsan hebel iyo hebel ayaa sidaas yiri. Maxaa yeelay hebel iyo Hebel diinta ayagu mitir lagu cabbiro uma aha.

    Intaas kabacdi, tan aad tiri, muslimiinta khaliijku ashcariya ma raacsana, waad ku khaldantahay, maxaa yeelay sacuudiga iyo Kuwayt mooyee inta kale waa ashcariyo sida aan hubo, siiba imaaraadka iyo Qatar iwm, Cummaan ayaa Ibaadiya ah.

    Way jiraan qaar badan oo wahhaabiyada ku ta'athuray, laakiin caqiidada rasmiga ah ee dowladdu waa ashcariya.

    Sikastaba ha ahaatee, taasi muhiim ma aha, maxaa yeelay, muslimiinta khaliijka jooga waa afar gubatay oo tiradoodu aanay dhaafayn 40 malyan. Sida aad ogtahay indooniisiya oo kaliya ayaa 200 milyan ah oo dhammaan ashcariyo ah, sidoo kale, Malaysia, Masar, Jordan, Syria, Turkiya oo maaturiidiya ah, iyo Pakistan iyo muslimiinta hindiga iyo shiinaha oo ayaguna aanan ka yarayn 400 oo milyan.

    Kasoo tag waxyaabahaas oo dhan, dadka caqiidada ku takhasusay ee ay ugu horreeyaan culumada al-azhar ayaa aaminsan in ashcariyadu tahay caqiidada ugu saxan madaahibta caqiido ee muslimiintu aaminsanyihiin ilaa qarnigii 4aad ee hijriyada ilaa maanta.

    Bal u fiirso haddii aad tahay nin wax soo bartay manaahijta caqiidada ee Iskuullada dalalka muslimiinta laga dhigo ee azhar laga keenay oo xataa soomaaliya aan ku soo dhiganay, dhammaan waxaa lagu saleeyay caqiidadii imaam ashcari, maxaayeelay caqiidooyinka kale waa bidci oo ma aha wax salafkii ogaa.

    Adiga kolka sida iiga kaa muuqata waad yartahay, ama waadan baran madaahibta caqiido ee muslimiinta, marka waxaa laguu qaatay in aad cinaadka iyo dhega adaygga iska dhaafto ee barato wax oo inaga faa'iidaysato.

    Tan kale, waa ayo nimanka aad ii tirinayso, ma taqaan qaradaawi waxa uu yahay iyo taariikhdiisa? Qaradaawi waxaa dacaayadda u sameeyay qannaalka al-jaziira laakiin ragga mutakhasisiinta ah agtooda wax uu ka yahay ma jiraan, wax qiima leh oo uu fikirka Islaamka ku soo kordhiyayna ma jiraan. waxaana badanaa lagu sheegaa in uu yahay sheekha Suldaanka Qatar iyo Sheekha TVyada.

    Kuwa kale ee aad ii sheegtayna way ku jiraan culumo wanaagsan oo dadaal sameeyay sida axmad diidaat, iyo qaar kale, laakiin diinta ayaga laguma qiyaasi karo, macnaha ayagu islaamka matali maayaan.

    - Monday, December 29, 2003 at 02:59:48 (CST)
  4. Su'aal: ha layska ilaaliyo dadka diinta sida khaldan u fasiraya..
    Dr Xirsi asalaamu Calaykum,sheekh salaantaa ka dib, waxaan in mudo ahba soo booqan jiray sitekaagan gaar ahaan qaybta Su’aalaha iyo Jawaabaha Diinta ku saabsan, aadna waad uugu mahad santahay dadaalkaa aad u hurtay dadkaaga. walaal anigu waxaan jecelahay inaan wixii diinta ku saabsan cid kasta oo aqoon diineed igu dhaanta ka korodhsado, laakiin sidaan ku arkay Jawaabahaaga su’aal ayaa in mudo ahba igu wareegaysay wakhti aan u waayay inaan kusoo waydiiyo.

    Walaal waxaad tidhi ha layska ilaaliyo dadka diinta sida khaldan u wada ee maanta dalkeena iyo dunida kaleba ka jira gaar ahaan Wahaabiyada,Ikhwaanka iyo Salafiyada , waxaanad sheegtay in kooxahaasi ay diin lunsan dadka u sheegaan caqiidadooduna khaldan tahay. Waxaanad Jawaabahaaga ku xustay in caqiidada la yidhaahdo Ashcariya ay tahay ta keliya ee saxda ah, dadka wixii aan haysan ashracariyadana ay gaalo yihiin, somaliyana caqiidadeedu ay ahayd Ashcariyada.

    Laakiin sheekh waxa jira dad badan oo Qurbaha ama dalkiiba ku nool oon aqoon waxay tahay Caqiidada Ashcariyadu laakiin cidii ay diin saxa ku arkaan ay ka qaataan wixii diinta islaamka ku saabsan. Hadaba sheekh Xirsi su’aashaydu waxaan rabaa bal inaad noo cadaysid in wixii aan Ashcariya ahayn dadka islaamka ah ay Gaalo yihiin, oo aan diinta laga qaadan lagana digtoonaado. Xataa hadii ay yihiin Culimada islaamka ee waa wayn tusaale ahaan.

    Sheekh Shariif Cabdi Nuur, Sheekh Mustafe Xaaji Ismaciil, Sheekh Umal, Sheekh Yusuf Qaradaawi, Sheekh Inbu Baas, Sheekh Caysamiin, Sheekh Albaani, Sheekh Fatxi Yakun, Sheekh Ahmed Diidaat, Sheekh Zandaani,Shacraawi, iyo culimada kale hadii ay Somali yihiin iyo hadii ay dunida kaleba yihiinba.

    Walaal waxaad kalood ugaataa dalalka islaamka badankooda inaan dad caqiidadaa Ashcariya haystaa ayna jirin sida Khaliijka carabtoo kale markaa dalalkaasi ma wada gaalaa. Waad mahadsantay. deeq_cabdi@yahoo.co.in
    Deeq Cabdi <deeq_cabdi@yahoo.co.in>
    - Monday, December 29, 2003 at 04:57:48 (CST)
  5. Jawaab: sheekh sideen hooyaday ugu ducayn karaa?
    Walaal Najiib, assalamu calaykum.
    Waad ku mahadsantahay su'aashaada, intaa kadib waxaa jira siyaabo badan oo aad hooyadaa allaha u naxariistee ugu ducayn karto. Waxaa ka mid ah:
    1. Adiga oo hagaajiya naftaada oo wiil saalix ah ama fiican noqda, maxaa yeelay waalidku wuu ku dheefsanayaa carruurta wanaagsan ee uu ka tegay.
    2. Adiga oo saddqo ula baxa waalidkaa una niyooda acmaasha saalixa ah ee aad samaynayso, inshaa allaahow thawaabtu way gaaraysaaye.
    3. Adiga oo xaj ama cumro u sameeya, haddii aanay xajin intii ay noolayd.
    Waxyaabahaas iyo dhammaan wixii saddaqo ah ee aad la baxdo iyo wixii duco ah ee aad Ilaahay waydiisato dhammaan way anfacayaan waalidkaa haddii aad u niyooto oo aad Alle ka bariso in uu hooyadaa ugu dambidhaafo.

    Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Hersi
    - Saturday, February 07, 2004 at 02:49:01 (CST)
  6. Su'aal: sheekh sideen hooyaday ugu ducayn karaa?
    Asalaamu calaykum. Salaan kadib, Culimo waxaan idin waydiinayaa oo aan rabaa in aad iiga jawaabtaan wixii ilaahay idinka baray su aashan: Waxaan ahay nin dhallinyaro ah hooyadayna waxay dhimatay aniga oo ah 10 jir markaa hadda waxaan ahay nin wayn oo 22 jir ah. Diinta islaamkuna waxay inna faraysaa in waalidka marka uu kaa horreeyo loo duceeyo. Markaa sheekh sideen hooyaday ugu ducayn karaa Allaha u naxariistee? Jazaakalaahu khayran..
    Najib Khalif Abdi <najiboss@hotmail.com>
    - Tuesday, February 10, 2004 at 10:02:09 (CST)
  7. Jawaab: Wax iiga sheeg taariikhda [jubba valley alliance]..
    Walaal mustafe, assalamu calaykum.
    Waad mahadsantahay, sikastaba ha ahatee, waxaan kuu sheegaynaa in aanan ka hayn wax macluumaad ah ama tafaasiil ah waxa lagu magacaabo (JVA), marka fadlan la xiriir dadka ku xiran ama deggan gobalkaas ama jabhadda JVA xubinta ka ah si aad macluumaad tafaasiil ah u hesho.
    Hersi
    - Saturday, February 07, 2004 at 02:49:01 (CST)
  8. Su'aal: Wax iiga sheeg taariikhda [jubba valley alliance]..
    waxa aan halkan ka slaamayaa.. akhyaarta ka masull ah website-ka[2garre.com].. anigoo qadarin weyn u haya dhamaan kuwa ka shaqeya.. wax aan idin weydiin lahaa .. su'aal ku saabsan.. taariikhda [jubba valley alliance][isbaheysiga dooxada jubba]mar horena waxa an idin weydiiyay su;aalo dhawr ah..laakiinse wax jawaab idinkama haayo.walaalayaal.. waxa aan ku keenay su'aashan in aan helo taariikhda[jva]waa marka aan maqlay in ay jiraan afduubayaal ah heystaan nin germany ah oo u shaqeeya[un workers]oo lagu afduubay[kismaayo]iyo nawaaxigeeda.. marka waxa an rabay in aan ogaado awooda ay ku leedahay[jva]meelaha ay ka taliso]iyo inta urrur oo ay ku mideeysan yihiin.. waad mahad santihiin.. by mustafe hagi
    mustafe <mustaphaseylaani@hotmail.com>
    - Saturday, February 07, 2004 at 02:49:01 (CST)
  9. Jawaab: Maxaa ku jaban tacliinta diimeed ee Soomaaliya?
    Assalamu alaykum;
    Sharaf, waad mahadsantahay, waxaanna kuu rejaynayaa in aad si joogto ah ugu xirraato boggan

    Intaa kadib, horta tacliinta aad sheegtay ee aad soo martay waa la yaqaan, waana muctaraf, waana tacliintii muslimiinta soomaalida intooda diinta baratay soo mareen, wixii ka horreeyay kooxaha bidcada ah ee Ikhwaanka iyo Ittixaadka.

    Caqiidada muslimiinta Soomaalida waa ashcariyo, fiqhigooduna waa shaaficiyo ama Xanafiyo (dhinaca xeebaha waqooye), akhlaaqdooduna waa akhlaaqdii suufiyada, oo ama waa qaadiriyo ama waa saalixiyo ama waa axmadiyo iwm.

    Intaas waa la ogyahay, nin cilmiga u nasab sheegta oo inkirayana ma jiro, hadduu jirana waa jaahil.

    Tan aad tiri: Suufiyada ayaad ka digtay!! ma garanayo meel aan ku qoray warkaas, waxaase laga yaabaa in aad aragtay hadalka aan ka iri suufiyada qaar (khuraafi ah) oo aanan runtii suufiyo toosan ahayn, laakiin dariiqooyinka suufiyada siiba kuwa soomaaliya ka jira waa dariiqooyin toosan oo macruuf ah, waxaase kharibay kuwa (timawaynta loo yaqaan ee suufiyada isku sheegaya) oo runtii aanan cilmiga waxba ka aqoon, marka hadalkaygu kuwaas buu ku socday ee qaadiriyo kuma saabsana.

    Madaahibta suufiyada ah ee saxda ah ee soomaaliya ka jiray waa Axmadiyada iyo Saalixiyada oo isku dhow ama isku asalba ah iyo qaadiriyada oo la yaqaan ayadana oo dhowr jaad ah waxaana ka mid ah (awaysiyada iyo zayliciyada iwm), marka kuwaas waa la yaqaan caqiidadooduna waa ashcariyo.

    Tan aad tiri; haddii caqiidada laysku raaco, khilaafka fiqhiga ah waa fududyahay, waa runtaa, waana warkii culumada oo dhan dhaheen ee anigu uma horreeyo qof sidaas yiri.

    Sababta aan uga digayo kooxda Ittixaadka iyo Ikhwaanka waa in ay yihiin kooxo caqiido fasahaadsan wata, haba sii darraadeen Itixaadku, maxaa yeelay waxay aaminsanyihiin figrado lagu gaaloobaayo, oo ay ka mid yihiin in Ilaahay Jismi yahay, iyo In uu kursi ku fadhiyo oo uu Samada kadankoodo, iyo in adduunku qadiim yahay oo aanuu ahayn wax uu Ilaahay abuuray, waxyaabahaas waxay ka qaateen Ibn Taymiya, waxayna ku sheegayaan in ay yihiin madhabtii Salafka, markaas bay dadka ku khaldayaan, marka waxaa inagu waajib ah in aan ka digno fidnada ay wadaan.

    Akhwaanku ayagu waa dhowr jaad, qaar wahhaabiyada ayay caqiidada ku raacsanyihiin, qaarna waxay haystaan caqiidadii ashcariyada sida sheekh turaabi, marka qoladan dambe waa sida ashcariyada xagga caqiidada, laakiin xoogoo figrado siyaasi ah bay wataan iyo kuwo tarbawi ah, waxna kuma jabna in aan isku khilaafno siyaasadda iyo tarbiyada maadaama aan isku raacsannahay caqiidada.

    Kolka qolada caqiidada mujasimada Ittixaadka haysata waa kufaar, Ittixaadka ayay la midyihiin, waxaana la mid ah qof kasta oo aaminsan in Ilaahay jismi yahay oo uu samada degganyahay waa gaal Ilaahayna ma yaqaan.

    Marka walaal, ogow, Ilaahay waynaayee, Jismi maaha, khalqigana ma shaabaho, kitaabka quraanka ah ayaana si cad arrinkaas u caddeeyay, intaas kabacdi qofkii inoola yimaada Tashbiih iyo Tajsiim, waxaannu leenahay, kitaabkana waad khilaaftay, sanamya caabudka ayaadna la mid tahay, wixii uu doono ha isku magacaabo, ama salafi ha isku magacaabo, ama Ittixaad ama Wahhaabiyo iwm, dhammaan waa isku mid maadaama uu aaminsanyahay in Ilaahay waynaayee uu Jismi yahay oo uu Samada kursi kula fadhiyo iyo in adduunku qadiim ayahay oo aanan Ilaahay abuurin, waxyaabahaas dadka aaminsan waa gaalo, magacii ay doonaan ha isku magacaabeen.

    Annagu waxaan leenahay Ilaahay waynaayee, khalqigiisa ma shaabaho sida kitaabkiisu sheegay, sidoo kale waxaannu leenahay ilaahay waynaayee jismi ma aha, caalamkuna qadiim ma aha oo Ilaahay baa abuuray, carshiguna qadiimma aha sida Ibn Taymiya sheegay, ee waa makhluuq, maxaa yeelay carshigu khalqiga Ilaahay buu ka mid yahay.

    Masaa'ilkaas iyo qaar kale oo aanan halkan lagu soo koobi karin ayaan isku khilaafsannahay wahhaabiyada iyo Ittixaadka iwm, marka sidee isku diin ku noqonaynaa??

    Mar labaad waxaan idiin rejaynayaa dhammaantiin, towfiiqda Ilaah in uu idin waafajiyo, kana digtoonaada bidcooyinka iyo fidnada caqiidada ee ay wahhaabiyadu waddo.
    Hersi Aw Maxamad <hersi@2garre.com>
    - Friday, December 26, 2003 at 23:56:12 (CST)
  10. Su'aal: Maxaa ku jaban tacliinta diimeed ee Soomaaliya?
    Assalamu Calaykum. Walaal Dr Xersi, run ahaantii aad ayaan uga helay sida cilmiyaysan ee aad ula munaaqashootid dadka wax ku soo warsada. Waxaan kaloo la dhacay daraasadaha iyo waqtiga aad gelisay taariikhaha kooxaha islaamka sheegta ee jira maanta. Meelo ka mid ah bogga ayaan waxaan ku arkay adoo leh mar haddii caqiido la isku waafaqo waxyaabaha furuucda ah waa soo jireen oo waa la isku khilaafi karaa. Haddaba, anigu waxaan qaatay ijaazada silsildda Al-Qaadiriyah xagga dariiqada anoo weliba qurbaha jooga. Waxaan Caqiidadana haystaa Ashcariyah oo sidaad sheegtayba ah caqiidada kaliya ee Kitaabka iyo Sunnada raacsan ee Somalia ka jirta. Fiq-higa, Shaafi iyo Quraanta oo la igu baray Abu-Camar, khaasatan qirada Duuriga. Su'aashu waxay tahay, qofkii intaas isku haysta maanta waxaa loo yaqaan SUUFI adiguna sufiyada waad ka digtay? jahliga aad ku tilmaantayse mid dhanka manhajka ahba mise mid mujtamac? waad mahadsantahay Sh. Dr. Hersi
    Sharaf M Ali <sharaf@eudoramail.com>
    - Friday, December 26, 2003 at 09:28:29 (CST)
    Next Page.. < < < < Laabo
Tusmada Su'aalaha iyo Jawaabaha Boggan
  1. Sujuudda Tilaawadu maxay tahay?
  2. ha layska ilaaliyo dadka diinta sida khaldan u fasiraya..
  3. sheekh sideen hooyaday ugu ducayn karaa?
  4. Maxaa ku jaban tacliinta diimeed ee Soomaaliya?

  5. Labada Khudbo ee Jimcada af aan Carabi ahayn ma lagu akhrin karaa?
  6. Taabashada aan ula kaca ahayn waysada ma burrisaa?
  7. Sheekhow Kooxahan Ittixaadka iyo Ikhwaanka iyo Taxriirku sow muslimiin maaha?
  8. Qof Muslim ah gaal mala dhihi karaa?
  9. Sheekhow iisoo ducee...
  10. Guurka qarsoodiga ah ma dambi baa?
  11. Guurka qarsoodiga ah ma dambi baa?
  12. Nafta "insurance" ama caymis mala gelin karaa?
  13. Taabashada aan ula kaca ahayn waysada ma burrisaa?
  14. Maxaa lagu fasiri karaa haddii "mar kastood qof aragto ama aad magaciisa maqasho aad naxdo"?
  15. Ma laga shaqayn karaa Super Market?
  16. Cilmu Salaf maxaa looga jeedaa?
  17. Thanks for your wonderful and tireless effort Dr. Hersi
  18. Qof Muslim ah Maraykanka ma siin karaa Mucaawino?
  19. Shiikhoow mid inkaaran oo "Umul" layirahdo ayaa dadkii waalay ee maxaad ka dhihi lahayd?
  20. Wahhaabiyadu waxay ku murantaa in aanan naagtaadu waysada kaa jebin!
  21. Haweenayda caadada qabta masjidka ma ku nagaan kartaa, Quraankase ma qaadi kartaa oo ma akhrin kartaa?
  22. Haddii ninku ku dhaarto in uu naagtiisa furay ma ka furmee?
  23. Aragti iyo taageero iyo bogaadin..
  24. ma haboon tahay nin aan..?
  25. Xaaskaygu waysada ma iga jebisaa?
  26. Maxaa ku dhacay qaybtii maqalka ahayd?
  27. Bogaadin:Qalbiga ayaan kaaga soo duceeyay
  28. Waxaan doonayaa in aan ku waydiiyo laba su'aalood..

  29. Jawaab:Cuntada dadka shiinaha ah ma xaaraanbaa?
  30. Jawaab: Quranka maxaan akhristaa oo ku ducaystaa?
  31. Mahadnaq iyo bogaadin
  32. Jawaab:Qabuurta in la siyaarto ma bannaantahay?
  33. Jawaab: Su'aal iyo Bogaadin, waxaa mahad leh ilaahayga idin waafaiyey
  34. Jawaab:Salaadda sidee si joogto ah u tukadaa?
  35. Bogaadin iyo Tahniyad: afkaaga caano laku qabay
  36. Qof dhintay mala baryi karaa?
  37. Meeqa firqo ayaa ka jirta soomaaliya?
  38. Sidee loo kala yaqaan dacwada xaqa ah iyo midda baadilka ah?
  39. Sidee soon lagu furi karaa ayadoon la arag bisha shawaal.?
  40. Bogaadin iyo Salaan Afsaxallaahu Lisaanaka.

  41. Waxaan sharax urabaa Shiikha weyn Ee qaadariyada
  42. Naagtu ma furmi kartaa haddii ay caado qabto?
  43. Waano ku socota Akhristayaasha: Marka hore akhriya inta aadan waydiin su'aal
  44. Soonka nadarka ah dib ma loo dhigi karaa?
  45. Maxaad istillaabka u saartay kitaabada culamada soomaliyeed qoreen
  46. Miyaanay Quraanka ku caddayn in haweenka surwaalka loo diiday?
  47. Waxaan aragnaa dad leh "wahhaabiyada ayaa diinta Islaamka keentay!!
  48. Buug Carabi ku qoran oo wahhaabiyadu qaybinayso!!
  49. Shiikh Uways Axmad yaa dilay!!
  50. Aragti: miyaanay khalad ahayn inaad qof muslim ah?!!
  51. Is Khat Haram or Halal?!
  52. Does Women/Kids (girls) allowed to wear trousers?!
  53. Haddii imaamku ragco dheeraad ah u istaago?!
  54. Maxay ka qabtaa diintu qof dumar ah oo kalkaaliso ah?!
  55. Dhambaal: Tahniyad iyo Bogaadin iyo Taageero?!
  56. Waa kuwama culumada caanka ah ee somaliyeed ee lunsan ama wahabiyada ah?!

  57. dad wahaabiyada u warantay baa yiri waa dambi..?!
  58. Mowlidka Nabiga ma u dabbaaldegi karnaa..?
  59. Xerta Digrisa iyo nabi ammaanka maxaad u aragtaan..?
  60. Axmadiyada Indiya ma gaalo baa..?
  61. waxaa jira in leeyga digay..!
  62. qofka taariku salaadka ah ma kaafir baa mise ma aha?!
  63. Indha-shareer meelaha laga shaqeeyo ma ku qaadan karaa?
  64. wax iiga sheeg xukunka qof qur'aanka bartay oo aan akhrinayn!

  65. xukunka taariku salaadka
  66. Wahhaabiyadu maxay naagaha u dhahaan nimanka gadaashood soo socda?
  67. Aqoonta iyo Caqligu ma habaabaan ee ictiqaadka ayaa habaaba!
  68. nin ayaa gabar si xarana ugu tagay..
  69. Salaan iyo Bogaadin..

  70. waxyaabaha lagu gaaloobayo..
  71. ii caddeeya in Wahhaabiyadu kuffaar yihiin iyo inkale!
  72. (Innalladiina aamanuu)=hadii lagu macneeyo kuwa xaqa aaminay, iyo kuwa aaminay maxeey is dhaamaan?
  73. Beryahan dambe waxaa aad u badatay fasiraadda diinta!
  74. waxaan jeclahay in aan ka hadlo wax yar oo..!
  75. waxyaabaha ay diinteenu ka sheegayso heesaha..!
  76. Diinta islaamku maxay ka qabtaa hadii surwaalka la dheeraysto?
  77. hadii uu qof wax ii sheegto oo uu idhaho..
  78. hadii anigoo jiifa ku riyoodo gabar..!
  79. sidee loo tukadaa salaatulaylka?
  80. malacuni karaa hilibka gaalada oo aheen..?
  81. anigoo soo wayseestay ma iska tiri karaa waysadii..?
  82. somalidu geedka ay aadka u cunto ee qaadku ma denbi baa?
  83. ururkii ka talin jirey afghanistan..
  84. waxaa lagu mormay in qofka naaska wada nuugay ..!
  85. maxa kuu dhacay dawlda somali?
  86. miyey jiraan dhar ama lebis u gaar ah..!
  87. wiil ayaa jiro oo rabo in uu ila sheekeesto..
  88. waxaan rabaa inaan is daahiriyo..!
  89. zakada dahabka laga bixiyo..
  90. waxaan ku mehersadey gabar kitaabka quraanka..!
  91. members of one of the Somali clans..
  92. Waxaan su'aal ka qabaa guurka ama Nikaaxa..
  93. WAAN KIRISHTAAMOOBAY...
  94. waxa aynu qoraanka ku aragnay gaar ahaan..
  95. waxa inta badn xadiistu sheegtaa in ragu ay suurwaalka gaabsadaan..
  96. Fariin tan waxaan ka soo dirayaa waqooyiga ameerika..!
  97. ha layska ilaaliyo dadka diinta sida khaldan u wada..
  98. qoladasi isku diin ma nihin..
  99. miyey banaan tahay in qofka muslinka ah maydkiisa..
  100. aad ayaan uga helay sida cilmiyaysan ee aad ula munaaqashootid..
  101. Waxaan ahay nin dhallinyaro ah..
Copyright 1998 - All rights reserved.
Contact Us
[Yahoo! News Search
Yahoo! Yellow Pages
[Yahoo! Quotes]
Contact Us
Webmaster - All rights reserved]