AHLUSUNNAH WAL_JAMA'AH
|| Fatwa / Fatwada || Sects / Firqooyinka || Books / Buugta|| Links / Xiriirin||
BOGGA FATWADA IYO SU'AALAHA
[Ask Question - Waydii Su'aal][Akhri Suaalo iyo Jawaabo]

Click to Enlarge
Su'aalahaaga waxaa ka jawaabaya
Sheikh Dr. Hersi Aw. Mohamed
(Dip., B.A, M.A, Ph.D in Islamic Studies)
Takhasuska: Usul ad-Diin (al-Aqidah)
(Khibrad: 20 sano ayuu macallin iyo muxaadir ka ahaa jaamicadaha iyo macaa-hidda iyo iskuullada, Somalia, Jordan, Malaysia, Brunei iyo Australia).
(Mufti: Mac-hadka fatwada ee jaamicadda Islaamka ee Malaysia 2002-2004).
(Hadda wuxuu ka shaqeeyaa: Daarul fatwa- Australia).

Haddii aadan qoraalkaagii arag, fadlan "Reload ama Refresh"
F.G: Haddii aad ka qayb qaadato forumkan waxaa laga yaabaa in ay emaillo iyo qoraallo kaa soo garaan.

  1. Jawaab: waxaa wanaagsan in laga hadlo wixii cilmi ah
    Salaanta Islaamka kabacdi;
    Waxaan walaalayaal dhowr jeer horey u sheegay in ay wanaagsantahay in laga hadlo wixii cilmi ah ee kolkaas dooddu ku socoto, oo aanaan loo gudbin arrimo aanan marnaba meesha lug ku lahayn sida kuwa walaalkeen (aragtida hoose) ku qoray.

    Walaalkeen wuxuu tilmaamay laba arrimood, tan hore waa waxa uu ku tilmaamay (Salafka), waxaanna ka qori doonaa daraaso dheer, si fiican ayaanna u faahfaahin doonaa, si aan muslimiinta soomaalida ah ugu caddeeyo waxa horta "salaf" yahay.

    Maxaa yeelay erayga (Salaf) ayey kooxaha lunsani ku gabbadaan oo gabbaad ka dhigtaan ayaga oo ku khaldaya caamada in ay yihiin dad selefkii raacsan, marka waa in aan horta derisno waxa selef looga jeedo kolkaas ayaan idin tusayaa gabbaadka iyo ku hoosjiraan kooxahaas habawsan sida Ittixaadka iyo Wahhaabiyada iyo Ikhwaanka iyo Qaadiyaaniyada iwm ee kitaabka ilaahay ka beensheegaya ummadduna ay ka harsan wayday oo har iyo habeen la dultaagan (Salafkii)ayaan raadkiisa ku joognaa ciddii ina khilaaftana waa la cadaabi!

    Arrinka labaad ee uu walaalkeen sheegay waa waxa uu ku sheegay (Jarx iyo Tacdiil) mowduucaasna haddii ilaahay nafta ii daayo si fiican baan u falaanqayn doonaa si aan ummadda muslimka ah ee soomaalida ah u tuso ceebaha ay leeyihiin dadka lagu sheego (culaa'ul Jarx wa tacdiil) iyo ceebta uu leeyahay cilmigan laftiisu.

    Kooxaha habawsan ee wahhaabiyadu u horrayso waxay gabbaad ka dhigtaan labadaas mas'alo ee la soo sheegay ee kala ah (Salaf iyo Cilmu jarx), kuwaas oo ay dadka ku indhasarcaadshaan, kadibna waxay u soo bandhigaan caqiido habowsan oo (Tashbiih iyo Tajsiim) isugu jirta.

    Run ahaantii labadaas mowduuc waa hore ayaan daraaso dheer ku sameeyay laakiin waxay ku qorantahay afcarabi, marka qofkii carabaiga ku wanaagsan ee xiisaynaya waxaan ka codsanayaa in uu ila soo xiriiro si aan ugu soo diro qoraallada ku saabsan mowduucyadan oo afcarabi ah.

    Tan kale, waxaan doonayaa in aan walaalkeen xusuusiyo in aanan anigu (tazkiyo) cidna uga baahnayn, cilmiguna tazkiyo ma yaqaan ee (daliil) buu yaqaan, boql qof haddii ay ku taskiyayso, taasi xaqa waxba kama tarto maadaama aadan daliil saxan cuskanayn.

    Kolka aniga waxaa xaq ii siiyay daliilkayga cilmiga ah in aan kooxaha naqdiyo, cidna tazkiyo ugama baahni, kooxahaas lunsan iyo kuwa aanan aqoonta lahayn ayaa (taskiyo) ku gabbada oo waxyaabahaas macna la'aanta ah ku meeraysta.

    Taskiyo waligeed cilmiga meelna kama soo gelin, mana jiro nin caalim ku noqday taskiyo awgeed, kolka walaal haddii aad taas ogtahay waa alle mahaddiis haddii kalena laa xowla, walaa quwata illaa billaahi.

    Ugu dambeystii waxaad iga sugtaaba waa in aan gabbaadka beenta ah ee aad ku gabbateen faydo si ceebtiinna iyo fadeexooyinkiinna iyo cilmi gaabnidiinna loo arko, inshaa allaahu, dadkuna xaqa iftiinkiisa iyo cilmiga nuurkiisa u arkaan.
    Dr. Hersi <hersi@2garre.com>
    - Friday, June 07, 2002 at 06:36:33 (CDT)
  2. Aragti: waxaa wanaagsan in laga hadlo wixii cilmi ah
    Assalaamu calaykum Walaalayaal dhamaantiinba. Waxaa Mahad oo idil iska leh Allahii Umaddan u soo saaray culimo iyo ducaad dadka ku hagaajisa kii ay ka qaloocata, khaladkoodana u saxo.

    Marka hore waxaan u mahad celinayaa walaalkay Deeq oo si asluub iyo akhlaaqi ku dheehan tahay ugu caqli celiyay Dr Xirsi, Allahna waxaan ka baryayaa in uu u dambi dhaafo walaalkay Dr xirsi waayo meel weyn ayuu uga dhacay Slafkii taariikhdii islaamka ee qarnigii dahabiga ahaana run kama sheegin.

    Hadaba si loo ogaado khaladyadan oo kale waxaa halkan ugu soo gudbinayaa in walaalaha Soomaaliyeed ee muslimiinta ah ay iska jiraan dadka fikradooda ku salaynaya diinta, salafkiina aad ayay uga digeen dadkaas oo kale waxaana lagama maarmaan ah in ay ula noqdaan kitaabka iyo Sunnada iyo fahamkii salafka.

    Markaas ayuu qofka ogaan karaa khaladka, iskana ilaalin karaa waxkasta oo shaki galinaya diintooda caqiidadooda iyo fikirka islaamiga ah ee mucaasarka ah.

    Kolayba garan maayo sababka ku kaliftay in walaalkay Dr xirsi oo sidaa ugu xeeldheeraado Jamaacooyinka muslimiinta sida Al-Itihaad al islaami iyo Akhwaanul muslimiin iyo Tabliiqaba, waxa uu ka qorayna inaba ma waafaqsano cadaalada islaamka.

    Waayo dad muslimiin ah ayuu ku sheegay (Kooxo Dhunsan) oo akhii yaa adiga ku tazkiyeeyay waa adiga dadkii oo idil wada baadiyeeyay waxaan kaaga cabsanayaa in ay kugu rumowdo qowlkii shaacirka ahaa (Laa tanha can khuluqin fa ta´tii mithlahu, caarun calayka idaa facalta cadiimu).

    Walaal bal dib u milicso Salafkii siday u samayn jireen waxa loo yaqaano Al-Jarx watacdiil si bal aad u ogaatid in qofkasta oo Dr ah uu iska Jarxin karo qofkasta oo muslim ah ama tacdiil ku samayn karo.

    Hadalka marabo inaan sii wado balse waxan kuugu naseexaynayaa in aad Allah uga baqdid waxan aad qoraysid oo Culimada iyo ducaadaba aad iska daysid hadii kale waxaan kaaga baqayaa atharkii uu yiri mid kamid ah Salafkii ( LUXUUMUL CULAMAAÍ MASMUUMAH, WACAADATULLAAHI FI HATKI ACDAAÍHIM MACLUUMAH)Allah waxaanu weydiisanaynaa hidaayo iyo towqiiq........
    saxane <yaabane2000>
    - Friday, June 07, 2002 at 05:51:52 (CDT)
  3. Jawaab: Midnimada Muslimiinta..
    Walaal Deeq, adiga oo mahadsan, waa in aad horta ogaatid in ay wanaagsantahay in laga hadlo wixii wax laga qaban karo, aniga iyo adiga iyo dadka inala midka ah waxba kama tari karaan arrinka aad sheegtay ee ah midnimada Muslimiinta.

    Arrinkaasi wuu inaga waynyahay, haddii aan aniga iyo adigu mowduucaas "midnimada muslimiinta" ah soo qaadnana waaba inalagu qoslayaa oo waxaa inala leeyahay "bal horta adinku soomaaliyay is mideeya!!".

    Anigu waxaan ahay nin aqoonyahan ah, oo howshiisu ay tahay cilmibaaris, waxaanna sheegayaa oo soo bandhigayaa wixii aan u arko in ay sax yihiin, laakiin arrinka aad sheegay qorshaha iiguma jiro.

    Midnimada Kooxaha muslimiinta ah ama midnimada muslimiinta guud ahaan ma aha arrin aan anigu wax ka bedeli karo, war soomaali oo afar-gubatay ah baan midayn waynay ee ma muslim baan midayn karnaa? Sidoo kale, muslimiintu haday midoobi rabtay waxaan u malaynayaa in aanay 2garre warkiisa dartiis ku kala tegayn.

    Marka walaal, iska illow riyada ah midaynta ummadda islaamka, taasi maaha mid aniga iyo adiga iwm ay meel ka galaan, taasi waxay u taal madaxda iyo boqorada caalamka islaamka, aniga iyo adiguna waxaan nahay arday iyo macallimiin dugsiyada iyo maktabadaha iyo buugta akhriskooda ayaan ku filannahay, marka waxaa wanaagsan in qofku tabartiisa iyo howshiisa yaqaan kuna ekaado.
    Dr. 2Garre
    - Thursday, June 06, 2002 at 05:12:01 (CDT)
  4. Aragti: Midnimada Muslimiinta..
    Assalaamu Calaykum,
    Dr. Xirsi marka hore waad ku mahadsantay sida edebta leh eed uuga jawaabtay maqaalkaygii hore. Laakiin walaal malaha si kale ayaad u fahantay hadalkaygii. Anigu kumaan sheegin salafkii malaa'ik may khaladami jirina maan odhan.Hase yeeshee waxaan wax ka soo qoray ayqo ka mida maqaaladaadii,sidaad arimaha diinta wax uuga qortidna mahaa khalad dhacay ood saxaysid laakiin sidii qof dad ay colaadi ka dhaxayso wax ka qoraya oo kale ayaad uuga qortaa arimaha diinta. Mida kale Xirsi maanta in ceebaha Muslimiinta iyo khaladadkooda la soo uruuriyo miyay haboontay?.

    Ugu dambayntii waxaan ku odhan lahaa Diktoor maanta muslimiinta waxay gaaladu kula jirtaa dagaal nooc kasta leh iyo sidii mugdi iyo shubahaad loo gelin lahaa diinta Islaamka iyo dadka muslimiintaha Caqiidadoodaba, markaa inaad adiguna shidaal u noqotid ma haboona Diktoor. Waxa maanta loo baahanyay wax isku soo dhoweeya Muslimka ee looma baahna wax sii kala kexeeya uuna kala qaybiya Kooxo. Waa iga nasteexo Diktoor. Waad mahadsantahay By Deeq
    Deeq <deeqaad>
    - Tuesday, June 04, 2002 at 08:10:35 (CDT)
  5. Jawaab: saxaabada nabiga allaha ka raalli noqdee iyo culumadii hore ee salafku bani'aadam bay ahaayeen
    Walaal Deeaq, Salaan kabacdi;
    Waad ku mahadsantahay sida wanaagsan ee aad ra'yigaaga uga dhiibatay maqaaladahayga iyo qoraalladayda ku jira webka 2garre.com ee ku saabsan fikirka Islaamka.

    Waan fahmay arrimihii aad tilmaantay dhammaantood, waana garanayaa sababta kugu kaliftay in aad u fahamto qoraalladayda qaabka aad u sharaxday, hase ahaatee, waxaa lagama maarmaan ah in aad ogaato in ay saxaabada nabiga allaha ka raalli noqdee iyo culumadii hore ee salafku ay bani'aadam ahaayeen oo aysan malaa'ik ahayn, xataa nabigu nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee ma uusan dhihin malak baan ahayn, taas macnaheedu waa in aadanuhu khaldami karo noocii uudoono ha ahaadee.

    Intaa kadib waxaa kuu soo raaca in dhaqankeenna Islaamiga ahi ku salaysanyahay sida hadalkaaga laga fahmayo taqaaliid ah "wanaag sheeg" kaliya, ee aanan marnaba khaladaadkii dhacay ee la soo maray aanan waxba laga sheegin oo aanan marnaba laga faa'iidaysan.

    Marka walaal taariikhda muslimiinta waxaa soo maray marxalado badan, khaladaad aanan tiro lahayn ayaana muslimiintu sameeyeen, marka waxaan aaminsanahay in laga faa'iidaysto khaladaadkaas oo la derso, sida loo dersay wanaaggooda, macnaha annagu waxaan akhrisannay oo dugsiyada nalaku baray wixii wanaag ahaa ee culumada iyo salafka muslimiintu sameeyeen, laakiin wixii khalad ahaa nalooma sheegin. Kayr baan kuu rejaynayaa.
    Dr. Hersi <hersi@2garre.com>
    - Sunday, June 02, 2002 at 19:40:27 (CDT)
  6. Aragti: saxaabada nabiga allaha ka raalli noqdee iyo culumadii hore ee salafku bani'aadam bay ahaayeen
    Assalaamu Calaykum.
    Marka hore Dr Xirsi waxaad iga guddoontaa salaanta islaamka ee kor ku xusan,Salaantaa Ka dib waxaan jecelahay inaan fikirkayga ka idhaahdo waxyaabo Buggan aad kusoo qortay. Runtii in laga fa’iidaysto qalabka Internetka umadana loogu faiideeyo waa arin aad u fiican, Xirsi ahaana waxaad ka mid ahayd dadkii Somaliyeed ee uugu horeeyay ee netka wax kusoo qora sida Journalkii aad dadka u soo diri jirtay iyo Buganba. Laakiin waxaan anigu aad uula yaabay wax yaabaha dhinaca diinta aad ka soo qortid,weliba waxa arin aad loola yaabo ah markaad ka hadlaysay Taariikhda Fikirka Muslimiinta.

    Waxaan filayaa in qof kasta oo Muslim ah oo akhriya maqaaladaas uu aad uula yaabi doono. Dr Xirsi waxaad ka dhigtay Fikirkii Muslimiinta mid ku dhisanaa dhaqaale iyo siyaasad, Taariikhdii dahabiga ahayd ee muslimiintana waxaad ka dhigtay mid ku dhisnayd Qabiil. Taasna kumaynaan arag taariikhda islaamka meel lagaga sheegayo,sidaad sheegtay wax colaadoo u dhaxaysay Cali iyo Abu baker ama guud ahaan Ahlu Baytka may jirin, waxa jiray in qaraabadii Nebigu Abu Bakar mar wax waydiisteen, ka dibna si fiican ayuu uugu jawaabay Khaliifkii Abi Bakar, markiiba way iska dhamaaay arinaasi wax damboo soo hadal qaadana laguma maqal taariikhda.Fikir kala duwan oo ka dhashayna muu jirin.

    Mida kale Diktoor waxaad meel kaga dhacday salafkii saalixa ahaa qaarkood.Tusaale ahaan markaad ka hadlaysay xukunkii Reer Banii Umaya mid Qabiil ku dhisnaa ayaad ku sheegtay dadka aan carabta ahaynna inay tagoori jireen ayaad sheegtay, welibana waxaad tidhi waxa laga qaadi jiray baad,taana kumaynaan maqal taariikhda islaamka dad muslim ah oo laga qaaday baad ama Jizyo. Xadaaradihii muslimiintu gaadheena waxaad ku sheegtay mid qabiil ku dhisnaa. Wax yaabaha kale een qof muslim ah ka suuroobi karin waxa weeye arinta aad ka sheegtay Imaamkii Ibnu xambal.

    Sidaynu wada ogsoonahay afarta Imaam ee Madaahibtooda maanta la kala haysto Imaam Abu Xaniifa, Imaam Shaafici, Imaam Maalik iyo Imaam Axmed Binu Xambal, dhamaatoodba umadu waxay isku raacday inay yihiin dad ilaahay ka raali noqday khayrkana u doortay, wakhtigoodiina waxay u hureen umada sidii ay uugu faiidayn lahaayeen xataa qaar ka mida lagu xidhay dacwada awgeed qaarna lagu dilay dilay jidka ilaahay iyo dacwadiisa.

    Hadaba markaad ka hadlaysay Imaam Ibnu Xambal ayaa waxaad ku sheegtay nin u dagaalamaayay Xukun carbeed, aanu ahaa nin reer miyi ah oon garanayn sida dadka loola hadlo, taasina ay dhaxalsiisay in la garbaasho dabadeedna la xidho.

    Dr Xirsi hadalkaasi mid lagu yidhaahdo Ibnu xambal iyo Salafkiiba maaha. Mida kale Imaam Axmed Binu Xambal ma Carabuu u dagaalamaayay mise dariiqa toosan ayuu ku dagaalamaayay? Hadalka masii badinaayo waayo wixii aad ka qortay Xirsi fikirka Islaamka Sitekaaga ayaa laga helayaa.

    Laakiin waxaan odhan lahaa waxyaabahaa Dr Xirsaw aad ka qortay Taariikhda Islaamka waxa hore Afkaarahaagaa oo kale ka qoray Shiicada iyo Muctasilada iyp weliba dadka gaalada ah ujeedadooduna ayahd inay dadka ku socda jidka Eebe ceebeeyaan dadka caamada ahna xaqqa ka leexiyaan. Markaa afkaarahagaa la yaabi maayo oo horaa loo yidhi laakiin nin Muslim Ah oo Somali ah inay ka soo baxaan waa arin aad loola yaabo.

    Ugu dambayn cidii doonaysa taariikhda Islaamka waa inay kutubta lagu kalsoonyahay ka raadiyaan taariikhdii dahabiga ahayd ee muslimiintii inaga horaysay. Qofkii carabiga garanayaa waxuu ka helayaa iyadoo dhamays tiran cajalahada Sheikh Dr. Daariq Al-sawedaan Cassettes and Videoba weliba si casriyaysan ayuu usoo bandhigayaa. Markaa halkaa halaga raadiyo ama Kutubta luqad kasta ku qoran.
    Deeq <deeq_aad>
    - Sunday, June 02, 2002 at 12:31:15 (CDT)
  7. Aragti: Islam is not a violent Religion
    By Hameed Abdul Karim
    Some years ago there was a controversy among Muslims in London and quite a few of them were upset and annoyed over it. So a TV crew came over to interview Muslims about their stand on this controversy one day after Jummah but, to my surprise, not a single Muslim fell for the overtures of the anchorman, scampering from one Muslim to another to get his 'story' for the evening news. He couldn't get a single Muslim and I was happy in the thought that the Muslims were wise to the media game. But imagine my surprise when I heard that the evening news actually carried a Muslim raving and ranting about the controversy like as if he had gone mad. In his brainless reaction he provided the image of the stereotype Muslim that the media has created.

    It's Muslims like this nitwit that Madam Hasina (Sunday Times 5 May, 2002) is exposed to in Geneva and the rest of the West, not those who nonchalantly dismissed the trap laid by the perplexed anchorman. So since she is shown only pictures like these she is naturally convinced that Islam has become a violent religion.

    As for Daniel Pearl, well, there are a lot of stories whizzing around on the 'underground media' namely the Internet. One report said that he was an Israeli Jew - a Zionist at that - working for a Zionist newspaper, The Wall Street Journal. That part of the information has been 'independently confirmed' by the western electronic and print media. What is not confirmed is that he was a spy, operating as a 'journalist' trying to connect Richard Reid, the 'Shoe Bomber' to the Al-Qaeeda. There is, however, a flaw in this story. The FBI confirmed that he belonged to the Al-Qaeeda network, as did the CIA. If that is true what was the need for further information? Then again maybe Daniel Pearl was genuine. But that raises another question. The FBI, CIA and the media were lying when they told the world that Richard Reid was an Al-Qaeeda recruit. If Madame Hasina wants to know the various covers that spies take all she has to do is read the book 'By Way of Deception' by Victor Ostrovosky, in which he tells that Mossad agents even become pimps to serve their country. In an eulogy of sorts the sad looking CNN girl said that Daniel Pearl lived for three things - his wife, their unborn child and for a free media. I have no quarrel with the first two goals but I simply cannot accept the third one. Imagine a Zionist Jew working for a Zionist newspaper wanting a free media! That's simply unbelievable.

    I share Madam Hasina's sorrow over Daniel Pearl's death but to highlight one horrible death - murder - execution - call it what you like, and ignore the thousands slaughtered by both his countries (Israel and America) is like missing the wood for the trees. We have to remember just one incident among many where about forty Muslims were blown to bits by American bombs weighing 2500 pounds each dropped by 'heroic' American pilots while worshipping their Lord in a mosque in Afghanistan. This was no less ghastly than Pearls death. Didn't these harmless Afghans have anything to live for like Daniel Pearl? Didn't they have wives like Daniel Pearl? Didn't a single one of them have unborn children like Daniel Pearl? Why is it that we don't hear of this massacre in a media that Daniel Pearl believed was free? Why didn't Pearl's 'free' media interview the wives the men the Americans slaughtered like they interviewed his weeping wife? Don't Muslim women weep for their husbands like Mrs. Pearl? Oh, I get it. The Muslims, both men and women, have been so dehumanised and demonised that it is impossible to imagine that they might have human emotions like Mrs. Pearl. No, Muslims are not supposed to have the human faculty top cry like Mrs. Pearl. Animals do but Muslims don't.

    How easy it is, and hypocritical too, for the predator to legitimise his violence, disguising it as an act of altruism, and then claim his victims ar e violent because they react violently to free themselves from that oppressive aggressor? Wasn't Nelson Mandela's fight for freedom from his oppressors a violent one? Violent not because he wanted it to be so but violent it became because his aggressors reacted to his peaceful demands with all the violence at his command. Should we, then, classify the lovable Nelson Mandela as a violent man? Is freedom violent? If a nation is involved in a violent struggle for democracy, should we, then, classify democracy as a violent ideology? The Catholics of East Timor fought for their independence from Indonesia and naturally violence ensued and engulfed the tiny nation. What, then, is Catholicism violent? If the answer to these questions is no why should Islam be classified as violent when Muslims under occupation in Kashmir, Chechnya, Palestine and Muslims under proxy governments fight for their freedom and independence from their oppressors?

    Islam is not a violent religion as Madame Hasina has been brainwashed to believe in the sense Muslims don't wake up every morning and go out to kill non-Muslims just to kill time while their wives prepare their breakfasts. If that were the case there wouldn't be a single Hindu in India or a Catholic in Spain. So I apologise to Ms. Hasina for not agreeing with her when she says there is an Islam that is violent and I am sorry if, as a Muslim, I have fallen short of her glory. (Appeared in the Sunday Times and the Daily Mirror).
    CIS. COLOMBO. SRI LANKA.
    By Hameed Abdul Karim
    - Friday, May 31, 2002 at 22:10:21 (CDT)
  8. JAWAAB: Kareemka laysku caddeeyo ma la isku qurxin karaa?
    Salaan kabacdi;
    Walaal "isqurxintu" waa arrin ay jidaysay shareecadu, laakiin waa in ay ahaato mid loo soo marayo jidadka toosan ee qofku isku qurxin karo asiga oo aanan dhibaato u gaysan naftiisa ama aanan fal diintu diidayso ku dhaqaaqin.

    Sidaa darteed, haddii qofku uu kareem ismarsho asiga oo doonaya in uu isku caddeeyo, waxba kuma jabna haddiii kareemkaasi yahay mid daahir ah oo aanan laga samayn waxyaabaha xaaraanta ah sida subagga doofaar.

    Marka iscaddaynta lafteeda waxba kuma jabna, oo waxaa jira kereemyo qofku hadduu marsado ay dhogortiisu iftiimayso, oo korka dhalaalinaya, marka kuwaas waxba kuma jabna.

    Wallaahu aclamu
    Dr. Hersi - Friday, May 31, 2002 at 04:07:20 (CDT)
  9. ASLAAMU CALAYKUM WARAXMATULAAH:
    MAXAY KAQABTAA DIINTU ADIGOO ISKU QURXIANAY INAAD MARSATO KAREEMKA LAYSKU CADEEYO. WABILAAHI TOWFIIQ
    FATIMA <>
    - Friday, May 31, 2002 at 04:07:20 (CDT)
  10. Jawaab: Haweenay caado qabta quraan ma akhrin kartaa?
    Walaal, Salaan kabacdi, Qofka dumarka ah ee caadada qaba looma ogola in uu quraanka akhriyo sida shareecada ku cad, haddii akhrisku yahay akhris dhawaq ah, haddii uu qalbiga ka akhriyo waxba kuma jabna oo culumada oo dhan way banneeyeen, laakiin culumadu waxay banneeyeen in qofku erayo quraan ah ama aayado akhriyo haddii aysan niyadiisu ahayn quraan akhri ee uu ducaysanayo ama Eebbe xusayo. Macnaha waa inaadan u niyoon quraan akhris. Qaadista iyo taabashada musxafka waxba kuma jabna haddii aad dad waxbarayso.

    Sidaa darteed, waxaan qabaa in aad ka caawin karto carruurta akhriska quraanka waqtiga caadadu kuu timaado, laakiin waa in aadan u niyoon quraan akhris ee ay niyadaadu ahaato tacliimin ama toosin ama waxbarasho iwm. Muhiim waxaa ah in aadan niyoon quraan akhris.

    Culumada Maalikiyada ayaa walaal sidaa banneeyay, oo u ogolaaday haweenayda caadada qabta in ay haddii ay carruur waxbarayso ay akhrinkarto oo taaban karto kitaabka.
    Wallaahu aclamu.

    Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Dr. Hersi
    - Thursday, May 30, 2002 at 04:50:13 (CDT)
  11. Suaal: Haweenay caado qabta quraan ma akhrin kartaa?
    Sal.Cal.Waraxmatulaah. WAXAAN HAYSTAA CARUUR WAXAANA AHAY HOOYO KALIGEED AH MARKA MAKACAAWIN KARAA QUR,AANKA MARKAAN CAADAA QABO. WABILAAHI TOWFIIQ.
    kiin
    - Thursday, May 30, 2002 at 04:50:13 (CDT)
  12. Jawaab: Diintu maxay ka qabtaa in la is masawiro?
    Walaal, diinta Islaamku waxba kama qabto in la isasawiro, jaadkii uu doono ha ahaado sawirkaasiye, maxaa yeelay, sawirku waa humaagga oo xaansho lagu dhigay ama lagu midabeeyay, shareecaduna waxba kama qabto taas, maxaa yeelay taswiirta la diiday waa midda falaadka ah ee qofku uu cadba mar sawirayo noolaha, laakiin sawirka guud ee humaagga ah ama hooska ah ee aaladda lagu qabanayo kadibna xaasho lagu caddaynayo waxba kuma jabna, wallaahu aclam.

    Faahfaahin
    Xusuusnow, culumo badan oo (ahlu-taqliid ah) ayaa jira oo dhahaya sawirku waa xaaraan, waxayna cuskadeen xaddiis arrinkaas ku soo arooray, mana kala saarayaan jaadadka sawirka iyo hadafka loo sawirayo, waxaana ka mid ah culumadaas naasirdiin al-albaani, laakiin masawir uu leeyahay wadaadkaas baan hayaa, oo ah nooca teesaraha loo yaqaan.

    Marka anigu ijtihaad ahaan ma qabo in masawiriddu xaaraan tahay, haddii aalad lagu masawiro, sababtuna waa in masawirka aaladdu "humaag" ama "hoos" la xabisay yahay, ee uusan ahayn masawir cadba mar la masawiray.

    Marka walaal adigu ra'yigii aad doonto qaado, ogowna haddii aad qaadato ra'yiga culumada taqliidiga ah ee leh masawir waa xaaraan, ogow, naftaada waad ka xaaraameysay, dhammaan wixii masawir ku lug leh, maxaa yeelay TV iyo aaladaha masawirka iyo dhammaan wixii masawir ku lug leh xaaraan bay kaa noqonayaasn.

    Marka anigu ma qabo in diintu sidaas u adagtahay, waxaan aaminsanahay in diintu xigmad ku fadhido oo aysan ahayn xarfo macnala'aan loo xariiqay, sidaa darteed, waxaan eegaynaa cilladda ka dambaysa xaaraamaynta masawirka, haddii cilladdaasi baaba'do ama la waayo, xukunkiina waa la waynayaa.

    Cilladda loo diiday masawirka waa ku dayashada khalqidda, oo ah fal eebbe u gaar ah kor ahaayee, kolka qofka masawirya dadka asiga oo riishad iyo khad ama dhoobo haysta, taas islaamku wuu diiday, sababtuna waa ku dayashada uu khalqidda ku dayanayo, laakiin ninkii makiinad ku qabta hooskaaga dabadeedna daqiiqado gudahood xaansho cad ku dhejiya hooskii oo midab leh ama aanan midab lahayn, asiga oo waliba makiinad kale sii adeegsanaya sida aan ku aragnay nimanka dukaamada wax lagu masawira jooga, taas anigu waxaan qabaa maaha khalqid ku dayasho islaamkuna waxba kama qabo.

    Intaas waxaa kuu dheer manfacada maanta ku jirta masawirka aaladda lagu qabanayo, kaas oo ah in dadka lagu kala soocayo iyo faa'iidooyin kale oo aanan halkan ku soo koobi karin oo qof kasta ogyahay, kuwaas oo isugu jira faa'iidooyin dhaqaale iyo kuwa ciidan iyo kuwa siyaasaded iyo kuwa caafimaad iyo qaar kale oo badan. Marka xaqa allaha ina tuso dhammaanteen diinkana ilaah inaguma ciriirin ee yaynaan annagu isku ciriirin.

    Dr. Hersi <hersi@2garre.com>
    - Wednesday, May 29, 2002 at 01:39:15 (CDT)
  13. Su'aal: diintu maxay ka qabtaa sawirka?
    Walaal waxaan kaa soo codsanayaa in aad iiga soo jawaabtid so`aasheyda ah sidatan "maxay kaqabtaa diinta islaamka ahi in la issasaworo sawirada caadiga ahi ee yaryar" waa mahadsantahay.
    osman hassan <osman43224>
    - Wednesday, May 29, 2002 at 01:37:07 (CDT)
  14. Jawaab: Diintu ma sidi qabyaalad baa?!
    Walaal, diintu sidi qabyaalad ma aha, qabyaaladdu waxay ku salaysantahay eexasho xaqdarro ah, laakiin diintu eexasho ma aha ee waa caddaalad.

    Qabyaaladda ay diintu bannaysay waa mid loogu talagalay in la isku aqoonsado ee ma aha mid loogu talagalay in la isku midab takooro sida hadda soomaalidu yeelayso.

    Kooxaha lunsan sida wahhaabiyada iyo ikhwaanka iwm ayaa diinta iyo qabyaaladda xun isku dhexwada oo diintana ku gabbada qabiilka midabtakoorka ah ee eexda ku dhisanna ku dhaqma.

    Marka waxaan kugula talinayaa in aad iska jirto diinka ay sheeganayaan kooxahaas kufaarta ah ee leexinaya diinka, aadna diinka ka barato dad waxyaqaan oo lagu kalsoonyahay.
    Mahadsanid - Wednesday, May 29, 2002 at 01:04:27 (CDT)
  15. Su'aal: Diintu ma sidi qabyaalad baa?!
    Macalinka waxaan rabaa inaan idiin weeydiiyo diinta sida qabiilada oo kale miyaa misa waxaa waaye in aan is barno waxa ooyahay islaam ka
    yuusuf xassan nuur <yuusuf yahoo.de>
    - Thursday, May 16, 2002 at 09:23:16 (CDT)
  16. Jawaab: Maxay tahay (Nashuusho)?
    Walaal, Nashuusho sida soomaalidu u dhahdaba waa naagta dhaqanka diidda ee aqalka ka tagta ama diidda in ay ninka la noolaato.

    Sida diinta Islaamku dhigayso oo quraanku farayo, nafaqada haweenayda waxaa laga rabaa ninka, haddii uu naagta guursado (Macnaha, cunitaan iyo cabitaan iyo marasho iwm ee nolosha aasaas u ah) culumada qaar (sida shaafici waxay intaas ku dareen, in haddii ay naagtu ku dhalatay aqal ay booyaasi joogto oo ay ninka guursaday ku tiraahdo: booyaas ii keen, haddii kale waan kaa tegayaa oo kula joogi maayo, ay lagama maarmaan ku noqonayso ninka in uu booyaas u keeno naagta).

    Waxaas oo dhan waxaa la isku dhahaa (Nafaqo), waxayna waajib ku tahay ninka, intaas kadib, naagta ayadana waxaa ku waajib ah in ay (aqalka dhaqanka joogto) ama waxa loo yaqaan (Baytu ad-daacah) sida masaaridu tiraahdo.

    Haddii ninku nafaqadii keeni waayo oo uu buuxin waayo shuruudihii nafaqada qaalliga ayaa eegaya xaalkiisa iyo sababta ugu wacan in uu waajibkiisii ka soo bixi waayo.

    Nafaqada waxaa xadkeeda goynaya qaalliga maxaa yeelay, waxay ku xirantahay hadba meesha la joogo iyo maceeshaddu sida ay tahay.

    Naagtu haddii ay dhaqanka diiddo oo aqalka dhaqanka ka tagto, macnaha aanay ninka aqal kula noolayn ama ay kula nooshahay laakinse aanay la dhaqmayn oo aanay isdhaafsanayn wixii nin iyo naagtiis is dhaafsanayayeen, nafaqo kuma laha ninka, waxaana eegaya xaalkeeda qaalliga oo ogaanaya sababta ay dhaqanka u diidday, asiga ayaana ku xukumaya (Nashuusho), halkaasna waxaa ku lumaya xaqeedii ay ninka ku lahayd.

    Xusuusnow, arrimaha aan soo sheegnay oo dhan waa xaalado mid walba loo baahanyahay in si gaar ah loo derso, oo aanan hal xeer loo goyn karin, waana qaalliga magaaladu in uu eego arrinka, haddii uusan qaalli joogin, sheekha ama ninka wadaadka ah ee diinta islaamka yaqaan ayaa eegaya oo fatwo ka bixinaya kadib marka uu arrinka derso oo ninka iyo naagta labadaba dhegaysto dacwadooda iyo eedsheegadkooda.

    Marka erayga (Nashuusho) sida soomaaliduba u dhahdo, waa naagta dhaqanka diidda ee ka tagta aqalka ninkeeda, laakiin haddii ay dhaqanka diiddo oo ay aqalkiina joogto kolley waa isla mid, maxaa laga yaabaa in ay aqalka ayadu leheed markii horeba ama dowladdu lahayd, oo ay ninka iyo ayaduba halkaas isku guursadeen, kolka waxaan dhihi kartaa (Nashuusho waa naagta dhaqanka diidda), haddii ay caddaato in ay nashuusho tahayna xaqeeda (marasho iyo nafaqada kale) ayey halkaas ku waynaysaa.

    Wallaahu aclamu bissawaab
    Dr. Hersi <sej1@2garre.com>
    - Friday, May 10, 2002 at 05:48:58 (CDT)
  17. Suaal: Maxay tahay nashuusho?
    MAXAAY TAHAY NASUSHO AMA YA LA DHIHI KARA WAA NASUSHO.
    Ibrahim <eastafrican@msn.com>
    - Thursday, May 09, 2002 at 21:21:49 (CDT)
  18. Jawaab:Timaha ma la madoobaysan karaa?
    Walaal haddii aan kaaga jawaabo su'aasha ah (timaha ma la madoobaysan karaa). Jawaabtaydu waa sidan:
    Horta marka hore waa in aan iswaydiinno, sababta loo bedelayo timaha midabkooda, haddii uu qofku doonayo in uu is qurxiyo oo hadafkiisu xarago yahay waxba kuma jabna bedelidda midabka timaha siiba, midabkaas jaadkii uu doono ha ahaadee. (Macnaha qofkii doonaya in uu timaha casaan ka dhigto ama jaalle ama madow iwm asiga oo xarrago uun uga jeeda taas diintu waxba kama qabto) maxaa yeelay isqurxin waaye niyaddiisu, isqurxintuna waa arrin jidaysan oo diintu ina fartay.

    Haddii uu midabka timaha u bedelayo qofku si uu dadka u khiyaameeyo ama uu isu yareeyo ama isu wayneeyo iwm, taas ma bannaana maxaa yeelay niyadda qofka ayaa la eegayaa iyo waxa ka imaanaya falkiisa.

    Haddaba diinta islaamku waxba kama qabto in timaha la midabaysto haddii isqurxin looga jeedo, sidoo kale, waxba kama qabto in baaruuko ama timo artificial ah la gashado haddii isqurxin laga wado, in kasta oo culumadu isku khilaafeen mas'aladan dambe, oo uu sheekh Qaradaawi yiri, ma bannaana in baaruuko la labisto, haddana anigu uma arko in uu taas ku saxanyahay, waxaana ku diiday culumo waawayn oo ka mid ah duqayda al-azhar.

    Wallaahu aclamu bissawaab.
    Dr. Hersi <sej1@2garre.com>
    - Friday, May 10, 2002 at 05:32:23 (CDT)
  19. Suaal: Timaha mala madoobaysan karaa?
    Nabadgalyo iyo naxariista Eebe dushiina ha ahaato. waxaan idiinka mahadcelinayaa casharada iyo aqoon isweydaarsiga diineed een ku hawshantihiin allaha idinka abaal mariyo. intaa ka did, waxaan doonayey in aan idin weydiiyo, waxa ay diintu ka qabto isticmaalka daawooyinka timaha la mariyo gaar ahaan Madoobeysada la mariyo timaha, Ma banaan tahay mise waa xaaran? wabilaahi Tawfiiq walaakiin Abshir
    abshir adam <abshir33>
    - Wednesday, May 08, 2002 at 15:38:12 (CDT)
  20. Bogaadin: waxaan ku qancay sida wanaagsan oo aad uga jawaabtay suaalaha..
    salaamu calaykum ilaahay hakaa abaal mariyo waaa markii ugu horaysay aan arko website kan qiimaha leh wax suaal ah maqabo laakin waxaan ku qancay sida wanaagsan oo aad uga jawaabtay suaalaha lagu soo waydiiyay inkastoo meelaha qaar aanan kuugu raacsanayn si kastaba ha ahaatee waxaan kuu rajaynayaa in sii wadi doontid dadaalkan qiimaha badan leh jazaakal alaah qayran
    c/qaadir <ibnulmucallim>
    - Tuesday, April 30, 2002 at 07:34:45 (CDT)
    Next Page.. < < < < Laabo
Tusmada Su'aalaha iyo Jawaabaha Boggan
  1. waxaa wanaagsan in laga hadlo wixii cilmi ah
  2. Midnimada Muslimiinta..
  3. saxaabada nabiga allaha ka raalli noqdee iyo culumadii hore ee salafku bani'aadam bay ahaayeen<..
  4. Islam is not a violent Religion
  5. Kareemka laysku caddeeyo ma la isku qurxin karaa??
  6. Haweenay caado qabta quraan ma akhrin kartaa?
  7. Diintu maxay ka qabtaa in la is masawiro?
  8. Diintu ma sidi qabyaalad baa?!
  9. Maxay tahay (Nashuusho)?
  10. Timaha ma la madoobaysan karaa?
  11. waxaan ku qancay sida wanaagsan oo aad uga jawaabtay suaalaha..

  12. Wiil i jecel oo aanan anigu jeclayn ayaa la ii guuriyay ee maxaan sameeyaa?
  13. Munaaqasho ku saabsan Kooxaha Lunsan..
  14. Ragga Islaamka ayaa lagu yaqaan..
  15. Digniin ku socota Muslimiinta Soomaalida ah oo dhan
  16. Maxaa u dhexeeya kooxaha al-itihad iyo al-islah?
  17. muran kama taagna nimankan lunsan ee ikhwaanka iyo wahabiyadaba oo waa la wada og yahay
  18. Salafiyo Maxaa laga wadaa?

  19. Sujuudda Tilaawadu maxay tahay?
  20. ha layska ilaaliyo dadka diinta sida khaldan u fasiraya..
  21. sheekh sideen hooyaday ugu ducayn karaa?
  22. Maxaa ku jaban tacliinta diimeed ee Soomaaliya?

  23. Labada Khudbo ee Jimcada af aan Carabi ahayn ma lagu akhrin karaa?
  24. Taabashada aan ula kaca ahayn waysada ma burrisaa?
  25. Sheekhow Kooxahan Ittixaadka iyo Ikhwaanka iyo Taxriirku sow muslimiin maaha?
  26. Qof Muslim ah gaal mala dhihi karaa?
  27. Sheekhow iisoo ducee...
  28. Guurka qarsoodiga ah ma dambi baa?
  29. Guurka qarsoodiga ah ma dambi baa?
  30. Nafta "insurance" ama caymis mala gelin karaa?
  31. Taabashada aan ula kaca ahayn waysada ma burrisaa?
  32. Maxaa lagu fasiri karaa haddii "mar kastood qof aragto ama aad magaciisa maqasho aad naxdo"?
  33. Ma laga shaqayn karaa Super Market?
  34. Cilmu Salaf maxaa looga jeedaa?
  35. Thanks for your wonderful and tireless effort Dr. Hersi
  36. Qof Muslim ah Maraykanka ma siin karaa Mucaawino?
  37. Shiikhoow mid inkaaran oo "Umul" layirahdo ayaa dadkii waalay ee maxaad ka dhihi lahayd?
  38. Wahhaabiyadu waxay ku murantaa in aanan naagtaadu waysada kaa jebin!
  39. Haweenayda caadada qabta masjidka ma ku nagaan kartaa, Quraankase ma qaadi kartaa oo ma akhrin kartaa?
  40. Haddii ninku ku dhaarto in uu naagtiisa furay ma ka furmee?
  41. Aragti iyo taageero iyo bogaadin..
  42. ma haboon tahay nin aan..?
  43. Xaaskaygu waysada ma iga jebisaa?
  44. Maxaa ku dhacay qaybtii maqalka ahayd?
  45. Bogaadin:Qalbiga ayaan kaaga soo duceeyay
  46. Waxaan doonayaa in aan ku waydiiyo laba su'aalood..

  47. Jawaab:Cuntada dadka shiinaha ah ma xaaraanbaa?
  48. Jawaab: Quranka maxaan akhristaa oo ku ducaystaa?
  49. Mahadnaq iyo bogaadin
  50. Jawaab:Qabuurta in la siyaarto ma bannaantahay?
  51. Jawaab: Su'aal iyo Bogaadin, waxaa mahad leh ilaahayga idin waafaiyey
  52. Jawaab:Salaadda sidee si joogto ah u tukadaa?
  53. Bogaadin iyo Tahniyad: afkaaga caano laku qabay
  54. Qof dhintay mala baryi karaa?
  55. Meeqa firqo ayaa ka jirta soomaaliya?
  56. Sidee loo kala yaqaan dacwada xaqa ah iyo midda baadilka ah?
  57. Sidee soon lagu furi karaa ayadoon la arag bisha shawaal.?
  58. Bogaadin iyo Salaan Afsaxallaahu Lisaanaka.

  59. Waxaan sharax urabaa Shiikha weyn Ee qaadariyada
  60. Naagtu ma furmi kartaa haddii ay caado qabto?
  61. Waano ku socota Akhristayaasha: Marka hore akhriya inta aadan waydiin su'aal
  62. Soonka nadarka ah dib ma loo dhigi karaa?
  63. Maxaad istillaabka u saartay kitaabada culamada soomaliyeed qoreen
  64. Miyaanay Quraanka ku caddayn in haweenka surwaalka loo diiday?
  65. Waxaan aragnaa dad leh "wahhaabiyada ayaa diinta Islaamka keentay!!
  66. Buug Carabi ku qoran oo wahhaabiyadu qaybinayso!!
  67. Shiikh Uways Axmad yaa dilay!!
  68. Aragti: miyaanay khalad ahayn inaad qof muslim ah?!!
  69. Is Khat Haram or Halal?!
  70. Does Women/Kids (girls) allowed to wear trousers?!
  71. Haddii imaamku ragco dheeraad ah u istaago?!
  72. Maxay ka qabtaa diintu qof dumar ah oo kalkaaliso ah?!
  73. Dhambaal: Tahniyad iyo Bogaadin iyo Taageero?!
  74. Waa kuwama culumada caanka ah ee somaliyeed ee lunsan ama wahabiyada ah?!

  75. dad wahaabiyada u warantay baa yiri waa dambi..?!
  76. Mowlidka Nabiga ma u dabbaaldegi karnaa..?
  77. Xerta Digrisa iyo nabi ammaanka maxaad u aragtaan..?
  78. Axmadiyada Indiya ma gaalo baa..?
  79. waxaa jira in leeyga digay..!
  80. qofka taariku salaadka ah ma kaafir baa mise ma aha?!
  81. Indha-shareer meelaha laga shaqeeyo ma ku qaadan karaa?
  82. wax iiga sheeg xukunka qof qur'aanka bartay oo aan akhrinayn!

  83. xukunka taariku salaadka
  84. Wahhaabiyadu maxay naagaha u dhahaan nimanka gadaashood soo socda?
  85. Aqoonta iyo Caqligu ma habaabaan ee ictiqaadka ayaa habaaba!
  86. nin ayaa gabar si xarana ugu tagay..
  87. Salaan iyo Bogaadin..

  88. waxyaabaha lagu gaaloobayo..
  89. ii caddeeya in Wahhaabiyadu kuffaar yihiin iyo inkale!
  90. (Innalladiina aamanuu)=hadii lagu macneeyo kuwa xaqa aaminay, iyo kuwa aaminay maxeey is dhaamaan?
  91. Beryahan dambe waxaa aad u badatay fasiraadda diinta!
  92. waxaan jeclahay in aan ka hadlo wax yar oo..!
  93. waxyaabaha ay diinteenu ka sheegayso heesaha..!
  94. Diinta islaamku maxay ka qabtaa hadii surwaalka la dheeraysto?
  95. hadii uu qof wax ii sheegto oo uu idhaho..
  96. hadii anigoo jiifa ku riyoodo gabar..!
  97. sidee loo tukadaa salaatulaylka?
  98. malacuni karaa hilibka gaalada oo aheen..?
  99. anigoo soo wayseestay ma iska tiri karaa waysadii..?
  100. somalidu geedka ay aadka u cunto ee qaadku ma denbi baa?
  101. ururkii ka talin jirey afghanistan..
  102. waxaa lagu mormay in qofka naaska wada nuugay ..!
  103. maxa kuu dhacay dawlda somali?
  104. miyey jiraan dhar ama lebis u gaar ah..!
  105. wiil ayaa jiro oo rabo in uu ila sheekeesto..
  106. waxaan rabaa inaan is daahiriyo..!
  107. zakada dahabka laga bixiyo..
  108. waxaan ku mehersadey gabar kitaabka quraanka..!
  109. members of one of the Somali clans..
  110. Waxaan su'aal ka qabaa guurka ama Nikaaxa..
  111. WAAN KIRISHTAAMOOBAY...
  112. waxa aynu qoraanka ku aragnay gaar ahaan..
  113. waxa inta badn xadiistu sheegtaa in ragu ay suurwaalka gaabsadaan..
  114. Fariin tan waxaan ka soo dirayaa waqooyiga ameerika..!
  115. ha layska ilaaliyo dadka diinta sida khaldan u wada..
  116. qoladasi isku diin ma nihin..
  117. miyey banaan tahay in qofka muslinka ah maydkiisa..
  118. aad ayaan uga helay sida cilmiyaysan ee aad ula munaaqashootid..
  119. Waxaan ahay nin dhallinyaro ah..
Copyright 1998 - All rights reserved.
Contact Us
[Yahoo! News Search
Yahoo! Yellow Pages
[Yahoo! Quotes]
Contact Us
Webmaster - All rights reserved]