|| Fatwa / Fatwada || Sects / Firqooyinka || Books / Buugta|| Links / Xiriirin||
BOGGA FATWADA IYO SU'AALAHA
[Ask Question - Waydii Su'aal][Akhri Suaalo iyo Jawaabo]

Click to Enlarge
Su'aalahaaga waxaa ka jawaabaya
Sheikh Dr. Hersi Aw. Mohamed
(Dip., B.A, M.A, Ph.D in Islamic Studies)
Takhasuska: Usul ad-Diin (al-Aqidah)
(Khibrad: 20 sano ayuu macallin iyo muxaadir ka ahaa jaamicadaha iyo macaa-hidda iyo iskuullada, Somalia, Jordan, Malaysia, Brunei iyo Australia).
(Mufti: Mac-hadka fatwada ee jaamicadda Islaamka ee Malaysia 2002-2004).
(Hadda wuxuu ka shaqeeyaa: Daarul fatwa- Australia).

F.G: Haddii aad ka qayb qaadato forumkan waxaa laga yaabaa in ay emaillo iyo qoraallo kaa soo garaan.

TAAGEER AHLUSUNNAH WAL JAMAA'AH
SADDAQO LA BAX: Walaal akhriste taageer "ahlusunnah wal jamaacah". Taageeradaada waxaa loo adeegsandoonaa "arrimaha dacwada" oo kaliya. Mahadsanid.

  1. Jawaab: Madaahibta ma la isku dhafi karaa?
    Assalaamu calaykum: walaal Muxyadiin, waan fahmay mas'alada aad tilmaantay waana ku saxantahay, wayna jirtaa in culumada ahlusunnadu diideen in la isku dhafo madaahibta sidii aan horeyba kuugu sheegay.

    Waxaa kale oo jirta sida aad adiguba sheegtay in culumadu mad-hab gaar ah raaci jireen oo u nisba sheegan jireen sida Nawawi iyo Ibn Xajar oo shaaficiyo ahaa iyo qaar kale oo badan.

    Sidoo kale way jirtaa in wahhaabiyadu inkirsanyihiin madaahibta afarta ah ee ahlusunnada, waana la ogyahay in ay arrinkaas uga jeedaan duminta aasaaska diinta islaamka.

    Sikastaba ha ahaatee, aniga oo og waxyaabahaas aad tilmaantay oo dhan, ayaan kugu iri, waajib ma aha in hal mad-hab ah la raaco, sababtuna waa in mad-habtu ijtihaad tahay, ijtihaadkuna wuxuu ku waajibaa ninka iska leh ijtihaadkaas oo kaliya, laakiin waxaan kugu iri: qofkii aanan wax aqoon, macnaha aanan mujtahid ahayn, waxaa ku waajib ah in uu raaco ijtihaadka culumada, laakiin ijtihaad caalim gaar ah kuma waajib aha in uu raaco.

    Marka walaal u fiirso mas'alada, adigu haddii aad shaafici tahay oo aad qabto in naagtaadu salaadda kaa jebiso, miyaadan isla markaa ogayn in xanafiyadu qabaan in aanan naagtaadu waysada kaa jebin haddii aad taabato? Kolka ma waxaad leedahay xanafiyadu way lunsanyihiin, mise waxaad leedahay, waa dhici kartaa in ay saxanyihiin?

    Imaam shaafici wuxuu dhihi jiray mad-habtayda waa sax ah, in ay khaldantahayna way dhici kartaa, mad-habta dadka kalena waa khalad in ay saxantahayna way dhci kartaa.

    Kolkii uu ku tukaday masjid uu abuu xaniifa ku duugnaa ayuu salaaddii subax qunuudkii ka tegay, sida aad ogtahayna qunuudku waa waajib sidi shaafici qabo, kolkii la waydiiyay oo la yiri asalkaagii iyo mad-habtaadii baad khilaaftay wuxuu ku jawaabay, waxaan qunuudka uga tegay ixtiraamid aan ixtiraamayo ninka qabrigan iska leh!

    Marka walaal annagu waxaan aaminsannahay in afarta mad-habadoodba saxanyihiin, laakiin uu khilaafku yahay ijtihaadaad, qaarba qaarka kale ka yara saxanyihiin.

    Qofkii hal mad-hab ah qabsada ee ku ekaysta waa saxanyahay, culumadii asaxaabta waxaa ku jiray qaar Ibn Cabbaas oo kaliya wax ka akhrista, qaarna Ibn Mascuud oo kaliya ayay wax ka akhrisan jireen, macnaha sidaas ayuu doortay, taas marka waxba kuma jabna.

    Sidoo kale waxaa jiray qaar asaxaabta ka mid ahaa oo mar walba qofkii ay doonaan waydiin jiray su'aasha iyo fatwada, taas macnaheedu waa in uu mad-habta saxaabigii uu shalay raacay bedelayo oo berri mid kale raacayo, ayadana waxba kuma jabna inshaa allaah inkasta oo ay fiicantahay in mid kaliya la raaco.

    Arrinka wahhaabiyada iyo midda aan ka hadlayno way kala duwanyihiin, annagu ma dhihin madaahibtan naga daaya waa khalade sida wahhaabiyada, ee waxaan dhahnay sidii lagu arkay asaxaabta nabiga way bannaantahay in la kala doorto ijtihaadaadka culumada, madaahibtuna waa ijtihaadaad culumo, middii aad raacdana oo aad ku kalsoonaato inshaa allaahu waad ku haleelaysaa xaqa. Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Saturday, February 18, 2006 at 10:36:30 (CST)
  2. Su'aal: Madaahibta ma la isku dhafi karaa?
    ass/c/w/w/r salaan kadib shaykh xirsiyoow horta ilaahbaa mahad oo dhan iska leh, adiguna waad mahadsantahay dadaalka aad sameyneysid

    Balse waxaan ku weydiiyay hada ka hor: ma banaantahay in madaahibta leysku dhafaa? waxaadna iiga jawaabtay sida aan uqaatay waa banaantahay.

    Marka culumuma badan oo ahlu sunna eh ayaa wexey qabaan in aan leysku dhafi karin, markaan sidaas ku leeyahana, wahaabiya warkeed kuuma wado, mana kuu sheegaayi ileeyn warba wexey ka leeyihiin diinka hala burburiyo.

    Marka waxaa jirta oo aad ogtahay in ragii naga horeeyay eey madaahibta afarta eh kala sheegan jireen sida imaamu nawawi oo kale ibnu xajar alcasqalaani i/w/l eh waxaan ognahay kitaabada in eey ku qoranyihiin hebel hebel oo eh reer hebel ahna mad-hab hebel.

    Marka ninkaasi mad-habta u nisba sheeganayana uu ku suganyahay ayada kaliya, marka waxaan wahaabiyada ku arki jiray in ey dhahaan wax la yiraa mad-hab ma jiraan oo eey qaarkoodba dhahaan madaahibtu weey na wareeriyeen, maxaa yeelay islaamkii isku midka ahaay ayeey qeybiyeen sida maxamad c/di wahhaab oo yiri waa maxaay afartaan mad-hab waxaanu soow kitaabkii ilaaheey ma ahan iyo sunnadii nabiga marka sheykhoow ilaaheey raali hakaa noqdee hadii la dhoho mad-habta waa leysku dhafi karaa soow noqon meyso in wahaabiyada warkeeda la raaco oo ahaa ijtihaadkaada raac afarta mad-habna meeshii kaaga fududaato ka qabso?

    Mida kale maxaa dalil eh ood uheysaa in eey banaantahay in la isku deri karo madaahibta oo aan ninku gaar ahaan mad-hab u sheeganin, ileen hadii aad mad-hab kaan meel ka raacdid kana meel ka raacdid mad-hab aad heysatid ma jiree?

    Matalan aniga waxaan ahay shaafici mad-haban, hadaan iraahdo weysadu naagtaadu kaama jebiso soow kuma been abuuran mad-habtaas? ileeyn ma qabtee bal shaykh xirsiyow kheyr alaha ku siiyee arintaas jawaab wixii ilaaheey kaa fahamsiiyo iga sii igana xaqeeji waadna mahadsantahay mar kale ilaaheeyna ha kuu sakhiro fahamka cilmiga dhamaanteena aan kula qabno.
    Muxyadiin shaykh axmad <jaabir75>
    - Saturday, February 18, 2006 at 10:20:03 (CST)
  3. Jawaab: Ma bannaantahay in qof dhintay la baryo?
    Assalaamu calaykum: Dr. Cabdikarim, walaal ma bannaana in qof dhintay la baryo, mana bannaana in qabri la baryo, mana bannaana in cid aan Ilaahay wayn ahayn la baryo, horta taasi waa middaas, wax khilaaf ahna kama jiraan oo culumadu way isku raacsantahay.

    Laakiin waxaan ka baqayaa in ay laba arrimood isaga kaa khaldanyihiin, kuwaas oo ah "Baryada" iyo "twasulka ama istiqaathada iwm", arrinkan dambe wuu ka geddisanyahay baryada, culumaduna hadal badan bay ka dheheen, marka ma bannaana in la isku khaldo "baryada, cibaada iwm" iyo arrinka "tawasulka iyo istiqaathada iwm" waa laba mas'alo oo kala duwan.

    Wahhaabiyada ayaa isku khaladda "cibaadada iyo ducada ama baryada" iyo "Tawasulka iyo istiqaathada"
    Marka walaal tawasulka iyo istiqaathadu way bannaanyihiin, ama qof nool ku tawasul ama qof dhintay ama qabri ama malak ama rasuul ama camalkaaga dhammaan way bannaantahay in lagu tawasulo.

    Marka haddii ay isaga kaa khaldanyihiin "ducada" iyo "tawasulku" waa in aad kala saxato oo aad fahamto in aanay bannaanayn in la baryo cid aanan Eebbe wayne ahayn, laakiin ay bannaantahay in lagu tawasulo waxyaabo kale.

    Su'aasha labaad ee dhaarta ku saabsan
    Walaal dhaarta shuruudaheedu waa sida soo socota:
    1. In uu adeegsado erayada lagu dhaarto, sida wallaahi, billaahi, tallaahi, ama uu ku dhaarto sifooyinka Ilaahay sida Quraanka iwm.
    2. In uu miyir qabo oo aanuu waalnayn.
    3. In uu qaangaar yahay.
    4. In aanan cidna ku khasbin oo uu ikhtiyaar lahaa.
    5. In waxa uu leeyahay uu dhaar ula jeeday ama uga danlahaa.
    6. In waxa uu faliddooda ku dhaaranayo ama ka dhaaranayo ay yihiin wax mustaqbalka dhici doona oo aanay ahaan wax la soo dhaafay.

    Shuruudahaas marka la helo ayaa dhaartiisu sax noqonaysaa, haddii uu kolka dhaartiisii fulin waayay ama wixii uu ka dhaartay sameeyo waxaa ku waajibaya fidyo waana sida soo socota:

    1.In uu quudsho 10 masaakiin ah laba (mud) ama afar sacab oo cuntada magaalada laga cuno ah midkiiba .
    2. Ama wuxuu huginayaa oo dhar u iibinayaa 10 masaakiin ah, dharkuna waa in uu ahaado dhar salaaddu ku ansaxayso.
    3. Ama wuxuu xoraynayaa qof mu'min ah oo addoon ah haddii ay jirto.
    4. Haddii intaa oo dhan la waayo ama uu kari waayo qofku, wuxuu soomayaa 3 maalmood.

    Wayna bannaantahay in la hormariyo kafaarada ama la daba mariyo, macnaha in kafaarada la dhiibo inta aadan dhaartaada burrin, ama aad dhiibto kolka aad burriso kadib. Akhri aayadda: 89, ee Suuratul Maa'idah.

    Dhaarta dalaaqa lagu dhaarto kafaaro malaha, dalaaquna wuu dhacayaa
    Sikastaba ha ahaatee, haddii dhaarta aad sheegayso ay tahay mid uu ninku ku dhaartay dhalaaq ama furriin, oo uu falo wixii uu ku dhaartay, waxaa laasimaya dalaaqii ama furriinkii, kafaarana ma aha sida culumadu qabaan oo ay isku raaceen.
    Mahadsanid.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Saturday, February 18, 2006 at 09:58:34 (CST)
  4. Su'aal: Ma bannaantahay in qof dhintay la baryo?
    ASALAMA CALAYKA WARAHMATULAAHI WA BARAKATUHU, SHIIKH XIRSI waxaan hawada kuu soo marinayaa salaantaasi kor ku xusan waa mida islaamka ah.

    Salaan ka dib waxaan rabaa inaan ku waydiiyo laba su,aalood oo kala ah:
    Ma saxbaa in qof dhintay la baryo ama qabri intii la dul istaago ama loo safro la baryo hadii ay saxtahayse maxaa adilo u ah arinkaasi?

    Su'aashayda labaad waxa weeye nin ayaa waxa uu ku dhaartay in naagtiisu ay ka furuntahay hadii uu sameeyo wax cayiman, tusaale ahaan waxa uu ka dhaartay inuu isticmaalo komputar guriga yaalay oo kale marka hadii uu rabo qofkaasi inuu dhaartii jebiyo, waa maxay waxa looga baahan yahay inuu sameeyo? Wa bilaaahi towfiiq.
    Dr. Abdikarim <hersisom2003>
    - Saturday, February 18, 2006 at 09:50:10 (CST)
  5. Jawaab: Tashbiih maxaa laga wadaa?
    Assalaamu calaykum: Walaal tashbiih loogama jeedo oo kaliya sida aad sheegtay ee ah in la yiraahdo "ilaahay xubin xubnahenna la mid ah buu leeyahay" intaas oo kaliya tashbiih ma aha, tashbiihu waa ekaysiin ama ku shabbihidda Ilaahay lagu shabbaho uunka, macnaha in aad Ilaahay ku sifayso waxyaabo uunku ku sifaysanyahay.

    Tusaale ahaan, qofkii yiraahda Ilaahay kursiga ayuu ku fadhiyaa, sida Ibn Taymiyyah yiri oo Ibn Cabdulwahhaabna ku raacay waa mushabiho, maxaa yeelay "fadhigu" waa sifo uunku ku sifaysanyahay.

    Tusaale kale, haddii aad tiraahdo, Ilaahay wuxuu leeyahay "jiho" ama aag, xad ayaad u yeeshay, Ilaahayna xudduudda iyo jihooyinka intaba wuu ka nasahanyahay sida Imaam daxaawi ugu caddeeyay kitaabkiisa al-caqiidah ad-daxaawiyah.

    Marka walaal tashbiihu ma aha oo kaliya in la yiraahdo Ilaahay xubin buu leeyahay, ee waa sifo kasta oo uunku leeyahay ama qaab kasta oo uunku leeyahay in Ilaahay lagu sifeeyo, sida haddii aad tiraahdo Ilaahay wuu nastay ama wuu daalay ama wuu fariistay ama jihadaas ayuu inaga xigaa ama wuu koobanyahay ama wuu dhaqaaqayaa iwm.

    Midda kale ee aad tiri Ibn Cabdulwahhaab hadalkiisa waxaa looga jeedaa culumada Caarid, walaal sidaa ma aha, qof kasta oo carabiga si fiican u yaqaan waydii, hadalka wuxuu u weday culumada caarid waa jirtaa, laakiin arrinka ah in aanan hortiis caqiidada la fahmin, wuxuu ka wadaa muslimiinta oo dhan, waxaana daliil kuu ah in uu kitaabkiisa towxiidka fasalka 19aad ku yiri: Abuujahal ayaa muslimiinta maanta joogta kaga aqoon badnaa caqiidada, sidoo kale, jumlada aad soo qortay oo ah middii aan kuu tilmaamay, ayaa si cad kuu tusaysa in uu leeyahay (mashaa'iikhdaydii iyo mashaa'iikhdii culumada caarid midna ma fahmin towxiidak!!) Kolka haddii ay sidaa tahay miyaanay taasi si cad kuu tusayn in uu xataa mashaa'iikhdiisii kufrinayo? Tan kale, miyaadan fahmayn in uu khaldanyahay oo xaggee kolka ka bartay towxiidka toosan ee uu sheegayo haddii uusan mashaa'iikhdiisii ka qaadan?

    Ibn Cabdulwahhaab ma wuxuu ina leeyahay waa la ii waxyooday, muxuu ka wadaa (Arrinkan Ilaahay igu mannaysatay?) culumada oo dhan waxay u fahmeen in uu nabinimo sheeganayo, maxaa yeelay caqiidadu waa cilmi la kala barto ee ma aha wax aad maskaxdaada kala soo baxayso.

    Tan kale Ibn Cabdulwahhaab waa beentiis tan uu yiri: Mashaa'iikhdaydii ma fahmin tafsiirka towxiidka, maxaa yeelay tafsiirkiisa saddexlaha ah waxaa asiga uga horreeyay Ibn Taymiyyah, marka sidee buu ku leeyahay aniga hortay lama fahmin arrinkaas?

    Midda kale walaal, Ibn Cabdulwahhaab waa nin hadalkiisu isburrinayo, ma aha nin hadal toosan oo dhinac loo raaco sheegaya, Ibn Cabdulwahhaab wuxuu yiri Suufiyada sida Ibn Carabi kufrin maayo, hadana meel kale ayaan ku arkay kutubtiisa asiga oo kufrinaya! Wuxuu yiri: Tawasulku shirki ma aha, hadana waxaan kutubtiisa ku arkay meel uu leeyahay waa shirki, marka ninkan waa nin aanan hadalkiisu wax la qabto lahayn, waxaana la mid ah Ibn Taymiyah oo asiguna sidoo kale ah oo isburrinaya.

    Tan kale, qof billow ah oo aanan kutubta nimankaas si fiican u dersin hadalkooda kama daba tegi karyo, waxaa taas kasii daran, qofkii aanan aqoon mad-habta ahlusunnaha oo aanan caqiidada saxiixa ah horta baran khaladkooda ma fahmi karo, marka waxaan kugula talinayaa in aad horta akhriso kutubta ahlusunnaha sida Daxaawiyada iyo Fiqhul akbar iyo wixii la mid ah, kadibna aad akhriso sharaxa culumada Islaamku saareen kutubtaas, kolka aad saldhig fiican yeelato ayaad markaa kala garan kartaa wixii khaldan iyo wixii saxan inshaa allaah. Mahadsanid.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Saturday, February 18, 2006 at 09:33:24 (CST)
  6. Su'aal: Tashbiih maxaa laga wadaa?
    salaamucalykum: shiikh waxaan anigu u aqaan caqiidada la dhoho tashbiihda sida qofka dhaha ilaah wuxuu leeyahey waaxyaheyga oo kale, sida gacanteyda ookale amaa wajigyga okale iwm. Marka sidaa oo kale miyaad ka heysaa sh. c/wahaab? fartana iigu fiiq kitaabka uu ku dhigey.

    Tankale aad tiri wuxuu u qeybshey tawxiidka sadex hadee adiguba asmaada iyo sifaadka oo kamida sadexda uu sheegey adba waad qireysaaye sida ka muuqata qoraaladada marka murunka ma wuxuu ka jooga labada kale?

    Tan aad tirina dadka oo dhan buu kufrisiiyey anigy kuma hayo meesha aad iigu tilmaantey, laakin waxaan hadalkiisa laga fahmaaya inuu ula jeedo culimada CAARID oo aan filaayo iney tahey magaalo waana kan siduu u yaalo:
    وأنا أخبركم عن نفسي والله الذي لا إله إلا هو لقد طلبت العلم واعتقد من عرفني أن لي معرفة وأنا ذلك الوقت لا أعرف معنى لا إله إلا الله، ولا أعرف دين الإسلام قبل هذا الخير الذي من الله به. وكذلك مشايخي ما منهم رجل عرف ذلك، فمن زعم من علماء العارض أنه عرف معنى لا إله إلا الله أو عرف معنى الإسلام قبل هذا الوقت أو زعم عن مشايخه أن أحداً عرف ذلك فقد كذب وافترى ولبس على الناس ومدح نفسه بما ليس فيه

    Kolka shiikh meesha tashbiihda bal farta noogu fiiq annagu weli maheynee jawaabtana ku koob c/wahaab waayo isagaan iminka u dan leenahey?
    Sadexle <Sadexle >
    - Saturday, February 18, 2006 at 08:53:05 (CST)


  7. Jawaab: Su'aashii shakhsiga ahayd iigama aadan jawaabin shiikhow?
    Assalaamu Calaykum: Walaal mahadsanid, haddii aad ku qanacday fatwadaydii waa alle mahaddiis, marka aan u soo laabto arrimihii kale ee aad i waydiisay.

    Culumada Casriyiinta ah
    Walaal culumada casriyiinta isku sheega anigu ka mid ma ahi, maxaa yeelay nimankaas xaq iyo baadal kalama yaqaaniin, mana doonayaan diin xaq ah in ay fidshaan ee waxay daba joogaan maslaxadooda.

    Anigu waxaan ahay nin ahlusunnah wal-jamaaca dariiqoodii haysta, waxaan qabaa in si xaq ah oo caddaalad ah cilmiga looga run sheego ayada oo aan maslaxo shakhsi ah iyo mid kooxeed toona loo eegin sida Ilaahay quraanka inoogu caddeeyay waxaa inagu waajib ah in aan xaqa sheegno.

    Xukunka sharciga ah wuxuu ku cadyahay kitaabka iyo sunnada iyo hadalka culumada sida uu yahay ayaanna u sheegaynaynaa, iskuna jiidi mayno madaahib iyo firqooyin aanan islahayn oo aanan isqaban karin.

    Su'aalihii Shakhsiga ahaa
    Walaal ma fiicna qofku in uu hadalka ka billaabo is ammaaniddiisa, laakiin maadaama aad i waydiisay su'aalahaas shakhsiga ah wax yar ayaan kaaga taabanayaa.

    Yaraantaydii waxaa quraanka i baray aabbahay allaha u naxariistee Aw Maxamad Labagarre oo ahaa macallin dugsi quraan, kadibana waxaan ku dhamaystiray quraanka dugsigii Macallin Muuse Xersi Boore ee wardhiigley ku yiillay meesha loo yaqaan (ceel gadiid).

    Kadibana Iskuulka ayaan galay oo 1975kii ayaan ka baxay Shiikh Suufi hoose/dhexe, macalinka kaliya ee soomaaliga ahaa ee meeshaa wax ka dhigi jiray wuxuu ahaa Skiikh Ibraahim Suulay oo aan u malaynayo in uu wali noolyahay, fiqhiga imaam Shaafici ayuu inoo dhigay khayr allaha siiyee.

    Kadibna dugsiga sare ee Allaahida ayaan galay, kadibna Mac-had al-mucallimiin, Intaas waxaan tafsiirka ka raacan jiray Shiikh Maxamad Macallin oo ka akhrin jiray masjidkii Shiikh Cabdulqaadir, kadibna waxaan ka dhegaysaty tafsiirka culumo badan oo uu ka mid ahaa Shiikh maxamad Guuleed.

    Kadibna Kulliyadda shareecada ayaan ka baxay 1987kii Jordan, kadibna kulliyadda aadaabta jaamicadda Jordan, kadibna kulliyadda shariicada jaamicadda (National University of Malaysia) oo aan MA iyo PhD ka qaatay.

    Faafaahin fiican ayaa qaar ardadayda ka mid ah ka qori doonaan mowduucan inshaa allaah dhawaan oo aan webka soo gelin doonaa, waxaan rejaynayaa in ay intaasi kugu filantahay.
    Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Friday, February 17, 2006 at 18:55:58 (CST)
  8. Su'aal: Su'aashii shakhsiga ahayd iigama aadan jawaabin shiikhow?
    Shiikh aad ayaad u mahadsantahay, runti si wanaagsan oo aan ku farxsanahay markii horena aan aamin sanaa ayaad iigaga jawaabtay su aashii aan ku waydiiyay, waxaan u haystay inaad tahay nin kulmiya wahaabiyada iyo ahlusunnaha oo xadaari iska dhigaaya, hase ahaatee hadda xaqqa dhiniciisa ayaad jirtaa oo ii cadaysay, hase ahaatee waxaadan iiga jawaabin su'aal shaqsi ahaaneed, waayo waxaan rabay in aan wax ka ogaado shaqsi ahaantaada meesha aad wax ku soo baratay culimadaada hadii aad culimadii soomaaliya wax ka baratay iyo hadii aad meelo kale wax ka baratay, manhajka waxbarashadaada. mahadsanid
    anuur <anuur02>
    - Friday, February 17, 2006 at 18:43:19 (CST)
  9. Jawaab: Wahhaabiyadu qodobada ay ku kufrisay maxay yihiin?
    Assalaamu calaykum: walaal dhowr su'aalood oo hadda kahor in badan la i waydiiyay ayaad i waydiisay, webka in aad ku cusubtahay markii aad ii sheegtay ayaan garawsaday su'aashaada maxaa yeelay su'aalahaas dhowr jeer ayaan ka jawaabay.

    Sidaa darteed waxaan kaa codsanayaa in aad qoraallada webka ku jira sifiican u akhriso jawaabtana waad heli doontaa ayada oo faahfaahsan.

    Halkan waxaan kuugu soo koobayaa dhowr qodob oo si kooban uga jawaabaya su'aalahaagii:

    Maxay yihiin qodobada ay wahhaabiyadu ku kufrisay?
    Qodobada ay wahaabiyadu ku kufrisay way badanyihiin waxaana ka mid ah:
    1. In Shiikhooda Ibn Taymiyyah ku caddeeyay kitaabkiisa Majmuucul Fataawaa, juska 4aad, baalka 374 in Ilaahay Carshiga ku fadhiyo oo uu meel uga banneeyay Nabi Muxamad si uu ugula fariisto carshiga, taasina waa tashbiih iyo tajsiim cad, culumada oo dhanna way isku raacsanyihiin in uu hadalkaasi kufri yahay.

    Diinta Islaamka meel ay uga soo aroortay ma jirto in Ilaahay carshiga ku fadhiyo oo nabiguna kula fariisan doono carshiga dushiisa oo uu meel Ilaahay uga banneeyay carshiga si nabigu ugu fariisto! Way jiraan qaar yiri Ilaahay wuxuu joogaa carshiga dushiisa, kuwaasi waxay ku dhegeen daahirka aayadda quraanka ku soo aroortay ee loo yaqaan aayadda "Istwaha" Daha: 5, laakiin qof tiri waxa Ibn Taymiyah sheegay kuma jirto muslimiinta, ee waa Israa'iiliyaat Yahuudda laga soo baawsaday.

    2. Midda labaad Ibn Cabdulwahhaab wuxuu rasaa'ilkiisa ku caddeeyay in towxiidku saddex u qaybsamo, eeg: Rasaa'ilkiisa, bogga: 146, 145. iyo addurar as-suniyah: juzka 2aad, baalka:34-36.

    Qaybinta towxiidka loo qaybshay saddex, ee uu ka dhigay Rubuubiyo iyo Uluuhiyo iyo Sifaat waa tathliith qayaxan waana midkii nasaaradu ku dhacday ee shirkiga ahaa, Ilaahayna wuxuu quraankiisa ku caddeeyay in ay kufriyeen kuwii yiri "Ilaahay waa saddex midkood".

    3. Ibn Cabdulwahhaab wuxuu kufriyay muslimiinta oo dhan laga billaabo kuwa maanta jooga ilaa laga gaaro qarnigii 3aad ee hijriyada, qofkii muslimiinta oo dhan kufriyana asiga ayaa kaafir ah, maxaa yeelay xaddiiska nabiga ayaa inoo sheegay in aanan umaddiisu dhammaantood lumayn. Fiiri Rasaa'ilkiisa, bogga186-187, si cad ayuu u yiri: aniga qof aan ahayn ma fahmin macnaha towxiidka tan iyo qarnigii saddexaad, taasna ujeedadeedu waa in ay gaalo ahaayeen oo aanay towxiidka fahmin intii asiga ka horraysay, iyo inta maanta joogta ee aanan mad-habtiisa lunsan raacin.

    4. Ibn Taymiyyah wuxuu ictiqaadsanyahay in Carshigu Qadiim yahay oo soo jireen yahay, sidaa ayuuna ku caddeeyay kutubtiisa, culumaduna waxay isku raaceen in uu gaal yahay qofkii ictiqaada in ay jiraan wax soo jireen ah oo qadiim ah oo aan Ilaahay ahayn.

    5. Ibn Taymiyyah wuxuu ku andacooday in ay Naartu dhamaanayso, taasna wuxuu ku beenshay quraanka oo caddeeyay in ay ahlu naarku ku waarayaan waligood naarta.

    Marka walaal masaa'ilkaas oo dhan waa masaa'il caan ah oo culumadu ku kufrisay Ibn Taymiyah iyo wixii ku daba tukada sidi wahhaabiyada, qofkii waxaa aaminsan waa kaafir Ilaahayna ma yaqaan, ama ha caabudo ama yuusan caabudin taasi micne malaha maxaa yeelay maba uu yaqaan Ilaahay qofkaas, qof aanan Eebbe aqoonna cibaado ka ansixi mayso.

    6. Albaani oo ka mid ah kuwa madaxda u ah wahhaabiyada wuxuu cajalad ku duubay fatwo uu ku yiri Ilaahay caalamka ayuu ku wareegsanyahay! macnaha sidi kubbad oo kale ayuu caalamka dusha uga wareegsanyahay, taasina waa xadayn, culumaduna waxay dheheen Ilaahay ciddii xad u yeesha way shabbahday tajsiimna way la timid, Ilaahayna ma yaqaan qofkii ku shabaha khalqigiisa, sidaa waxaa caddeeyay Imaam Ashcari iyoImaam Daxaawi.

    Kolka walaal hal qodob oo waxyaabahaas aan soo sheegay ka mid ah ayaa ku filan qofka kufrintiisa, maxaa yeelay dhammaan waa qodobo cadcad oo aanan u baahnayn ta'wiil iyo tafsiir.

    7. Ibn Taymiyyah iyo wahhaabiyadu waxay qabaan in Imaam Abuubakar Islaamnimadiisu aanay ansaxayn maxaa yeelay wuxuu islaamay asiga oo duq ah oo waxa uu sheegayo aanan garanayn.

    8. Ibn Taymiyyah iyo wahhaabiyadu waxay qabaan in Imaam Cali Islaamnimadiisu aanay ansaxayn, maxaa yeelay wuxuu islaamay asiga oo carruur ah oo waxa uu sheegayo aanan garanayn, sida Ibn Xajar ku caddeeyay kitaabkiisa ad-durar al-kaaminah.

    9. Ibn Taymiyyah iyo wahhaabiyadu waxay qabaan in Imaam Cusmaan uu maalka aad u jeclaa oo Imaam Cumar ku khaldamay diinta Islaamka, sidaas waxaa caddeeyay Ibn xajar al-Casqalaani iyo dahabi iyo qaar kale oo badan.

    10. Ibn Taymiyyah wuxuu yiri Imaam Cali wuxuu ahaa mid hoogay oo meeshii uu tagaba khasaaro kala kulma, sida Ibn Xajar caddeeyay.

    Wahhaabiyada iyo Ahlusunnah wal-jamaacah maxaa u dhexeeya?
    Walaal wax wayn baa u dhexeeya wahhaabiyada iyo Ahlusunnah wal-jamaacah, waxaa ka mid ah:
    1. Ahlusunnah waxay aaminsanyihiin in aanan Ilahay wax ekaankiisa ah jirin sida Quraanka ku cad, wahhaabiyaduna way shabbahayaan oo waxay leeyihiin wuu dhaqaaqayaa oo xad buu leeyahay sidi makhluuqaadka kale! Tacaala allaah cammaa yaquuluun.

    2. Ahlusunnah waxay qabaan in aanay jirin wax qadiim ah oo soo jireen ah oo aan Eebbe wayne ahayn, Ilaahay uun baa qadiim ah inta kalena waa xaadith ama makhluuq, sidaas ayay qabaan ahlusunnah, wahaabiyo waxay qabaan, in Ilaah iyo Carshiga iyo Kursiga iyo malaa'ikta ay qadiim yihiin dhammaantood, Ibn Taymiyah ayaa ku caddeeyay fatwaawihiisa, waana shirki qayaxan oo aanan ta'wiil lahayn.

    3. Ahlusunnah waxay qabaan in naarta lagu waarayo oo jannada lagu waarayo sida quraanka ku cad (khaalidiina fiihaa abadan), Wahhaabiyaduna waxay qabtaa in naartu dhammaanayso oo aanan lagu waarayn, sida Ibn Taymiyyah caddeeyay oo culumada oo dhan ka soo weriyeen.

    4. Ahlusunnah waxay qabaan in Imaam Abuubakar Mu'min ahaa oo uu Islaam ahaa, Ibn Taymiyyah iyo wahaabiyaduna waxay qabaan in Abuubakar Islaamay asiga oo duq ah, qof duq ahna uusan garanayn waxa uu leeyahay!, sida xaafidkii Ibn xajar ugu caddeeyay kitaabkiisa ad-durar al-kaaminah.

    5. Ahlusunnah waxay qabaan in Imaam Cali yahay mid ka mid ah mubashiriintii tobanka ahaa ee jannada loogu bishaarteeyay, mana uusan ahayn mid hoogay sida ibn taymiyyah ku andacooday.

    6. Ahlusunnah waxay qabaan in Imaamyada muslimiinta uu Abuubakar u fadli badanyahay, oo Cumar ku xigo oo Cusmaan ku xigo oo Cali ku xigo sida Imaam Daxaawi ku xusay Caqiidada daxaawiyada, mana aha sida wahhaabiyada oo ictiqaadsan in Imaam cumar diinka ku khaldamay ama Cali iyo Abuubakar kufaar yihiin oo aanan islaamkoodu ansaxayn!! nacuudu billaahi.

    Gabagabada Mas'aladan
    Marka walaal halkan kuuguma soo koobi karo waxyaabaha wahhaabiyadu ku kufrisay oo dhan iyo khilaafka u dhexeeya ayaga iyo ahlusunnah wal-jamaacah, haddii Ilaahay yiraahdo kitaab ayaan ku soo koobi doonaa Kufriyaadka wahhaabiyada dhawaan ee webka kala soco.
    Khayr baan ku rejaynayaa.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Friday, February 17, 2006 at 18:33:40 (CST)
  10. Su'aal: Wahhaabiyadu qodobada ay ku kufrisay maxay yihiin?
    Sheekhoow waxan ahay qof webkaan ku cusub. Ha yeeshee waxaa markiiba ishaydu qabatay inaad leedahay qolo Wahaabiya la yiraa waa gaalo oo salaad laguma xiran karo, waana sidii Faadhimiyiintii iyo Tataarkii. Haddaba si kooban qodobbo cadcad ma iigu sheegi kartaa waxa ay Wahaabiyiintu ku gaaloobeen ra'yigaaga?
    Waxa ay Ehlu-Sunna Wal-Jamaaca uga duwan yihiin?
    Xageedse ka aragtay waxyaabahaas aad ku andacoonayso oo Masaadir cadcad ma inoo sheegi kartaa?.
    Mahadsanid
    Sabriye Macallin Muuse <sabkaxaaji>
    - Friday, February 17, 2006 at 17:54:58 (CST)
  11. Jawaab: Qofku ma dooran karaa hadba mad-habtii u fudud?
    Assalaamu calaykum: walaal waxba kuma jabna qofku in uu doorto hadba wixi u fudud, sida aad adiguba aragtay muslimiintu waxay fatwo waydiistaan hadba shiikhii ay doonaan, xor ayayna u yihiin, Ilaahayna mad-hab gaar ah kuma waajibin, shiikh gaar ah in warkiisa la raacana Ilaahay ma waajibin.

    Sidaa darteed, qofku xor buu u yahay in uu doorto mad-habta ama shiikha ama muftigii uu ku kalsoonyahay. Asaxaabta nabiguna sidaa ayay yeeli jireen, qofkii ay doonaan ayay fatwada waydiin jireen, qaar caa'isho ayay ku kalsoonaayeen, qaar Imaam Cumar, Qaar Ibn Mascuud, Qaar Ibn Cabbaas.

    Mad-habta iyo Fatwadu waa Ijtihaad, ijtihaadkuna qofkiisa ayuu ku waajibaa ee cidkale kuma waajibo
    Marka walaal fatwada iyo mad-habta iwm, waa ijtihaadka culumada, ijtihaadka culumadana in mid gaar ah la raaco waajib ma aha, laakiin qofkii aanan mujtahid ahayn waa in uu raaco ijtihaadaadka culumada midkii uu ku kalsoonyahay, waa waajib in uu mid ka mid ah raaco, laakiin waajib ma aha in uu mid gaar ah ku ekaado ama mid gaar ah raaco.

    Sidaa darteed, qof kasta oo muslim ah haddii uusan asigu caalim ahayn oo uusan mujtahid ahayn, waxaa ku waajib ah in uu culumada ijtihaadkooda ama mad-habtooda raaco.

    Culumada qaar ayaa diiday in madaahibta la isku dhafo
    Culumada badankoodu way diideen in hadba fatwada dabacsan la doorto, waxayna u yaqaaniin "talfiiq" waxayna xataa qaar dheheen ma bannaana. Sikastaba ha ahaatee, kuma haboona qofka muslimka ah in uu hadba mad-habta daciifka ah ku camalfalo, waxaa wanaagsan in uu mad-habta daliilka leh raaco ee xoogga leh ee loo badanyahay.

    In Madaahibta la isku dhafo khalad ma aha, ee waxaa khalad ah in hadba mad-habta dabacsan la doorto
    Haddii aad doonto isku dhaf madaahibta, taasi khalad ma aha, laakiin waxaa xun in aad doorato hadba mad-habta daciifka ah, maxaa yeelay culumada madaahibtooda qaar daciif ah ayaa ku jira, sababtuna waa daliilka uu qaatay oo daciif ahaa, kadibna la ogaaday in uusan daliilkaas fiicnayn oo uu jiro mid ka xoogbadan, sidaa darteed, waxaa wanaagsan in aad doorato hadba daliilka xooggan, haddii aadan dalilka kala aqoon, oo aadan lahayn aqoon kugu filan, waydii culumada hadba daliilka xooggan ee mas'aladaa aad raadinayso.
    Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Thursday, February 16, 2006 at 16:29:36 (CST)
  12. Su'aal: Qofku ma dooran karaa hadba mad-habtii u fudud
    sc. wr. wbr. sheekh waxaan ku weydiinayaa masalan: qofka haddii uu mad-hab shaaficiya haysto, maqaadan karaa madaahibta kale marba kii u fududaado, waxaan kaa sugayaa jawaab. jazaakallaahu qayr. macasalaama.
    abuarqam <abuarqam>
    - Thursday, February 16, 2006 at 16:15:52 (CST)
    Next Page.. < < < < Laabo
Tusmada Su'aalaha iyo Jawaabaha
Bogga Fatwada

    Page [24]
  1. Madaahibta ma la isku dhafi karaa?
  2. Ma bannaantahay in qof dhintay la baryo?
  3. Tashbiih maxaa laga wadaa?
  4. Su'aashii shakhsiga ahayd iigama aadan jawaabin shiikhow?
  5. Wahhaabiyadu qodobada ay ku kufrisay maxay yihiin?
  6. Qofku ma dooran karaa hadba mad-habtii u fudud?

  7. Page [23]
  8. Qofka shaqaalaha ah sidee loo baxshaa mushaarkiisa?
  9. Timaha waxyaabaha lagu midabaysto ma bannaanyihiin?
  10. Rasuulka_qasiido ma lagu ammaani karaa?
  11. Wahhaabiyada iyo ahlusunnadu ma isku caqiidaa?
  12. Muxuu ku salaysanyahay manhajka wahhaabiyadu?
  13. Fasax la'aan ma duuban karaa duruusta webka ku jirta?
  14. Ma ka shaqayn karaa maqaasiin khamri?
  15. Ninkaygu salaadda ma iga jebshaa?
  16. Ninka iyo xaaskiisu haddii ay kala tagaan..?
  17. Shiikh Wax jacayl la yiraahdo ma jiraan?
  18. Shiikh ii sheeg meesha ay ku qoran yihiin waxyaabaha ay wahhaabiyadu ku kufrisay.
  19. Imaam Wahhaabi ah salaad ma lagu xiran karaa?

  20. Page [22]
  21. waxaan doonayaa in aan ku waydiiyo saddex su'aalood?
  22. Been qofkii ku dhaarta ciqaabtiisu maxay tahay?
  23. Attaxyaadka haddii aan dhameeyo, ma iska aamusi karaa, si aan imaamka u sugo?
  24. Naagtaydu haddii ay deriska dhibayso, naseexana yeelayn..?
  25. Tiishuuga musqulaha ma lagu astajoon karaa?
  26. Naagtu ninkeeda lacag uusan ogolayn jeebkiisa ma kala bixi kartaa?
  27. Gabadha aabaheed khasab ma ku mehrin karaa?
  28. Midabka naaguhu is mariyaan ma bannaanyahay?
  29. Mala guursan karaa naag kirishtaan ah?
  30. Qof Nabiga nnk difaacaya gaal ma noqon karaa?

  31. Page [21]
  32. Lacagta "Single Mother"-ka ma qaadan karaa aniga oo nin leh?
  33. Qofka waalan xaaskiisa ma u tegi karaa?
  34. Qof dukaan ku furtay lacag dayn ah seko ma laga rabaa?
  35. Ma ku xiran karaa qof haysta mad-habta xanafiyada?
  36. Culumada Al-Azhar ma kufriyeen wahhaabiyada?
  37. Salaadaha Sunnada ah sidee loo tukadaa?
  38. Sharikadda mushahar ma ka qaadan karaa nin faa'iidada wax ka qaadanaya?
  39. Haddii ninku naagtiisa furitago caddayn ma qori karaa?
  40. Naagtu haddii ay dhahdo, ninkaygii waan kala tagnay..
  41. Sheekh Cuntada maka cuni karaa makhaayad gaalo leedahay?

  42. Page [20]
  43. Sheekh waxaan ku waydiinayaa saddex su'aalood oo wahhaabiyada ku saabsan?
  44. dhagaysigga Heesaha Jacayilka ahi ma Dambibaa?
  45. Dayaxa_oo_ku yaal toddobada samo dushooda sidee cirbixiyeenku ku gaareen?
  46. Meherka muxalilka ah ma bannaanyahay
  47. Sidee wahaabiyadu gaalo ku noqonayaan ayaga oo xaramaynka jooga?
  48. Madaahibta_Islaamka, ma mid kaliya ayaan ku gaabsadaa, mise waan isku dhafi karaa?
  49. Xaaskayga haddii aan iraahdo, haddii aan sidaa sameeyo 3 dalqadood baad ii ga furantahay..
  50. Culumadii_hore maxay qunuutka ka dhaheen, maxayse isku raaceen, salaadda subaxse ma lagu gaar yeeli karaa?

  51. Page [19]
  52. Shahwada aan ulakaca kaaga imaan soonka ma burrisaa?
  53. Naag saddex dalqadood lagu furay ma furantahay
  54. Qofkii Isbitaal ka shaqeeya ma dambi bay ku tahay..?
  55. Sheekh salaadda mar kasta ma wayso cusub baa loo baahanyahay?
  56. Skeekh waxaa jawaabtaada laga fahmayaa in culimadii mawliidka qortey ey gudcur gudayeen!
  57. Qofka ballanlaawaha ah naagtiisu ma furmaysaa?
  58. Ruuxa iyo Naftu maxay kala yihiin?
  59. Sida Micraajka lagu sheegay, sow nabigu Ilaahay toddobada samo ka kor kulama kulmin, maxaad u leedahay Ilaahay samada xaggeeda ma jir?

  60. Page [18]
  61. Bogaadin: Fadiilatu Shiikh Dr Xirsi waa mahadsantahay
  62. Sheekh Cabdulqaadir iyo Imaam Ashcari waxay caqiidada ka qaateen Imaam Axmad?
  63. Ahlusunnaha ku sugan dalka Zambia!
  64. Waxaan u hambalyaynayaa inta ka qaybqaadata dacwada iyo difaaca Islaamka
  65. Shiikh ama Diktoor Xirsi khaer Ilaaha raxmaanka ah ha ku siiyo haan ku xafido
  66. Masaafadu ma bannaantahay, maxaase daliil u ah?
  67. Wiilka walaashay dhashay anigu manuujinkaa iyadoo nool?
  68. Salaadaha_qaar maxaa codka kor loogu qaadaa?
  69. waxaan maqlay salaada gudaheeda xarakaad lagama ogola..
  70. Ma bannaantahay lacagta diibaajiga ah ee dadku wax ku kala kiraysto?

  71. Page [17]
  72. Cridet Card-ka haddii uusan dulsaar lahayn ma xaaraan baa?
  73. Khamrigu ma daahir baa?
  74. Sheekh suaasheydii ku saabsaneyd caqiidada Sheekh C/qaadir..
  75. Wahhaabiyada Australia oo warqado uu ku qoranyahay magaca Shiikh Dr. Hersi daabacday oo fidi say!

  76. Page [16]
  77. Yaa ugu horreeyay qof towxiidka qaybsha, muxuuse uga dan lahaa?
  78. Ma banaantahay toowxiidka in la qeeybiyo?
  79. Lacagta dulsaarka ihi maxay tahay..
  80. Shaafici iyo Ashcari ma isku caqiidaa?
  81. Wahhaabiyada ama Ittixaadka salaad ma lagu xiran karaa?
  82. Sheekh waxaan akhristey kitaabka alibaana oo aad tacliiq ku sameysey
  83. Lacagta dulsaarka ahi maxay tahay?

  84. Page [15]
  85. Mala ogolyahay in arooska laga ciyaaro?
  86. Sheekhow gabar aan isjeclayn ayaan dagaalnay ee maxaa talaa?
  87. Sheekh Cabdulqaadir caqiidadiisa qofkii haysta ma toosanyahay?
  88. Lacagta daynta ah ee ardayda la siiyo ma la qaadan karaa?
  89. Haweeynay ayaa waxay ninkeedii kala maqnaayeen 14-sano..
  90. Sheekhow qalbi adayg ayaan isku arkay ee maxaan akhristaa?
  91. Sunniyaha ma la yaraysan karaa, xaadda wajigase ma layska xiiri karaa?
  92. Wiilal habaryartay dhashay ma ka xijaabanayaa?
  93. Qaadiriyada iyo Axmadiyada maxay diintu ka qabtaa?
  94. Nin taariku salaad ah haddii aan musxafkiisa u celiyo ma dambi baa iga saaran?
  95. Maxay wahaabiyadu diinka saxda ah u leexisaa?
  96. Ma la dhihi karaa Ilaahay Carshiga ayuu ka sarreeyaa?
  97. Carruurta garaaciddooda kolka wax la barayo ma bannaantahay?
  98. Lacagta uu nin madax ah i siiyay si aan warkiisa u fidiyo ma xaaraan baa?
  99. Nin wahhaabiyada Nairobi sheekh u ah ayaa iftooday...
  100. Nin aan aabbahay ahayn, aabbe ma ugu yeeri karaa?
  101. Gabadh ilma iska soo ridaysay ayaan lacag ugu kaalmeeyay, marka ma dambi baa iga soo gaaraya?
  102. Aniga iyo adeerkey waxaan iskula hadalnaa hadal jacayl ah ninkayguna ma ogola!
  103. Waalidkayga ayaa igu yiri: Bax qooq ayaa ku haayee..!
  104. Wahhaabiyadu waxay kuu baxsheen (Maxamad guuleed al-thaani)!!
  105. Qofkii dhaarta ee dhaartiisa burriyay xukunkiisu muxuu yahay?
  106. Xijaabka haweenku waa noocee?
  107. Meel ay kaniisaddu leedahay ma lagu tukan karaa?

  108. Page [14]
  109. Haddii la igu shubo shahwad nin kale ma dambi baa?
  110. Sidee Ibliis jannada ku galay?
  111. Wiil iyo gabar doonaya in ay isfuraan oo misana wada deggan maxay diintu ka qabtaa?
  112. Kaniisaddu meel ilaah lagu caabudo ma tahay?
  113. xaaskayga waysada ma iga jabisaa?
  114. Maxey diinta islamka ka qabtaa hadii aad nagtaada inta furto..?
  115. Lacag ayaan dukaan dhigtay..?
  116. Nin naagtiisa naaskeeda afka ma gelin karaa isagoo uga dan leh raaxo?
  117. Nagtaydu waysada ma iga jebisaa?
  118. Dahaara la'aan mala taaban karaa Quraanka?
  119. waxaan rabaa inaan ku weydiiyo macnaha laa ilaaha illaa allaahu..
  120. Muslimiintu maxay Luud isugu magacaabi waayeen?
  121. Gabar adeerkeeda xoogi lahaa oo ka badbaaday..
  122. Naagta aan ninkeedu dhalayn furriin ma waydiisan kartaa?
  123. Ninkayga ayaa yiri: adeerkaa iridka haka furin..!!
  124. Ninkayga sekada ma siin karaa?
  125. Laylatul Qadarka wax iiga sheeg?
  126. Qofkii soonka in uu niyaysto illooba..
  127. Dadkii dhintay Islaamka ka hor ma gaalo baa?
  128. Salaadda tahajudku maxay tahay?
  129. Aabbahay haddii uusan joogin ma ismehrin karaa?
  130. Bogaadin, Mahadnaq iyo Codsi: waxaan kamid ahay ardayda wax kabarata webkan..
  131. Khaalid bin waliid hooyadiis magaceed?
  132. Kabaha ma ku tukan karaa?
  133. Hadii aan rabo in aan soomin tommorow..

  134. Page [13]
  135. Labada Khudbo ee Jimcada af aan Carabi ahayn ma lagu akhrin karaa?
  136. Taabashada aan ula kaca ahayn waysada ma burrisaa?
  137. Sheekhow Kooxahan Ittixaadka iyo Ikhwaanka iyo Taxriirku sow muslimiin maaha?
  138. Qof Muslim ah gaal mala dhihi karaa?
  139. Sheekhow iisoo ducee...
  140. Guurka qarsoodiga ah ma dambi baa?
  141. Guurka qarsoodiga ah ma dambi baa?
    Page [12]
  142. Nafta "insurance" ama caymis mala gelin karaa?
  143. Taabashada aan ula kaca ahayn waysada ma burrisaa?
  144. Maxaa lagu fasiri karaa haddii "mar kastood qof aragto ama aad magaciisa maqasho aad naxdo"?
  145. Ma laga shaqayn karaa Super Market?
  146. Cilmu Salaf maxaa looga jeedaa?
  147. Thanks for your wonderful and tireless effort Dr. Hersi
  148. Qof Muslim ah Maraykanka ma siin karaa Mucaawino?
  149. Shiikhoow mid inkaaran oo "Umul" layirahdo ayaa dadkii waalay ee maxaad ka dhihi lahayd?
  150. Wahhaabiyadu waxay ku murantaa in aanan naagtaadu waysada kaa jebin!
  151. Haweenayda caadada qabta masjidka ma ku nagaan kartaa, Quraankase ma qaadi kartaa oo ma akhrin kartaa?
  152. Haddii ninku ku dhaarto in uu naagtiisa furay ma ka furmee?
  153. Aragti iyo taageero iyo bogaadin..
  154. ma haboon tahay nin aan..?
  155. Xaaskaygu waysada ma iga jebisaa?
  156. Maxaa ku dhacay qaybtii maqalka ahayd?
  157. Bogaadin:Qalbiga ayaan kaaga soo duceeyay
  158. Waxaan doonayaa in aan ku waydiiyo laba su'aalood..

  159. Page [11]
  160. Jawaab:Cuntada dadka shiinaha ah ma xaaraanbaa?
  161. Jawaab: Quranka maxaan akhristaa oo ku ducaystaa?
  162. Mahadnaq iyo bogaadin
  163. Jawaab:Qabuurta in la siyaarto ma bannaantahay?
  164. Jawaab: Su'aal iyo Bogaadin, waxaa mahad leh ilaahayga idin waafaiyey
  165. Jawaab:Salaadda sidee si joogto ah u tukadaa?
  166. Bogaadin iyo Tahniyad: afkaaga caano laku qabay
  167. Qof dhintay mala baryi karaa?
  168. Meeqa firqo ayaa ka jirta soomaaliya?
  169. Sidee loo kala yaqaan dacwada xaqa ah iyo midda baadilka ah?
  170. Sidee soon lagu furi karaa ayadoon la arag bisha shawaal.?
  171. Bogaadin iyo Salaan Afsaxallaahu Lisaanaka.

  172. Page [10]
  173. Waxaan sharax urabaa Shiikha weyn Ee qaadariyada
  174. Naagtu ma furmi kartaa haddii ay caado qabto?
  175. Waano ku socota Akhristayaasha: Marka hore akhriya inta aadan waydiin su'aal
  176. Soonka nadarka ah dib ma loo dhigi karaa?
  177. Maxaad istillaabka u saartay kitaabada culamada soomaliyeed qoreen
  178. Miyaanay Quraanka ku caddayn in haweenka surwaalka loo diiday?
  179. Waxaan aragnaa dad leh "wahhaabiyada ayaa diinta Islaamka keentay!!
  180. Buug Carabi ku qoran oo wahhaabiyadu qaybinayso!!
  181. Shiikh Uways Axmad yaa dilay!!
  182. Aragti: miyaanay khalad ahayn inaad qof muslim ah?!!
  183. Is Khat Haram or Halal?!
  184. Does Women/Kids (girls) allowed to wear trousers?!
  185. Haddii imaamku ragco dheeraad ah u istaago?!
  186. Maxay ka qabtaa diintu qof dumar ah oo kalkaaliso ah?!
  187. Dhambaal: Tahniyad iyo Bogaadin iyo Taageero?!
  188. Waa kuwama culumada caanka ah ee somaliyeed ee lunsan ama wahabiyada ah?!

  189. Page [9]
  190. Dad wahaabiyada u warantay baa yiri waa dambi..?!
  191. Mowlidka Nabiga ma u dabbaaldegi karnaa..?
  192. Xerta Digrisa iyo nabi ammaanka maxaad u aragtaan..?
  193. Axmadiyada Indiya ma gaalo baa..?
  194. waxaa jira in leeyga digay..!
  195. qofka taariku salaadka ah ma kaafir baa mise ma aha?!
  196. Indha-shareer meelaha laga shaqeeyo ma ku qaadan karaa?
  197. wax iiga sheeg xukunka qof qur'aanka bartay oo aan akhrinayn!

  198. Page [8]
  199. xukunka taariku salaadka
  200. Wahhaabiyadu maxay naagaha u dhahaan nimanka gadaashood soo socda?
  201. Aqoonta iyo Caqligu ma habaabaan ee ictiqaadka ayaa habaaba!
  202. nin ayaa gabar si xarana ugu tagay..
  203. Salaan iyo Bogaadin..

  204. Page [7]
  205. waxyaabaha lagu gaaloobayo..
  206. ii caddeeya in Wahhaabiyadu kuffaar yihiin iyo inkale!
  207. (Innalladiina aamanuu)=hadii lagu macneeyo kuwa xaqa aaminay, iyo kuwa aaminay maxeey is dhaamaan?
  208. Beryahan dambe waxaa aad u badatay fasiraadda diinta!

  209. Page [6]
  210. waxaan jeclahay in aan ka hadlo wax yar oo..!
  211. waxyaabaha ay diinteenu ka sheegayso heesaha..!
  212. Diinta islaamku maxay ka qabtaa hadii surwaalka la dheeraysto?
  213. hadii uu qof wax ii sheegto oo uu idhaho..
  214. hadii anigoo jiifa ku riyoodo gabar..!
  215. sidee loo tukadaa salaatulaylka?
  216. malacuni karaa hilibka gaalada oo aheen..?
  217. anigoo soo wayseestay ma iska tiri karaa waysadii..?
  218. somalidu geedka ay aadka u cunto ee qaadku ma denbi baa?
  219. ururkii ka talin jirey afghanistan..
  220. waxaa lagu mormay in qofka naaska wada nuugay ..!
  221. maxa kuu dhacay dawlda somali?
  222. miyey jiraan dhar ama lebis u gaar ah..!
  223. wiil ayaa jiro oo rabo in uu ila sheekeesto..
  224. waxaan rabaa inaan is daahiriyo..!
  225. zakada dahabka laga bixiyo..
  226. waxaan ku mehersadey gabar kitaabka quraanka..!
  227. members of one of the Somali clans..
  228. Waxaan su'aal ka qabaa guurka ama Nikaaxa..
  229. Waan kirishtaamay...
  230. waxa aynu qoraanka ku aragnay gaar ahaan..
  231. waxa inta badn xadiistu sheegtaa in ragu ay suurwaalka gaabsadaan..
  232. Fariin tan waxaan ka soo dirayaa waqooyiga ameerika..!
  233. ha layska ilaaliyo dadka diinta sida khaldan u wada..
  234. qoladasi isku diin ma nihin..
  235. miyey banaan tahay in qofka muslinka ah maydkiisa..
  236. aad ayaan uga helay sida cilmiyaysan ee aad ula munaaqashootid..
  237. Waxaan ahay nin dhallinyaro ah..

  238. Page [5]
  239. Sujuudda Tilaawadu maxay tahay?
  240. ha layska ilaaliyo dadka diinta sida khaldan u fasiraya..
  241. sheekh sideen hooyaday ugu ducayn karaa?
  242. Maxaa ku jaban tacliinta diimeed ee Soomaaliya?

  243. Page [4]
  244. Wiil i jecel oo aanan anigu jeclayn ayaa la ii guuriyay ee maxaan sameeyaa?
  245. Munaaqasho ku saabsan Kooxaha Lunsan..
  246. Ragga Islaamka ayaa lagu yaqaan..
  247. Digniin ku socota Muslimiinta Soomaalida ah oo dhan
  248. Maxaa u dhexeeya kooxaha al-itihad iyo al-islah?
  249. muran kama taagna nimankan lunsan ee ikhwaanka iyo wahabiyadaba oo waa la wada og yahay
  250. Salafiyo Maxaa laga wadaa?

  251. Page [3]
  252. waxaa wanaagsan in laga hadlo wixii cilmi ah
  253. Midnimada Muslimiinta..
  254. saxaabada nabiga allaha ka raalli noqdee iyo culumadii hore ee salafku bani'aadam bay ahaayeen..
  255. Islam is not a violent Religion
  256. Kareemka laysku caddeeyo ma la isku qurxin karaa??
  257. Haweenay caado qabta quraan ma akhrin kartaa?
  258. Diintu maxay ka qabtaa in la is masawiro?
  259. Diintu ma sidi qabyaalad baa?!
  260. Maxay tahay (Nashuusho)?
  261. Timaha ma la madoobaysan karaa?
  262. waxaan ku qancay sida wanaagsan oo aad uga jawaabtay suaalaha..

  263. Page [2]
  264. Kooxaysigu Islaamka dhib mooyee dheef u soo jiidi maayo!
  265. Aad baad ugu mahadsantahay qoraallada qiimaha badan..
  266. waxay ila tahey in aad looga gardaran yahey Dr.Hersi..
  267. Sida qorraxdu ugu wareegto dhulka..
  268. waxaan aad u xiiseynayaa buuggaagii ku saabsanaa AKHWAANKA..
  269. Maxa uu u sameeyey ben laden waxaas fool xumada ah?
  270. Islaamku muxuu ka qabaa "Masaafada"?
  271. iga jaahil bixi xerta xabaalaha siyaarta!

  272. Page [1]
  273. Yaa baxshay magaca wahhaabiyo?
  274. Waa la yaab in nin asigiiba been sheegaya qof ku waansho been ha sheegin!
  275. waxaad inoo sheegtay sheeko qosol leh..
  276. ahlusunnah wal jamaa'ah..!
  277. Sow maahin dad ay culumo waashay!
  278. Aqoondarro waa iftiin la'aan!
  279. Ilaah baa ku qancin kara..!
  280. waxaan kaa rabay in aad noo sheegto adigana kooxdee tahay!

Copyright 1998 - All rights reserved.
Contact Us
[Yahoo! News Search
Yahoo! Yellow Pages
[Yahoo! Quotes]
Contact Us
Webmaster - All rights reserved]