|| Fatwa / Fatwada || Sects / Firqooyinka || Books / Buugta|| Links / Xiriirin||
BOGGA FATWADA IYO SU'AALAHA
[Ask Question - Waydii Su'aal][Akhri Suaalo iyo Jawaabo]

Click to Enlarge
Su'aalahaaga waxaa ka jawaabaya
Sheikh Dr. Hersi Aw. Mohamed
(Dip., B.A, M.A, Ph.D in Islamic Studies)
Takhasuska: Usul ad-Diin (al-Aqidah)
(Khibrad: 20 sano ayuu macallin iyo muxaadir ka ahaa jaamicadaha iyo macaa-hidda iyo iskuullada, Somalia, Jordan, Malaysia, Brunei iyo Australia).
(Mufti: Mac-hadka fatwada ee jaamicadda Islaamka ee Malaysia 2002-2004).
(Hadda wuxuu ka shaqeeyaa: Daarul fatwa- Australia).

F.G: Haddii aad ka qayb qaadato forumkan waxaa laga yaabaa in ay emaillo iyo qoraallo kaa soo garaan.

  1. Jawaab: Sheekh waxaan ku waydiinayaa saddex su'aalood oo wahhaabiyada ku saabsan?
    assalaamu calaykum: Walaal su'aalahaagii jawaabahoodii waa kuwan:
    1. Wahhaabiyadu walaal markhaati ma gasho, qofkii haysta caqiidada wahhaabiyada markhaati ma galo sababtuna waa: in markhaatigu yahay qof muslim ah oo caadil ah, wahhaabiyaduna muslim ma aha caadilna ma aha ee waa ahlu shirki iyo kufri, caddaalad iyo ayaguna way kala dheeryihiin.

    2. Walaal wahhaabiyadu mad-habadaha Islaamka midna kama haystaan, qaarkood waxay sheegtaan in ay fiqhigii Imaam Axmad haystaan, laakiin caqiidadooda ayaa habowsan, waana beentood oo Imaam Axmad fiqhigiisii ma haystaan, ee figrado Imaamka loo saarshay oo been ay oo figrado habowsan ah iyo figradihii Ibn Taymiyyah iyo kuwii Ibn Xizam iwm ayay adeegsadaan, figradahaasina waa figrado fallaago ah oo lunsan.

    3. Walaal wahhaabiyadu waxay u qaybsantaa kooxo kala duwan oo magacyo kala duwan la baxay, soomaaliya waxay isku magacaabeen Itixaad, waxayna u sii kala qaybsameen kooxo yaryar. Waddama carabtana sidoo kale, Masar waxay la baxeen (Ansaaru Sunnah), Suudaan sidoo kale, Sacuudiga waxay u qaybsameen dhowr kooxood, Hindiya, Indonisa iyo Malaysia iyo Carabaha iyo Caalamka kale dhammaan way ku firirsanyihiin, laakiin dhammaantood waa isku caqiido, waxaana kulmiya caqiidada habowsan ee saddexlayda ah ee ay Nasaarada iyo Yahuudda ka soo qaateen, iyo waxyaabo kale oo dhammaan kufriyaad ah.

    Hadalkii oo kooban wahhaabiyadu waa kufaar
    Marka walaal wahhaabiydu waa kufaar, waxaana u daliil ah ictiqaadkooda faasidka ah ee ku salaysan tashbiiha iyo tajsiimka iyo tathliithka, intaa kaliya ma aha ee waxaa jira masaa'il badan oo ay ku kufriyeen, kooxohooda oo dhanna waa isku mid, kufrigaas way ka simanyihiin.
    Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Shiikh Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Sunday, January 29, 2006 at 09:38:23 (CST)
  2. Su'aal: Sheekh waxaan ku waydiinayaa saddex su'aalood oo wahhaabiyada ku saabsan?
    assalaamu calaykum Sheekh waxaan ku waydiinayaa (3)su'aalood:
    1. Wahaabiyadu marqaadi ma galaan iyo wixii dinta meel kaga dhaca oo dhan mar hadey diinta been ka sheegayaan?
    2. Wahaabiyadu mad-hab ma ka heystaan afarta mad-habood?
    3. Wahaabidu meeqa ayey u qeybsamaan ma hal urur baa mise waa dhowr? wass/c/w/w/h.
    Muxyadiin shaykh axmad <jaabir75>
    - Sunday, January 29, 2006 at 09:28:21 (CST)
  3. Jawaab: dhagaysigga Heesaha Jacayilka ahi ma Dambibaa?
    Assalaamu Calaykum: Walaal heesaha jacaylka ah dhegaysigooda waxba kuma jabna wayna bannaantahay haddii aanan wax sharciga khilaafsan ku jirin, sida hadalka faaxishka ah ee xun, laakiin heestu siddeeda kale xaaraan ma aha haddii hadal fiican la sheegayo oo caadifo ah ama ammaanid ah ama waddaninimo ah iwm.
    Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Sunday, January 29, 2006 at 09:23:55 (CST)
  4. Su'aal: dhagaysigga Heesaha Jacayilka ahi ma Dambibaa?
    Assalaamu Calaykum: Walaal Sh. Xirsi dhagaysigga Heesaha Jacayilka ahi ma Dambibaa?
    Shire <somali1960>
    - Sunday, January 29, 2006 at 09:21:34 (CST)
  5. Jawaab: Dayaxa_oo_ku yaal toddobada samo dushooda sidee cirbixiyeenku ku gaareen?
    Assalaamu Calaykum: Walaal Mahat, horta waxaad ogaataa in dayaxu ka mid yahay xidigaha lagu qurxiyay samadan adduunyada, kumana yaallo toddobada samo dushooda sida aad u malaysay, diintuna sidaas ma sheegin.

    Sida lagu sheegay Suuratul Mulk aayadda 5aad, iyo Fusilat aayadda 12aad. Aayadahaas waxaa laga fahmayaa in Samada adduunyada lagu qurxiyay xiddigaha, dayaxuna xiddigaha ayuu ka mid yahay.

    Laakiin aayadda 16aad ee suuradda Nuux ayaan u malaynayaa in aad tilmaamayso, taasina daliil uma aha in dayaxu ku yaallo toddobada samo dushooda ee waxay aayaddu sheegaysaa in dayaxu nuur u yahay toddobada samo

    Sikastaba ha ahaatee, dayaxa kuwa sheeganaya in ay tageen, annagu ma garanayno in ay run sheegayaan iyo inkale, laakiin mustaxiil ma aha oo waa la tegi karaa Ilaah idankiis.
    Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Shiikh Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Sunday, January 29, 2006 at 09:11:20 (CST)
  6. Su'aal: Dayaxa oo ku yaal toddobada samo dushooda sidee cirbixiyeenku ku gaareen?
    Ditoore waxaan ku waydiin lahaa su'aal iga yaabisay aniga taas oo ah: sida aan lasocono dayaxu waa shay ilaahay meeshaa ku abuuray, waxaan diintu qabtaa in todoboda samo ka sareeyo, marka sidee baa dad ku tagi karaan oo waliba ciid uga soo qaahi karaan?
    Arintaasi ma macquulbaa mise waa been ay iska abuurayaan dadkaa? mahadsanid.
    mahat <mahat>
    - Sunday, January 29, 2006 at 08:35:52 (CST)
  7. Jawaab: Meherka muxalilka ah ma bannaanyahay
    Assalaamu Calaykum, walaal ninkaaga iyo adigu haddii aad ku kala tagteen furriin saddex dalqadood ah sharcigu idiinma ogola in aad isku soo laabataan asiga oo aanan ninkale ku guursan oo aanuu iskiis isaga kaafurin.

    Nikaaxa Muxallilka Culumadu way diideen
    Walaal nikaaxa muxalilka ah ee naagta nin guursanayo si uu ugu xalaaleeyo nin kale culumadu way diideen, waxayna soo daliilsadeen xaddiiska uu Nabigu ku nacaladay Muxalilka iyo kan wax loo xalaalaynayo labadaba.

    Waxaa kale oo sheegay Imaam Shaafici kitaabkiisa al-Um, wuxuu yiri waa sidi Mutcada, nikaax kasta oo waqti ku xiran waa baadil sida uu sheegay imaamku eeg kitaabkiisa juzka 5aad, baalka 79, iyo wixii ka dambeeya.

    Marka walaal ninka muxalilka ah ama ha u tago naagta ama yuusan u tegin nikaaxiisa waxba kama jiraan sida culumada badankoodu qabaan. Waxaa jira qaar yiri: nikaaxu wuu ansaxayaa shardiguna waa baadil, macnaha haddii ninka muxalilka laga dhigayay uu naagta furi diido oo iska haysto nikaaxaas wuu ansaxayaa ayay ka wadaan, laakiin taasi ma aha muxalil ee waa meher caadi ah.

    Hadal iyo dhammaantiis, culumada warkoodii iyo addillada axaadiista ah waxay tusaysaa in uusan bannaanayn nikaaxa noocaas ah.
    Wallaahu aclam.
    Shiikh Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Saturday, January 28, 2006 at 21:11:55 (CST)
  8. Su'aal: Meherka muxalilka ah ma bannaanyahay
    ass/c/w/w/h walaa salaantaas islaamka kadib maadaama aanu nahay dad islaam eh waxaa waajib ah in aan ku dhaqano shareecada islaamka: waxaan kala tagnay odageygii waxaana ku kala tagnay dalqadooyin dhameystiran waana is jecelnahay weli waxaan go'aansanay in aan isku laabano marka walaal waxaan ku weydiinayaa 2 su,aalood:

    1. Waxa ey ka qabto diinta islaamka aniga iyo odageyga hadii aan isla ogolaano ninka imahersaday oo maxlalka ii ah in aan iska furo keygii horana ku laabto maxey diintu ka qabtaa?

    2. Mida kale akhii hadaan ninkaas danbe asagoon ii tegin iska furo maxaa ku jaban?
    jazaakallaahulkhayr
    nasra cali <naasro>
    - Saturday, January 28, 2006 at 20:53:45 (CST)
  9. Jawaab: Sidee_wahaabiyadu gaalo ku noqonayaan ayaga oo xaramaynka jooga?
    Assalaamu calaykum: walaal waad mahadsantahay, su'aasha aad i waydiisayna waa su'aal muhiim ah, maxaa yeelay dad badan ayaan ogayn arrinkaas oo u malaynaya in qofkii xaramka tagaba uu iimaankiisu ama islaamnimadiisu toosantahay.

    Qof kasta oo xaramka taga mu'min ma aha
    Walaal haddii qof kasta oo Maka taga uu mu'min yahay, abuu jahal iyo abuu lahab labaduba waxay degganaayeen Maka. Islaamnimadana laguma qiyaaso magaalooyinka la degganyahay ee waxaa lagu qiyaasaa ictiqaadka qofka iyo afcaashiisa.

    Qofkii xajka iyo cumrada in uu aado doonaya
    Hadaba qofkii doonaya in uu xajka iyo cimrada aado wuu aadi karaa, taasina kuma xirna wahhaabiyada joogta sacuudiga, maxaa yeelay Nabigeennu wuxuu xajiyay ayada oo kufaartii quraysh kacbada joogto.

    Qofkii sacuudiga jooga sidee u tukanayaa?
    Dadka sacuudiga jooga dhammaantood wahhaabiyo ma aha, badankoodu waa ahlu suno, waxaa wahhaabiyo ah koox yar oo ka timid Najid, dhulkii Musaylamah al-kaddaab oo xukunka haysata, marka inta kale siiba reer Maka iyo Reer Madiina waa ahlu sunno ashaaciro ah.

    Marka qofkii aad doonto ku daba tuko haddii aad sacuudiga joogto, haddii aadan ogayn waxa uu yahay, laakiin haddii aad ogtahay in uu wahhaabi yahay waa xaaraan in aad ku dabatukato, maxaa yeelay wahhaabiyadu waa kufaar salaad iyo xaj iyo soon midna ka ansixi maayo.

    Wahhaabiyadu waa sidi faadimiyiintii, iyo Tataarkii iyo khawaarijtii
    Kooxahaas waxay ahaayeen kooxo aad u xoog badan sida faadimiyiintii, waxay dhiseen magaaladan Qaahira loo yaqaan, iyo Masaajidka al-azhar, culumada oo dhanna waxay isku raaceen in ay kufaar ahaayeen badankoodu.

    Khawaarijta sidoo kale, badankooda muslimiintu way kufriyeen, waxayna ahaayeen koox cibaado badan oo quraanka ku dheggan wahhaabiyadan way ka fiicnaayeen maxaa yeelay kuwani quraanka xataa ixtiraami maayaan.

    Waxaa kale oo la mid ahaa Tataarkii, oo baqdaad qabsaday iyo kooxdii Abuu muslim al-khuraasaani iyo kooxo badan oo kale oo dhammaan muslimiintu kufri ku xukumeen.

    Kooxahaas waxyaabo badan oo wanaagsan bay sameeyeen, laakiin taasi ma anficin, maxaa yeelay caqiidadooda ayaa habowsaneed sida ay hadda wahhaabiyadu tahay.

    Marka walaal wahaabiyadu waa kufaar shakina kuma jiro taas, qofkii aanan kufrin ee caqiidadooda saxana waa kaafir, jaahilnimana loogu cudurdaari maayo. Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Shiikh Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Saturday, January 28, 2006 at 08:24:54 (CST)
  10. Su'aal: Sidee wahaabiyadu gaalo ku noqonayaan ayaga oo xaramaynka jooga?
    Salaamu caleykum w/raxmatu allahi wa barakaatu: Dr xirsi hadii aad tiri wahaabiyadu waa gaalo maxaa markaa la gudboon qofkii sucuudiga ku nool ama xajka / cimrada u aada. sidee baa xajkiisa iyo cimradiisu iyo saladiisu u ansixikaraan? waayo waxaan jawaabahaaga badankood ku arkey in nimankaasi lunsanyihiin misana waxey ku nool yihiin ardal xarameynka? Wasalaamu caleykum.
    Sadexle <Sadexle>
    - Saturday, January 28, 2006 at 08:11:53 (CST)
  11. Jawaab: Madaahibta_Islaamka, ma mid kaliya ayaan ku gaabsadaa, mise waan isku dhafi karaa?
    Assalaamu calaykum, walaal sida aad sheegtay dadku waa laba qolo, qolo cilmiga aad u baratay oo mujtahidiin ah, sida culumada waawayn ee madaahibta leh. Qolada labaadna waa dadka caamada ah iyo wixii caamada la mid ah sida culumada haryar ee aanan mad-hab lahayn.

    Waxaa waajib ah in hadalka culumada la raaco
    Ilaahay wuxuu kitaabkiisa ku caddeeyay in qofkii aanan wax aqoon uu raaco dadka wax yaqaan, dadka wax yaqaanna "Ahlu Dikri" ayaa quraanku ku magacaabay, "Raasikhiin"-na waa lagu magacaabay, "kuwa cilmiga leh"-na waa lagu magacaabay "alladii cindahu cilmun".

    Marka qofkii asigu aan ahlu dikri ahayn, macnaha "mujtahid ahayn" waxaa waajib ku ah in uu culumada raaco, sida quraanka ku cad.

    Qofkii caamo ah uma bannaana in uu quraanka iyo axaadiista sidii uu doono u fasirto sida wahhaabiyadu yeelayso
    Muslimiinta oo dhan waxay raaci jireen oo ay Ilaa maanta raacaan hadalka culumada mujtahidiinta ah, kooxaha fallaagada ah sida wahhaabiyada iwm ayaa quraanka iyo xaddiiska sidii ay ayagu doonaan u fasirta ayaga oo caamo ah ama aanan caamada waxba dhaamin.

    Marka halkaas kitaabka quraanka ah ayay ku khilaafeen, amarkii Ilaahayna way jebsheen, marka Ilaahay kuwaas shartooda ha inaga badbaadsho, ayagana allaha soo hanuunsho.

    Ma khasab baa in hal mad-hab la qabsado, mise waa la dooran karaa
    Walaal sida aan ognahay madaahibtu waa aragtidii culumadii mujtahidiinta ahayd, mid kastana wuxuu haystaa daliilkiisa, waxaana laga dhaxlay madaahibtaas, asaxaabta nabiga, maxaa yeelay ayaga ayaa laga bartay cilmiga diinka, ayaguna waxay ka soo barteen Nabigii nnk.

    Waxaa kale oo aan ognahay in asaxaabtu waagii ay jirtay ay muslimiintu midkii ay doonaan wax ka baran jireen, ayaga oo xorriyad buuxda haysta, qaar Cabdullaahi bin Cabbaas bay wax ka barteen, qaarna Cabdullaahi bin Mascuud, qaarna Sayd, qaarna Abuu muusa al-Ashcari qaarna Imaamyada afarta ah sida Abuu bakar iyo Cumar iyo Cusmaan iyo Cali iyo qaar kale oo badan.

    Marka halkaa waxaa kaaga cad in qofka muslimka ah xor u yahay in uu wax ka barto qofkii uu doono, kaliya waxaa laga rabaa in qofkaasi wax yaqaan oo mujtahid yahay.

    Madaahibta Culumadu waa sidii madaahibtii asaxaabta
    Kolkii asaxaabtii dhinteen, ayaa taabiciintii madaahib kuwii asaxaabta la mid ah sameeyeen, kolkaas baa waxaa soo baxay, Ibn Musayab, iyo Xasan al-Basri iyo Abuu Xaniifa iyo qaar kale oo badan oo dhammaan ah jiilkii taabiciinta.

    Kadibna waxaa yimid culumadii mujtahidiinta ahayd sida Rabiicah, iyo Maalik iyo Shaafici iyo Axmad, iyo Muxaasibi iyo boqollaal kale.

    Intaas oo dhan, nin waliba ninkii uu doono ayuu wax ka baran jiray, nin la khasbay ama la yiri aniga isoo raac ama qof aan aniga ahayn wax kama barankartid la yiri ma jiro.

    Madaahibta afarta ah middii aad doonto ka dooro, ama mas'aladii aad doonto ka dooro
    Marka walaal waxaa habboon in qofka muslimka ah hal bad-hab ah qabsado oo ku dhaqmo, Ilaa uu mad-habtaas si fiican uga fahmayo, markaa haddii uu wax barto uu meelaha shiikhiisa looga fiicanyahay haddii uu fahmo ka wareegsado oo markaa uu ka qaato meelahaas imaamyada kale ee madaahibta kale leh.

    Sikastaba ha ahaatee, culumada qaar ayaa diiday in la isku dhafo madaahibta, waxayna u yaqaaniin "Talfiiq", laakiin anigu waxaan qabaa in aanay waajib ahayn in hal mad-hab la qabsado oo aanan mid kale loo gudbin, laakiin way fiicantahay.

    Mad-habtu waa ijtihaad, ijtihaadkuna wuxuu ku waajibaa ninka ijtihaadkaas leh iyo ninkii aanan wax aqoon
    Marka walaal, mad-habtu waa nin caalim ah ijtihaadkiis, ijtihaadkaas wuxuu ku waajib yahay qofka ijtihaaday oo kaliya. Qofkii caamo ahna waxaa ku waajib ah in uu ijtihaadyada culumada mid ka mid ah raaco.

    Taas ayaa marka kuu caddaynaysa in ay bannaantahay in qofka caamada ah uu fatwada ka qaato hadba shiikhii uu doono, oo aanay khasab ku ahayn in uu mid kaliya daba socdo.
    Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Shiikh Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Saturday, January 28, 2006 at 08:08:58 (CST)
  12. Su'aal: Madaahibta Islaamka, ma mid kaliya ayaan ku gaabsadaa, mise waan isku dhafi karaa?
    Assalaamu calaykum waraxmatullaahi wabarakaatuh: akhii su'aal: waxaan isla ognahay in ey jiraan madaahib diinta islaamak ka dhex shaqeesa sida afarta mad-hab ee macruufka eh, marka akhii afartaas mad-hab mid ka mid eh ma ku gaabsan karaa, maadaama aanan gaarin daraja aan mad-hab ku sameysto, misa mad-hab kasta meeshii iigala fududaato ayan ka qabsan karaa?
    jazaakallaahulkhayr.
    muxyadiin shaykh axmad <muxyadiin>
    - Saturday, January 28, 2006 at 07:46:46 (CST)
  13. Jawaab: Xaaskayga haddii aan iraahdo, haddii aan sidaa sameeyo 3 dalqadood baad ii ga furantahay..
    Assalaamu calaykum, Walaal dalaaqa noocaas ah culumadu waxay ku tilmaamaan "dalaaq mucalaq" macnaha waxbaad ku xirtay oo waxaad tiri: haddii aan waxaa sameeyo 3 dalaaqo baad iiga furantahay, dalaaqa noocaas ah haddii wixii aad sheegtay oo aad tiri fali maayo aad fasho wuu dhacayaa, naagtuna way kaa furantahay.

    Waxaa aad sheegayso ama gabadhu ha ku waydiisato ama yaanay ku waydiisan, laba jeeraba wuu dhacayaa. wallaahu acalam.
    Shiikh Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Friday, January 27, 2006 at 21:45:38 (CST)
  14. Su'aal: Xaaskayga haddii aan iraahdo, haddii aan sidaa sameeyo 3 dalqadood baad ii ga furantahay..
    assalaamu calaykum w/w/h akhii su'aal hadan ku weydiiyo: aniga oo maskaxdeydu taam tahay ayaan xaaskeyga waxaan ku iri: wax eey iyadu i weydiisatay, hadii aan sameeyo sidaas waxaad iiga furantahay 3 dalqadood. Marka hadaan wixii sameeyo xaaskeygu ma iga fumayaa misa waan qabaa weli?
    cmyaasiin <cmyaasiin>
    - Friday, January 27, 2006 at 21:42:18 (CST)
  15. Jawaab: Culumadii_hore maxay qunuutka ka dhaheen, maxayse isku raaceen, salaadda subaxse ma lagu gaar yeeli karaa?
    Walaal Qunuutku in uu sunno u yahay salaadda subax waxaa caddeeyay Imaam Shaafici oo ka soo weriyay khulafadii afarta ahaa, soona daliilsaday xaddiiska Anas bin Maalik "in Rasuulku qunuuday subaxdii intii uu ka dhintay", Imaam Shaafici wuxuu ku caddeeyay kitaabkiisa al-Umm, juzka 1aad, bogga 132.

    Culumada Diiddan Qunuudka
    Sidoo kale waxaa arrinkan faahfaahshay dhammaan culumada Shaaficiyada ah, wuxuu ku yiri Imaam Qurdhubi tafsiirkiisa, mujalladka 4aad, baalka 301: Culumadu waxay isku khilaafeen qunuutka salaadda subax, kolkaas baa reer Kuufa diideen waana mad-habtii Layth iyo Yaxya al-Andalusiy Imaam Maalik Saaxibkiis, Shucabina wuu inkiray qunuutka, waxaana ku soo arooray Kitaabka al-Muwada' in uusan qunuudi jirin, waxaana Nasaa'i laga soo weriyay in uu yiri: Abii Maalik al-Ashjaci ayaa yiri: Nabiga ayaan ku daba tukaday mana qunuudin, Abuu Bakar baan ku daba tukaday mana qunuudin, Cumar baan ku daba tukaday mana qunuudin, Cusmaan baan ku daba tukaday mana qunuudin, Cali baan ku daba tukaday mana qunuudin..".

    Culumada Sunno ahaan u aragta Qunuudka
    Laakiin waxaa laga soo weriyay Imaam Shaafici iyo Xasan al-Basri iyo Saxnuun iyo Daaraqudni iyo imaam Axmad iyo Isxaaq iyo Maalik dhammaan in ay dhaheen waa sunno, qofkii ka tagana sujuuddu sahwi ayaa laga rabaa, Dabarina wuxuu yiri, qofkii kas uga taga sallaaddiisu way fasahaadaysaa, wuxuuna yiri waa ijmaac.

    Sidoo kale waxaa soo sheegay in qunuudku sunno yahay oo qofkii ka taga sujuuddu sahwi laga rabo dhammaan culumada Shaaficiyada, Sida Abuu Isxaaq ash-shiiraasii, sida uu ku sheegay Tanbiiha iyo al-Muhadab, iyo al-khadiib al-sharbiinii, sida uu ku sheegay kitaabkiisa al-Iqnaac , juska 1aad baalka 170, iyo Muqni al-muxtaaj, juska 1aad bogga 166. Iyo Imaam Qasaali, sida uu ku sheegay kitaabkiisa al-wasiid, iyo Imaam Nawawi kitaabka Rowdada juska 1aad, iyo Minhaaja, juska 1aad, baalka 16aad, iyo Majmuuca juska 3aad, baalka 456aad.

    Dhammaan culumadaas Shaaficiyada waxay isku raacsanyihiin in uu qunuudku sunno yahay, oo waxay soo daliilsadeen xaddiiska Anas Bin Maalik ee aan kor ku soo sheegay iyo axaadiis kale oo uu yiri Imaam shaafici waxay caddaynayaan in qunuudka salaadaha kale uu nabigu ka tegay laakiin uusan salaadda subax ka tegin Ilaa uu ka dhintay.

    Culumadu way isku raacsanyihiin in Qunuudku sunno yahay
    Marka walaal culumada oo dhan horta way isku raacsanyihiin in qunuudku sunno yahay, laakiin waxay isku khilaafeen goorma ayuu sunno yahay? Kolkaas baa reer Kuufa oo ah Xanafiyada iyo qaar maalikiyada ka mid ah iyo xambaliyada dheheen wuxuu sunno yahay salaadaha sunnada ah sida taraawiixda, iyo markii dhibaato ku dhacdo muslimiinta, waliba Imaam Axmad wuxuu intaas ku deray, Imaamka ayaa leh qunuudka haddii dhibaato dhacdo.

    Culumada Xanafiyada
    Culumada Xanafiyada sida Imaamka Xanafiyadu sheegay waxay dhaheen wax daliil ah kuma soo aroorin in qunuudku salaadda waajibka ah sunno u yahay, sida ay tilmaamen culumada waawayn ee xanafiyada sida, Maxamad Bin Xasan ash-shaybaani iyo Abuu Yuusuf iyo Sarkhasi kitaabkiisa al-Mabsuud, iyo Imaam al-Maraagi, kitaabkiisa al-Hidaayah, iyo Imaam Cumar as-Saylici Kitaabkiisa Tabyiin al-Xaqaaiq, iyo Xaafidkii Cabdullaahi Saylici Kitaabkiisa Nasb al-Raayah (labadan dambe waa culumadii Soomaalida ee hore), iyo Baxr al-Raa'iq sida ku taalla juska 1aad baalka 319, iyo Xaashiyada Ibn Caabidiin iyo Xaashiyada ad-Daxaawi, dhammaan culumadaas oo xanafiyo wada ah waxay sheegeen in aanan qunuudku sunno gaara u ahayn salaadda subax.

    Xambaliyada kutubtooda sida Fadxul qaddiirka, iyo Sharaxiisa uu qoray assuwaysi wuxuu yiri, qunuudku waa in uu ahaado inta aanan la rukuucin, shaaficiyaduna waxay qabaan in uu ahaado rukuuca kadib.

    Gabagaba Mas'aladan
    Marka walaal, sida kuu muuqata, daliilka xooga leh waxaa wata Imaam shaafici, maxaa yeelay culumada ciraaq waxaa laga yaabaa in aanay maqal xaddiiska Anas, sida Imaam Axmad iyo Imaam Abuu Xaniifa oo ay maqleen xaddiiska nasaa'i oo kaliya, meesha Imaam Maalik iyo Shaafici ay reer Madiino ahaayeen, oo ay axaadiista oo dhan wada maqleen kadibna isu miisaameen.

    Marka walaal Imaam shaafici waxaa arrinkaas ku taageersan culumada jabaabiirta ah sida Imaam Muslim iyo Bukhaari iyo Ibn Xajar iyo Nawawi iyo Qurdubi iyo Dhabari, dhammaantood waxay taageersanyihiin Shaafici, taas ayaana ku tusaysa in shaafici daliil xaddiis ah oo xoog leh haysto.

    Mad-habta Shaaficiyada
    Marka walaal sida mad-habta shaaficiyada aan ku wada aragnay oo aan wada ognahay, maxaa yeelay annaga soomaali shaaficiyo ayaan wada nahay, culumada shaaficiyadu waxay sunnooyinka salaadda u qaybshaan abcaad iyo hay'aat, marka qunuudka salaadda subax iyo midka bisha rabadaan 15ka ugu dambeeya ah waxay dheheen waa abcaad, midka waqtiyada kale la akhriyana sida mararka musiibadu dhacdo waxay dhaheen abcaad ma aha, marka qaybta ah abcaadda ee ah falka salaadda qayb ka mid ah qofkii ka taga waa in uu sujuuddu sahwi la yimaado, waana aragtay in Imaam Dabari yiri waa ijmaac, salaadduna way fasahaadaysaa haddii uu qofku kas uga tago.

    Waxaa kale oo ay dheheen salaadda wuxuu uga jiraa rukuuca ugu dambeeya ka dib, haddii qofku rukuuca ka hor akhriyo, ka ansixi maayo, haddii uu imaamku akhriyo adiga oo la tukanaya oo ka soo daahay salaadda, marka uu imaamku dhameeyo waa in aad adigu la timaadid, maxaa yeelay midkii imaamka wuxuu kugu soo aaday salaadda dhexdeeda adiga oo ku jira, sidaas ayay dheheen culumada shaaficiyadu. Ilaahay khayr ha siiyo, culumada warkoodii waa kaas, ajar iyo xasnaad allaha siiyo.

    Dadka cilmi la'aanta iska hadla, ee culumada warkooda liida waa dhurlaawayaal
    Marka walaal waxaa jira qaar dhurdarsaday oo Ilaahay naxariistiisa ka fogeeyay sida qolyahan wahhaabiyada iwm, oo culumada warkooda uun duraya, ayaga oo aanan fahmayn waxa culumadu sheegtay ayay durayaan, subxaana laah.

    Marka dadka noocaas ah cilmiga iyo ayagu wax xiriir ah malaha, maxaa yeelay cilmiga culumada ayaa laga bartaa, waana in la qadersho dadaalkooda oo loo duceeyo oo abaalkooda laga dafirin, waad aragtay dadaalka ay sameeyeen, kutubta aan kuu sheegay waxaa ku jira qaar 40 mujallad gaaraya sida kitaabka al-mabsuud iyo majmuuca iwm. Marka shaqo badan ayay qabteen Ilaahay khayr ha siiyo annagana ixtiraam ayay inaga mudanyihiin, maxaa yeelay midka inoogu fiican kabtooda ma gaarayo.

    Bal fiiri, qofkii aanan Bukhaari Ixtiraamayn oo Shaafici ixtiraamayn oo Nawawi ixtiraamayn, oo Imaam Saylici iyo Ibn Xajar iyo dhammaan kumanyaalkaas wada jabaabiirta ah ixtiraamayn ee maanta oo dhan kugu qirqiraya hadalkii Ibn Cabdulwahhaab iyo Ibn Taymiyyah, inta kalena kufaar in ay yihiin u haysta maxaa lagala hadlayaa?
    Shiikh Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Friday, January 27, 2006 at 07:33:16 (CST)
  16. Su'aal: Culumadii hore maxay qunuutka ka dhaheen, maxayse isku raaceen, salaadda subaxse ma lagu gaar yeeli karaa?
    Assalaamu calaykum w/w/h akhii danbigaada allaha dhaafo & danbi waalidkaaba, waad iga qancisay su'aalihii igu taagna, waxaan ina wareeriyay kuwa aan ilaahey ka xishooneyn oo wexey doonaan iskaga hadalayo, marka akhii hadaan su'aal kale ku weydiiyo: mexey culimadii hore ka dheheen qunuutka salaada subax la qunuudayo? mexeysa ku heshiiyeen? ma lugu gaar yeeli karaa salaada subax qunuudka salaadaha kale ka sokoow?
    raximakallaah
    Muxyadiin shaykh axmad <jaabir75>
    - Friday, January 27, 2006 at 06:34:18 (CST)
    Next Page.. < < < < Laabo
Tusmada Su'aalaha iyo Jawaabaha
Bogga Fatwada
  1. Sheekh waxaan ku waydiinayaa saddex su'aalood oo wahhaabiyada ku saabsan?
  2. dhagaysigga Heesaha Jacayilka ahi ma Dambibaa?
  3. Dayaxa_oo_ku yaal toddobada samo dushooda sidee cirbixiyeenku ku gaareen?
  4. Meherka muxalilka ah ma bannaanyahay
  5. Sidee wahaabiyadu gaalo ku noqonayaan ayaga oo xaramaynka jooga?
  6. Madaahibta_Islaamka, ma mid kaliya ayaan ku gaabsadaa, mise waan isku dhafi karaa?
  7. Xaaskayga haddii aan iraahdo, haddii aan sidaa sameeyo 3 dalqadood baad ii ga furantahay..
  8. Culumadii_hore maxay qunuutka ka dhaheen, maxayse isku raaceen, salaadda subaxse ma lagu gaar yeeli karaa?

  9. Shahwada aan ulakaca kaaga imaan soonka ma burrisaa?
  10. Naag saddex dalqadood lagu furay ma furantahay
  11. Qofkii Isbitaal ka shaqeeya ma dambi bay ku tahay..?
  12. Sheekh salaadda mar kasta ma wayso cusub baa loo baahanyahay?
  13. Skeekh waxaa jawaabtaada laga fahmayaa in culimadii mawliidka qortey ey gudcur gudayeen!
  14. Qofka ballanlaawaha ah naagtiisu ma furmaysaa?
  15. Ruuxa iyo Naftu maxay kala yihiin?
  16. Sida Micraajka lagu sheegay, sow nabigu Ilaahay toddobada samo ka kor kulama kulmin, maxaad u leedahay Ilaahay samada xaggeeda ma jir?

  17. Bogaadin: Fadiilatu Shiikh Dr Xirsi waa mahadsantahay
  18. Jawaab: Sheekh Cabdulqaadir iyo Imaam Ashcari waxay caqiidada ka qaateen Imaam Axmad?
  19. Ahlusunnaha ku sugan dalka Zambia!
  20. Waxaan u hambalyaynayaa inta ka qaybqaadata dacwada iyo difaaca Islaamka
  21. Shiikh ama Diktoor Xirsi khaer Ilaaha raxmaanka ah ha ku siiyo haan ku xafido
  22. Masaafadu ma bannaantahay, maxaase daliil u ah?
  23. Wiilka walaashay dhashay anigu manuujinkaa iyadoo nool?
  24. Salaadaha_qaar maxaa codka kor loogu qaadaa?
  25. waxaan maqlay salaada gudaheeda xarakaad lagama ogola..
  26. Ma bannaantahay lacagta diibaajiga ah ee dadku wax ku kala kiraysto?

  27. Cridet Card-ka haddii uusan dulsaar lahayn ma xaaraan baa?
  28. Khamrigu ma daahir baa?
  29. Sheekh suaasheydii ku saabsaneyd caqiidada Sheekh C/qaadir..
  30. Wahhaabiyada Australia oo warqado uu ku qoranyahay magaca Shiikh Dr. Hersi daabacday oo fidi say!

  31. Yaa ugu horreeyay qof towxiidka qaybsha, muxuuse uga dan lahaa?
  32. Ma banaantahay toowxiidka in la qeeybiyo?
  33. Lacagta dulsaarka ihi maxay tahay..
  34. Shaafici iyo Ashcari ma isku caqiidaa?
  35. Wahhaabiyada ama Ittixaadka salaad ma lagu xiran karaa?
  36. Sheekh waxaan akhristey kitaabka alibaana oo aad tacliiq ku sameysey
  37. Lacagta dulsaarka ahi maxay tahay?

  38. Mala ogolyahay in arooska laga ciyaaro?
  39. Sheekhow gabar aan isjeclayn ayaan dagaalnay ee maxaa talaa?
  40. Sheekh Cabdulqaadir caqiidadiisa qofkii haysta ma toosanyahay?
  41. Lacagta daynta ah ee ardayda la siiyo ma la qaadan karaa?
  42. Haweeynay ayaa waxay ninkeedii kala maqnaayeen 14-sano..
  43. Sheekhow qalbi adayg ayaan isku arkay ee maxaan akhristaa?
  44. Sunniyaha ma la yaraysan karaa, xaadda wajigase ma layska xiiri karaa?
  45. Wiilal habaryartay dhashay ma ka xijaabanayaa?
  46. Qaadiriyada iyo Axmadiyada maxay diintu ka qabtaa?
  47. Nin taariku salaad ah haddii aan musxafkiisa u celiyo ma dambi baa iga saaran?
  48. Maxay wahaabiyadu diinka saxda ah u leexisaa?
  49. Ma la dhihi karaa Ilaahay Carshiga ayuu ka sarreeyaa?
  50. Carruurta garaaciddooda kolka wax la barayo ma bannaantahay?
  51. Lacagta uu nin madax ah i siiyay si aan warkiisa u fidiyo ma xaaraan baa?
  52. Nin wahhaabiyada Nairobi sheekh u ah ayaa iftooday...
  53. Nin aan aabbahay ahayn, aabbe ma ugu yeeri karaa?
  54. Gabadh ilma iska soo ridaysay ayaan lacag ugu kaalmeeyay, marka ma dambi baa iga soo gaaraya?
  55. Aniga iyo adeerkey waxaan iskula hadalnaa hadal jacayl ah ninkayguna ma ogola!
  56. Waalidkayga ayaa igu yiri: Bax qooq ayaa ku haayee..!
  57. Wahhaabiyadu waxay kuu baxsheen (Maxamad guuleed al-thaani)!!
  58. Qofkii dhaarta ee dhaartiisa burriyay xukunkiisu muxuu yahay?
  59. Xijaabka haweenku waa noocee?
  60. Meel ay kaniisaddu leedahay ma lagu tukan karaa?
  61. Haddii la igu shubo shahwad nin kale ma dambi baa?
  62. Sidee Ibliis jannada ku galay?
  63. Wiil iyo gabar doonaya in ay isfuraan oo misana wada deggan maxay diintu ka qabtaa?
  64. Kaniisaddu meel ilaah lagu caabudo ma tahay?
  65. xaaskayga waysada ma iga jabisaa?
  66. Maxey diinta islamka ka qabtaa hadii aad nagtaada inta furto..?
  67. Lacag ayaan dukaan dhigtay..?
  68. Nin naagtiisa naaskeeda afka ma gelin karaa isagoo uga dan leh raaxo?
  69. Nagtaydu waysada ma iga jebisaa?
  70. Dahaara la'aan mala taaban karaa Quraanka?
  71. waxaan rabaa inaan ku weydiiyo macnaha laa ilaaha illaa allaahu..
  72. Muslimiintu maxay Luud isugu magacaabi waayeen?
  73. Gabar adeerkeeda xoogi lahaa oo ka badbaaday..
  74. Naagta aan ninkeedu dhalayn furriin ma waydiisan kartaa?
  75. Ninkayga ayaa yiri: adeerkaa iridka haka furin..!!
  76. Ninkayga sekada ma siin karaa?
  77. Laylatul Qadarka wax iiga sheeg?
  78. Qofkii soonka in uu niyaysto illooba..
  79. Dadkii dhintay Islaamka ka hor ma gaalo baa?
  80. Salaadda tahajudku maxay tahay?
  81. Aabbahay haddii uusan joogin ma ismehrin karaa?
  82. Bogaadin, Mahadnaq iyo Codsi: waxaan kamid ahay ardayda wax kabarata webkan..
  83. Khaalid bin waliid hooyadiis magaceed?
  84. Kabaha ma ku tukan karaa?
  85. Hadii aan rabo in aan soomin tommorow..

  86. Labada Khudbo ee Jimcada af aan Carabi ahayn ma lagu akhrin karaa?
  87. Taabashada aan ula kaca ahayn waysada ma burrisaa?
  88. Sheekhow Kooxahan Ittixaadka iyo Ikhwaanka iyo Taxriirku sow muslimiin maaha?
  89. Qof Muslim ah gaal mala dhihi karaa?
  90. Sheekhow iisoo ducee...
  91. Guurka qarsoodiga ah ma dambi baa?
  92. Guurka qarsoodiga ah ma dambi baa?
  93. Nafta "insurance" ama caymis mala gelin karaa?
  94. Taabashada aan ula kaca ahayn waysada ma burrisaa?
  95. Maxaa lagu fasiri karaa haddii "mar kastood qof aragto ama aad magaciisa maqasho aad naxdo"?
  96. Ma laga shaqayn karaa Super Market?
  97. Cilmu Salaf maxaa looga jeedaa?
  98. Thanks for your wonderful and tireless effort Dr. Hersi
  99. Qof Muslim ah Maraykanka ma siin karaa Mucaawino?
  100. Shiikhoow mid inkaaran oo "Umul" layirahdo ayaa dadkii waalay ee maxaad ka dhihi lahayd?
  101. Wahhaabiyadu waxay ku murantaa in aanan naagtaadu waysada kaa jebin!
  102. Haweenayda caadada qabta masjidka ma ku nagaan kartaa, Quraankase ma qaadi kartaa oo ma akhrin kartaa?
  103. Haddii ninku ku dhaarto in uu naagtiisa furay ma ka furmee?
  104. Aragti iyo taageero iyo bogaadin..
  105. ma haboon tahay nin aan..?
  106. Xaaskaygu waysada ma iga jebisaa?
  107. Maxaa ku dhacay qaybtii maqalka ahayd?
  108. Bogaadin:Qalbiga ayaan kaaga soo duceeyay
  109. Waxaan doonayaa in aan ku waydiiyo laba su'aalood..

  110. Jawaab:Cuntada dadka shiinaha ah ma xaaraanbaa?
  111. Jawaab: Quranka maxaan akhristaa oo ku ducaystaa?
  112. Mahadnaq iyo bogaadin
  113. Jawaab:Qabuurta in la siyaarto ma bannaantahay?
  114. Jawaab: Su'aal iyo Bogaadin, waxaa mahad leh ilaahayga idin waafaiyey
  115. Jawaab:Salaadda sidee si joogto ah u tukadaa?
  116. Bogaadin iyo Tahniyad: afkaaga caano laku qabay
  117. Qof dhintay mala baryi karaa?
  118. Meeqa firqo ayaa ka jirta soomaaliya?
  119. Sidee loo kala yaqaan dacwada xaqa ah iyo midda baadilka ah?
  120. Sidee soon lagu furi karaa ayadoon la arag bisha shawaal.?
  121. Bogaadin iyo Salaan Afsaxallaahu Lisaanaka.

  122. Waxaan sharax urabaa Shiikha weyn Ee qaadariyada
  123. Naagtu ma furmi kartaa haddii ay caado qabto?
  124. Waano ku socota Akhristayaasha: Marka hore akhriya inta aadan waydiin su'aal
  125. Soonka nadarka ah dib ma loo dhigi karaa?
  126. Maxaad istillaabka u saartay kitaabada culamada soomaliyeed qoreen
  127. Miyaanay Quraanka ku caddayn in haweenka surwaalka loo diiday?
  128. Waxaan aragnaa dad leh "wahhaabiyada ayaa diinta Islaamka keentay!!
  129. Buug Carabi ku qoran oo wahhaabiyadu qaybinayso!!
  130. Shiikh Uways Axmad yaa dilay!!
  131. Aragti: miyaanay khalad ahayn inaad qof muslim ah?!!
  132. Is Khat Haram or Halal?!
  133. Does Women/Kids (girls) allowed to wear trousers?!
  134. Haddii imaamku ragco dheeraad ah u istaago?!
  135. Maxay ka qabtaa diintu qof dumar ah oo kalkaaliso ah?!
  136. Dhambaal: Tahniyad iyo Bogaadin iyo Taageero?!
  137. Waa kuwama culumada caanka ah ee somaliyeed ee lunsan ama wahabiyada ah?!

  138. Dad wahaabiyada u warantay baa yiri waa dambi..?!
  139. Mowlidka Nabiga ma u dabbaaldegi karnaa..?
  140. Xerta Digrisa iyo nabi ammaanka maxaad u aragtaan..?
  141. Axmadiyada Indiya ma gaalo baa..?
  142. waxaa jira in leeyga digay..!
  143. qofka taariku salaadka ah ma kaafir baa mise ma aha?!
  144. Indha-shareer meelaha laga shaqeeyo ma ku qaadan karaa?
  145. wax iiga sheeg xukunka qof qur'aanka bartay oo aan akhrinayn!

  146. xukunka taariku salaadka
  147. Wahhaabiyadu maxay naagaha u dhahaan nimanka gadaashood soo socda?
  148. Aqoonta iyo Caqligu ma habaabaan ee ictiqaadka ayaa habaaba!
  149. nin ayaa gabar si xarana ugu tagay..
  150. Salaan iyo Bogaadin..

  151. waxyaabaha lagu gaaloobayo..
  152. ii caddeeya in Wahhaabiyadu kuffaar yihiin iyo inkale!
  153. (Innalladiina aamanuu)=hadii lagu macneeyo kuwa xaqa aaminay, iyo kuwa aaminay maxeey is dhaamaan?
  154. Beryahan dambe waxaa aad u badatay fasiraadda diinta!

  155. waxaan jeclahay in aan ka hadlo wax yar oo..!
  156. waxyaabaha ay diinteenu ka sheegayso heesaha..!
  157. Diinta islaamku maxay ka qabtaa hadii surwaalka la dheeraysto?
  158. hadii uu qof wax ii sheegto oo uu idhaho..
  159. hadii anigoo jiifa ku riyoodo gabar..!
  160. sidee loo tukadaa salaatulaylka?
  161. malacuni karaa hilibka gaalada oo aheen..?
  162. anigoo soo wayseestay ma iska tiri karaa waysadii..?
  163. somalidu geedka ay aadka u cunto ee qaadku ma denbi baa?
  164. ururkii ka talin jirey afghanistan..
  165. waxaa lagu mormay in qofka naaska wada nuugay ..!
  166. maxa kuu dhacay dawlda somali?
  167. miyey jiraan dhar ama lebis u gaar ah..!
  168. wiil ayaa jiro oo rabo in uu ila sheekeesto..
  169. waxaan rabaa inaan is daahiriyo..!
  170. zakada dahabka laga bixiyo..
  171. waxaan ku mehersadey gabar kitaabka quraanka..!
  172. members of one of the Somali clans..
  173. Waxaan su'aal ka qabaa guurka ama Nikaaxa..
  174. Waan kirishtaamay...
  175. waxa aynu qoraanka ku aragnay gaar ahaan..
  176. waxa inta badn xadiistu sheegtaa in ragu ay suurwaalka gaabsadaan..
  177. Fariin tan waxaan ka soo dirayaa waqooyiga ameerika..!
  178. ha layska ilaaliyo dadka diinta sida khaldan u wada..
  179. qoladasi isku diin ma nihin..
  180. miyey banaan tahay in qofka muslinka ah maydkiisa..
  181. aad ayaan uga helay sida cilmiyaysan ee aad ula munaaqashootid..
  182. Waxaan ahay nin dhallinyaro ah..

  183. Sujuudda Tilaawadu maxay tahay?
  184. ha layska ilaaliyo dadka diinta sida khaldan u fasiraya..
  185. sheekh sideen hooyaday ugu ducayn karaa?
  186. Maxaa ku jaban tacliinta diimeed ee Soomaaliya?

  187. Wiil i jecel oo aanan anigu jeclayn ayaa la ii guuriyay ee maxaan sameeyaa?
  188. Munaaqasho ku saabsan Kooxaha Lunsan..
  189. Ragga Islaamka ayaa lagu yaqaan..
  190. Digniin ku socota Muslimiinta Soomaalida ah oo dhan
  191. Maxaa u dhexeeya kooxaha al-itihad iyo al-islah?
  192. muran kama taagna nimankan lunsan ee ikhwaanka iyo wahabiyadaba oo waa la wada og yahay
  193. Salafiyo Maxaa laga wadaa?

  194. waxaa wanaagsan in laga hadlo wixii cilmi ah
  195. Midnimada Muslimiinta..
  196. saxaabada nabiga allaha ka raalli noqdee iyo culumadii hore ee salafku bani'aadam bay ahaayeen..
  197. Islam is not a violent Religion
  198. Kareemka laysku caddeeyo ma la isku qurxin karaa??
  199. Haweenay caado qabta quraan ma akhrin kartaa?
  200. Diintu maxay ka qabtaa in la is masawiro?
  201. Diintu ma sidi qabyaalad baa?!
  202. Maxay tahay (Nashuusho)?
  203. Timaha ma la madoobaysan karaa?
  204. waxaan ku qancay sida wanaagsan oo aad uga jawaabtay suaalaha..

  205. Kooxaysigu Islaamka dhib mooyee dheef u soo jiidi maayo!
  206. Aad baad ugu mahadsantahay qoraallada qiimaha badan..
  207. waxay ila tahey in aad looga gardaran yahey Dr.Hersi..
  208. Sida qorraxdu ugu wareegto dhulka..
  209. waxaan aad u xiiseynayaa buuggaagii ku saabsanaa AKHWAANKA..
  210. Maxa uu u sameeyey ben laden waxaas fool xumada ah?
  211. Islaamku muxuu ka qabaa "Masaafada"?
  212. iga jaahil bixi xerta xabaalaha siyaarta!

  213. Yaa baxshay magaca wahhaabiyo?
  214. Waa la yaab in nin asigiiba been sheegaya qof ku waansho been ha sheegin!
  215. waxaad inoo sheegtay sheeko qosol leh..
  216. ahlusunnah wal jamaa'ah..!
  217. Sow maahin dad ay culumo waashay!
  218. Aqoondarro waa iftiin la'aan!
  219. Ilaah baa ku qancin kara..!
  220. waxaan kaa rabay in aad noo sheegto adigana kooxdee tahay!

Copyright 1998 - All rights reserved.
Contact Us
[Yahoo! News Search
Yahoo! Yellow Pages
[Yahoo! Quotes]
Contact Us
Webmaster - All rights reserved]