AHLUSUNNAH WAL JAMAACAH
Quran Sunnah Caqiido Fiqh Siiro Fatwada Firqooyinka Buug Xiriirin
Dooro Midabka aad Rabto

Radio Stations
  • M.C.R.Australia
  • BBC Somali
    [1800] [1100]
  • BBC Arabic
  • BBC English
  • Focus of Africa
  • Al alif
    Loox iyo Dugsilow

    Join Our Mailing List
    Your email address:
    Pick a password:
    Reenter password:
    Would you like to receive list mail batched in a daily digest?
    No Yes
    To unsubscribe enter your subscription email address here:

    List Archives

    DIIN SAXIIX AH OO AAN ISLAAMKA AHAYN MA JIRAA?"

    Diin saxiix ah oo aan Islaamka ahayn ma jiro
    Diinka xaqa ah Eebbe agtiisa waa Islaamka, wuxuu yiri Eebbe kor ahaayee: (Qofkii doonaya in uu diin ka dhigto wax aan islaamka ahayn laga aqbali maayo aakhirana wuxuu ka mid ahaan kuwa khasaaray) [ali-Cimraan:85]. Waxaa kale oo Eebbe yiri kor ahaayee: (Diinku Eebbe agtiisa waa Islaamka) [ali-Cimraan:19].

    Islaamkuna waa diinkii uu Eeebe uga raalli noqday addoomihiisa oo uu ina faray raaciddiisa. Eebbana Muslim laguma tilmaamo sida ay aqoonlaawayaasha qaarkood leeyihiin. Waayihiihore dadku waxay ahaayeen dhammaantood kuwa raacsan hal diin ah wuxuuna ahaa Islaamka. Hase ahaatee, kufriga iyo shirkiga Eebbe loo yeelay kor ahaayee wuxuu dhacay nabi Idriis ka dib. Kolkaas baa Nuux ahaa nabigii ugu horreeyay ee loo soo diray kufaarta asiga oo ugu yeeraya cibaadada Eebbaha kalida ah ee aan shirkada lahayn.

    Waxaana Eebbe uga digay dhammaan nabiyaashii ka dambeeyay (Nuux) shirkiga. Kolkaas baa waxaa yimid Sayyidinaa Muxammad nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee si uu u cusboonaysiiyo dacwada Islaamka kadib markii dadkii dhulkan ku noolaa u qaybsameen diimo kala duwan, asiga mucjisooyin la yimiday tusaysa nabinimadiisa. Markaas baa qaar soo galeen Islaamka. Waxaa diiday nabinimadiisa qaar lunsan oo ay ka mid ahaayeen qaar mushrikiin horey u ahaa sida kooxda Yahuudda oo caabuday Cusayr kolkaas bay kufrigoodii kufri ku darsadeen.

    Waxaana rumeeyay qaar ahlulkitaabka yahuudda iyo Nasaarada ka mid ah sida Cabdullaahi Bin Salaam caalimkii Yahuudda ee Nadiina, iyo Isximata an-Najaashi boqorkii Xabashada oo ahaa nasraani. Qodobka Islaamiga ah ee kulmiya dhammaan dadka Islaamka ahna waa cibaadada Ilaahay kaligiis.

    Xukunka qofkii Islaamka sheeganaya magac ahaan isla markaana burrinaya macne ahaan
    Waxaa jira kooxo badan oo beenshay Islaamka macne ahaan inkasta oo ay Islaamka sheeganayaan ayaga oo ku dhawaaqaya labada ashahaatin, ashadu an-laa-ilaha illa laahu, wa ash-haddu anna muxamaddun rasuulu laahi, oo tukanaya oo soomaya, maxaa yeelay waxay burriyeen labada ashahaatin ayaga oo rumaysatay wax ka soo horjeeda kolkaa way ka baxeen towxiidka ayaga oo Eebbe cid aan ahayn caabuday awgeed kolka waa kufaar muslimiinna ma aha sida kuwa ictiqaadsan in Cali bin Abii Daalib Ilaah yahay ama uu Khadirkii yahay ama uu yahay kii amarka Ilaahay wax ku xukumayay iyo qaar kale. Ama wixii kuwaa ku xukun ah ee hadal ah ama fal ah.

    Xukunka qofkii inkiraya labada ashahaatin waa in la kufriyo shaki la'aan hoygiisuna waa jahannama asiga oo ku waaraya dhexdeeda uusanna ka joogsanayn cadaabku maalinta qiyaamaha oo aanuu dhamaad lahayn kana uusan soo baxayn naarta.

    Qofkiise guta xuquuda Ilaahay tan ugu wayn oo ah in la kali yeelo kor ahaayee oo ah in uu ka tago wax kale ula shirko yeeliddiisa, ee rumeeya rasuulkiisa nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee laguma waarsho naarta jahannama waaritaan waligiis ah si kasta oo uu u galo dambiyadiisa awgood, meesha u dambaysana sikastaba ha ahaatee waxay ahaanaysaa naarta oo uu ka soo baxo iyo jannada oo uu galo kadib markii uu qaatay ciqaabtiisii uu mutaysnaa haddii aanan Eebbe u dhaafin.

    Wuxuu yiri Rasuulku nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee: "waxaa naarta ka soo baxaya qofkii yiraahda laa-ilaaha illa-laahu oo qalbigiisa haaw in la ego o iimaan ah ku jiray" waxaa weriyay al-Bukhaari.

    Qofkiise saxay towxiidka Eebbe kor ahaayee ee ka fogaaday dambiyada ee falay waxyaabigii Eebbe faray wuxuu geli doonaa jannada oo ah meesha nicmada nag ee joogtada ah. Waxaana caddaynaya xaddiiska qudsiga ah ee uu weriyay abuu Hurayra Allah ha ka raalli noqdee: wuxuu yiri rasuulkii Eebbe nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee: "Eebbe wuxuu yiri: Mudnaayee oo waynaayee: waxaan u sameeyay addoomahayga suubban wax aanan ilu arag dheguna maqal aanna ku soo dhicin qof qalbigiis". Waxaa kale ee uu yiri abuu Hurayrah Eebbe ha ka raalli noqdee: Akhriya haddii aad doontaan qowlkii Eebbe kor ahaayee: (Ma oga nafi waxa loo qariyay ee ah wax indo ku qabowsadaan abaalmarin awgeed wixii ay falijireen) [as-Sajdah:17] waxaa ku soo weriyay al-Bukhaari saxiixiisa.


    | Yahoo! News Search |Yahoo! Yellow Pages | [Yahoo! Quotes] |Contact Us Webmaster - All rights reserved]