| Education | Downloads| Links|
Radio Channels
  1. BBC Somali
    [1800] [1100]
  2. BBC Arabic
  3. BBC English
  4. Focus of Africa

Join Our Mailing List
Your email address:
Pick a password:
Reenter password:
Would you like to receive list mail batched in a daily digest?
No Yes


Somali translators
Looking for qualified Somali translators? English, Arabic, Somali and Other languages! contact the editor.

Somali Related Sites
[OAU] - [IGAD] - [WOYAA] [AMNESTY] - [IRIN] - [UN] - [Dj]

Bogga Fatwada iyo Su'aalaha
[Ask Question - Waydii Su'aal][Akhri Suaalo iyo Jawaabo]
Baro Diinta Islaamka
  • Assalafiyah al-Wahhabiyah
  • at-Tartil (Alif Waxmaleh)
  • Mukhtasar al-Harari
  • At-tasawwuf wal Aqidah
  • Iskajir Kooxaha Lunsan
  • Taariikhda Wahhabiyada(1)
  • Taariikhda Wahhabiyada(2)
  • Caqiidada Wahhabiyada(1)
  • Caqiidada Wahhabiyada(2)
  • Caqiidada Wahhabiyada(3)
  • Caqiidada Wahhabiyada(4)
  • Al-Ittixad Al-Islami(1)
  • Al-Ittixad Al-Islami(2)

  • CAJAA'IBKA WAHHAABIYADA!
    Hordhac
    Toddobaadkii ina soo dhaafay waxaan ka hadalnay, qaybihii ugu dambeeyay ee caqiidada Wahhaabiyada iyo xiriirka ay la leedahay caqiidada kirishtaanaka. Dhowr dhallinyaro ah ayaa emaillo iisoo diray, badankoodu arday wax kororsanaysa sidood uma hadlayn ee sidii culumo ayay ii naqdinayeen!!

    CILMIGA IYO DHAQANKA SOOMAALIDA
    Waa iska caadada Soomaalida, Caamigooda ayaa ku naqdinaya, inta aanan culumadeedu ku naqdin! maxaa yeelay soomaalidu waa qabiilooyin, qabiil qabiil ka fadli badanna ma jiro, kolka la hadlayana qabiilkaas ayaa soomaalidu isku qiimaysaa ee cilmi iyo derejo aqooneed iskuma qiimayso.

    Marka, aniga oo og dhaqanka soomaalida iyo qaabdarradiisa, waxaan dhallinyarada ka codsanayaa in ay wax faa'iidaystaan oo ay wixii aanay garanayn ama anigaba isoo waydiiyaan ama qofkii ay ku kalsoonyihiin oo ahlu cilmi ah waydiiyaan, ama haddii wax u billaabanyihiin, kutubta u laabtaan inta aanay fatwo iyo naqdi aanan meelna jirin la soo boodin.

    Haddii aad nin dhallinyar tahay, oo aadan cilmiga u gelin dugsiyo iyo jaamicado, waxaa la qaatay in aadan caalim iska dhigin ee aad kutaab ahaatid ama arday ahaatid, si aad wax u kororsato, haddiise aad caalim ismooddo adiga oo aanan aqoonta waxba kaaga billownayn, ee aad fatwo iyo naqdis gasho waa dhibaato inteeda la eg.

    Marka, emailladii la iisoo diray waxaan ka jawaabayaa mid kaliya, waana midka uu iisoo diray (Ina Cali Mire), kuwa kale, wax micne ah malahayn, cilmina ka hadli mayn, su'aalona ma ahayn, sidaa darteed waan isaga gudbaynaa. Haddii aan ka jawaabo dhowr su'aalood oo (Ina Cali Mire) iswaydiiyay, ama iwaydiiyay, waxaan leeyahay:

    1. QOFKU MA WIXII UU AAMINSANYAHAY OO KALIYA AYUU QORAA?
    Horta hadalka aad tiri ee ah (qof walba waxa uu aamin san yahay ayuu qoraa ) sax ma aha, mana waafaqsana manhajka cilmiga ah, waxaana kugu qaaday hadalkan aqoonyarada kaa haysata xagga cilmibaarista. Qofku wax kasta ama mowduuc kasta wax wuu ka qori karaa haddii uu aqoon iyo waayo aragnimo ku filan ka haysto, natiijada uu gaarayana shardi maaha in ay iimaankiisa waafaqsanaato, marka walaal sidaas ula soco. Tusaale ahaan, nin gaal ah oo aanan Ilaah jiritaankiisa aaminsanayn ayaa laga yaabaa in uu baaro arrinka jiritaanka Ilaahay, oo cilmibaaristiisu ku dhammaato natiijo ah (in Ilaahay Jiro)! wayna dhacday hadda kahor.

    2. WAHHAABIYADU MA WAXAY AAMINSANYIHIIN 3 ILAAH?
    Haddaan u soo laabto weedhaadii (DR Hersi waxaan waydiin lahaa anigoo daba jooga doodiisii kooxda aad ku tilmaantay wahaabiya ma waxay aamin san yihiin sadex ilaah mase adigaa la jeclaaday )? Kooxda wahhaabiyadu waxay aaminsanyihiin saddex jaad oo towxiid ah, towxiidkuna waa cilmi ku saabsan Ilaahay iyo jiritaankiisa iyo qudradiisa iyo wixii la xiriira, kolka haddii aad aaminsantahay saddex towxiid waxaad aaminsantahay saddex jaad ama waji oo Ilaah leeyahay, waana hadalka Nasaarada, ayaguba ma qabaan in ay saddex Ilaah aaminsanyihiin oo arrinkaas way diidayaan, waxayna leeyihiin waa saddex dabiicadood oo Eebbe leeyahay!!

    Wahhaabiyaduna waa sidoo kale, waxay aaminsanyihiin in Eebbe waynaayee saddex jaad yahay ama saddex qaybood leeyahay, qayb cibaadada loo nisbeeyo, qayb awoodda loo nisbeeyo iyo qayb sifooyinka loo nisbeeyo. Kolka bal ii sheeg waxa ay ku kala duwanyihiin ayaga iyo Nasaaradu?

    Haddii aan u soo laabto arrinka aad sheegtay ee ah qaybaha towxiidka, waxaa ii muuqata in aadan fahamsanayn waxa u dhexeeya qaybaha la qaybinayo cilmiga iyo qaybaha towxiidka ee wahhaabiyadu aaminsantahay. Farqiga aasaasiga ah ee u dhexeeya waa in wahhaabiyadu saddexda jaad ee towxiidka ay u qaybsheen ay waajib ka dhigayaan, macnaha qofkii aanan saddexdaas aaminin Islaamnimadiisu ma saxna Islaamna maaha.

    Laakiin duruusta aad sheegtay ee Ashcariyada iyo Muctasiladu u qaybsheen towxiidka, noocaas maaha, tan kale Ashcariyadu sida aad moodday uma qaybin towxiidka 20 iwm, ee waxa ay ka hadleen waa (Asmaa iyo Sifaat). Haddii aad u fiirsato kutubta culumada Ashcariyada, waxaad arkaysaa in aanay isku si u dersin towxiidka, bal u fiirso waxa u dhexeeya (kutubta Sheekh Ashcari laftiisu qoray iyo kuwii ay qoreen Ashaaciradii Imaam Gazali kadib soo baxay) waxaad arkaysaa in ay xataa laba manhaj oo kaladuwan ku socdeen kolka laga hadlo dersidda Towxiidka, sidaas ay tahayna ma aysan dhihin waa waajib in sida aan u qaybinnay loo qaybsho towxiidka, mana aysan dhin qofkii aanan sidan u qaybin Islaamnimadiisu waa dhimantahay.

    3. ANIGU UMA HORREEYO QOF WAHHAABIYADA FADEEXOOYINKOODA SOO BANDHIGA Waa runtaa, anigu maahi qofkii ugu horreeyay oo fadeexooyinkaas wahhaabiyada soo weriya, (sadaexda tawxiid runtii maahan markii iigu horasay ee aan arko qof qaba arinta uu dr hirsi ka hadlayo), sida aad adiguba maqashay, kutub badan ayay ku qoranyihiin fadeexooyinka wahhaabiyada iyo qaladka ay caqiidada ka galeen, waxaanna kutubtaas badankooda ku xusay kitaabka aan qoray ee aad akhrisay, marka Tacasubka indha la'aanta ah iska daay ee cilmiga nuurkiisa raac, maxaa kugu khasbaya in aad u danaaniso wahhaabiyo adiga oo khaladkooda arkaya!! Subxaana laahi!! Waa caadooyinkii Jaahiliga, oo ay dhihi jireen (Awowyaalkeen baan ku aragnay, waana ku dayanaynaa..).

    4. MA JIRAAN WAX LA YIRAAHDO (CAQIIDADA WAHHAABIYADA)?
    Haddaan u soo laabto weedhaada ah (anigi ma aaminsani amaba ma jirto caqiido layiraahdo caqiida wahaabiyada iyo meel ay taariikhda islaamka ugu taalo). Hadalkani wuxuu burrinayaa hadalkaagii hore ee ahaa in Wahhaabiyadu towxiidka u qaybisay 3 jaad. Tan kale, Haddaadan aaminsanayn in Caqiida wahhaabiyo jirto, seed u rumaysay wax aanan jirin, waadiga sheegay in aad rumaysantahay saddexdaas jaad ee wahhaabiyadu sheegtaye?!!

    Karog oo laba saar, ama aaminsanow ama ha aaminsanaan, taasi wax wayn ka bedeli mayso xaqeeqada cilmiga ah, cilmigu iimaan kuma dhisna ee waa xaqeeqo sugan oo haddii si toosan loo baaro laga dultegayo, qofka baaraya ama iimaan ha lahaado ama yuusan lahaanin, ama ha aaminsanaado waxa uu baarayo ama yuusan aaminsanaanin, intuba xaqiidada cilmiga ah waxba kama bedelayso.

    Haddii aad kolka taas laabta ku xarriiqato, waxaa kuu caddaanaysa in ay wahhaabiyadu koox taariikhda Islaamka gashay tahay, mad-habta ay la timidna waxay ahayd mad-hab caqiido ah, ee fiqhi lama aysan imaan, sidaa darteed, caqiidadaas ay keeneen ayaa loo yaqaan (caqiidada Wahhaabiyada), sidoo kale, waxaa horey u soo maray caalamka Islaamka (Caqiida al-Ashcariya) oo loo nisbeeyo ninkii keenay (Imaam Ashcari), iyo (Caqiidah al-Maaturiidiyah), oo loo nisbeeyo (Sheekhii Maaturiidi ee qoray), iyo (Caqiida as-Sanuusiya) oo loo nisbeeyo (sheekhii Sanuusi) iyo qaar kale oo badan.

    5. GABAGABADA ARRINTAN
    Halkaas waxaa kaaga cad in aanay caqiidada wahhaabiyadu keentay, ee saddexda qaybood ah, wax aasaas ah kitaabka iyo sunnada ku lahayn. Xaggee ka keeneen qaybtan saddexda ah? Ibn Baaz wuxuu ku jawaabay (Waaqica dadka ayaan laga faa'iidaystay)!! Bismillaahi, bal eega qoodhiin iyo xeradiin waxa uu ku jawaabay!! Xagee lagu arkay caqiido waaqic laga faa'iidaysanayo, sow caqiidadu waxyi maaha iyo diin samada ka soo degay, waaqicuse sow dhulka iyo falalka aadanaha maaha!! Subxaana laahi, Ilaahow ina soo toosi.

    6. DHIBAATADA AY U GAYSATAY CAQIIDADAN WAHHAABIYADU SOOMAALIYA
    Caqiidadan Soomaaliya waxay soo gashay 1980kii wixii ka dambeeyay, 1970kii ayaa waxaa soo galay caqiidada Akhwaanka - oo aan dib uga hadli doonno - kadibna waxaa yimid Wahhaabiyada, waxaana u sabab ahaa, dhallinyaradii aadday dalka Sacuudiga ee wax kasoo baratay dhulkaas.

    Culumada Wahhaabiyadu waxay ka faa'iidaysteen dhibaatooyinka dhaqaale iyo Jahliga Soomaalida ku habsaday, iyo waliba xukuumadihii qaabka darraa iyo dowlad la'aantii ka dambaysay kolkaas ayay diintan cusub ku fidsheen bulshada dhexdeeda ayaga oo raacaya manhajka tabshiirka ama kirishtaanku raacay, kaas oo ah in caqiidada iyo muufada ama doollaarka laysugu dhiibo qofka baahan.

    Riyaalka iyo caqiidada wahhaabiyada ayaa kolkaa isla yimid oo laysugu dhiibay dadkii soomaalida ahaa ee muslimka ahaa si wahhaabiyo looga dhigo. Bal maxay tahay xigmadda ku jirta in dad muslim ah oo qirsan Alle iyo Nabiga quraankana akhrinaya oo soomaya oo salaadaya in diin cusub loo keeno!!

    Arrimaha ka dambeeyay mad-habta wahhaabiyada ee Soomaaliya Sacuudigu ku fidshay waxay ahaayeen arrimo siyaasadeed, waxaana tajribadan oo kale maray Afqanistaan iyo Baakistaan iyo Hindiya iyo meelo kale oo Africa ka mid ah. Dalalka carabta tajribadan way ku fashilantay, maxaa yeelay dadkoodu waxay ahaayeen dad Carabiga ku hadla culumana leh. Soomaaliya Caqiidadan dadka qaatay waxay la baxeen (al-Itixaad al-Islaami), waana koox aanan wax culumo ah oo munaathiriin ah lahayn, kutub ay qoreen ma arag, waxyaabo yaryar oo aanan manhaji ahayn mooyaane, Sidaa darteed siday u baaba'do way fududdahay, waxa kaliya oo ay shirantahay inta soomaalidu ka ilbaxayso, xaaladdooda dhaqaalana yara fiicnaanayso.

    SOOMAALIDA MAANTA IYO WAHHAABIYADA
    Alle Mahaddiis, Soomaalida maanta qurbaha joogta, siiba dhallinyarada, way ka baxeen caqiidadaan fasahaadsan ee mutakhallifka ah, ee culumada qaar ku tilmaameen (Caqiidadii Batroolka) iyo (Fiqhigii Saxaraha), waxay caqiidadan fasahaadsan ku hartay, Bulshada ku nool Koofurka soomaaliya siiba meelo muqdisho ka mid ah iyo Gedo iyo meelo Goballada Bari ka mid ah.

    Alle mahaddiis, Reer Bay iyo Bakool, Reer Kismaayo, Shabeellada Hoose iyo Shabeellaha Dhexe iyo meelo Xamar Koofurtiisa Bari ka mid ah, iyo Waqooyiga iyo Bariga galbeed ee Soomaaliya way ka badbaadeen Caqiidadan. Waxaa kolka haray laba qolo, qolada koobaad waa duqaydii qurbaha soo galay ayaga oo caamo ah, duqoobayna. Kuwaasi rejo wayn malaha oo wax caqiidadan ku dhiman doona bay u egyihiin.

    Kooxda labaadna waa dadyowga Soomaaliya Jooga ee wali wahhaabiyada ku dheggan siiba reer Gedo, waxaana ugu wacan wadaaddada madaxda ka ah oo Sacuudiga mushaar ka qaata lugna ku leh fidinta diintan. Intaas ayaan toddobaadkan ku soo gabagabaynaynaa, jawaabaheennii.

    Dr. Hersi Labagarre Back

    How to Unsubscribe from our list

    To unsubscribe from 2garre or change your subscription, (set options like digest and delivery modes, get a reminder of your password), enter your subscription email address here:


    Add to Somali Links
    Your Name:
    News Link:
    Insert your news here!

    To Check Click here

    English-Somali Vocabulary
    Quizzes to Help You Learn Somali and Review Vocabulary. This is a part of The Internet TESL Journal's [Foreign Language Vocabulary Quizzes]
    Copyright 1998 - All rights reserved.
    Contact Us
    [Yahoo! News Search
    Yahoo! Yellow Pages
    [Yahoo! Quotes]
    Contact Us
    Webmaster - All rights reserved]