AHLUSUNNAH WAL JAMAACAH

Quran Sunnah Caqiido Fiqh Siiro Fatwada Firqooyinka Buug Xiriirin

Al-Quraan Al-Kariim
Sh. M. Kh. Al-Husri

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 24 25 26 27 28 29 30 31 32 33 34 35 36 37 38 39 40 41 42 43 44 45 46 47 48 49 50 51 52 53 54 55 56 57 58 59 60 61 62 63 64 65 66 67 68 69 70 71 72 73 74 75 76 77 78 79 80 81 82 83 84 85 86 87 88 89 90 91 92 93 94 95 96 97 98 99 100 101 102 103 104 105 106 107 108 109 110 111 112 113 114

Islam in Somalia
Loox iyo Dugsilow

Masjidka Abdilaziz
Masjidka Abdilaziz
Soomaalidu waa ummad Islaam ah, caqiidadoodu waa Ashcariyo, mad-habtooda fiqhigana waa Shaaficiyo, Islaamkuna taariikh dheer buu ku leeyahay dalkeenna ee hadda sooma gelin sida ay wahhaabiyadu ku andacoonayso

Makkah
Pictures of Makkah

al_Madiinah
Pictures of Madiinah

Ma'thuuraat
More Islamic Pictures
Tirsiyadii SEJ
2 0 0 0
02.01.2000 09.01.2000
16.01.2000 23.01.2000
30.01.2000 13.02.2000
20.02.2000 27.02.2000
05.03.2000 12.03.2000
19.03.2000 26.03.2000
02.04.2000 09.04.2000

1 9 9 9
22.08.1999 15.08.1999
08.08.1999 01.08.1999
25.07.1999 18.07.1999
11.07.1999 04.07.1999
20.06.1999 13.06.1999
25.04.1999 11.04.1999
28.03.1999 21.03.1999
14.03.1999 07.03.1999
28.02.1999 28.02.1999
20.02.1999 14.02.1999
01.02.1999 25.01.1999
17.01.1999 10.01.1999
04.01.1999 28.12.1998

1 9 9 8
21.12.1998 14.12.1998
06.12.1998 29.11.1998
05.10.1998 28.09.1998
21.09.1998 13.09.1998
07.09.1998 31.08.1998
24.08.1998 17.08.1998
10.08.1998 03.08.1998
27.07.1998 19.07.1998
12.07.1998 05.07.1998
28.06.1998 21.06.1998
14.06.1998 07.06.1998
01.06.1998

TAAGEER AHLUSUNNAH WAL JAMAA'AH
SADDAQO LA BAX: Walaal akhriste taageer "ahlusunnah wal jamaacah". Taageeradaada waxaa loo adeegsandoonaa "arrimaha dacwada" oo kaliya. Mahadsanid.

DURUUS IYO SUUGAAN MAQAL AH
Fadlan adeegso: (Windows Meadia Player) si aad u dhegaysato duruusta
Dhegayso duruus Maqal ah

Quraan, Subac, Digri, Caqiido, Fiqhi, Tasawuf, iyo dhammaan wixii aad u baahantahay ee diinta ku saabsan, waxaa soo habeeyay culumo aqoon dheer u leh diinka. Halkan Riix

Daawo Vedio Clips
  • Nashiidka Mowlidka
  • Reddinta Wahhaabiyada 1/2
  • Reddinta Wahhaabiyada 2/2
  • Kufriga Wahhaabiyada
  • Gabaygii Shiikh Nuuriye ee halkudheggiisu ahaa:
    Qabaa'ixda Wahhaabiyada, Dhagaysi wacan.
  • Sh. Nuuriye 1
  • Sh. Nuuriye 2
  • MU'TAMARKII 4AAD EE AHLUSUNNAH WAL JAMAACAH, SWEEDEN 2008

    KULANKII AHLUSUNNAH WAL JAMAACAH EE LAGU QABTAY NEW ZEALAND 2008

    KULANKII AHLUSUNNAH WAL JAMAACAH EE LAGU QABTAY MELBOURNE, AUSTRALIA 2006/2007
    See More Pictures

    XUSKA MOWLIDKA NABIGA NNK
      Xuska Mowlidka Nabiga(1). Sh. Dr. Hersi
      Xuska Mowlidka Nabiga(2). Sh. Dr. Hersi
      Xuska Mowlidka Nabiga(3). Sh. Dr. Hersi

    REDDINTA BIDCADA, Shiikh Cabdi Risaaq
    Reddinta Bidcada 1
    Reddinta Bidcada 2
    Reddinta Bidcada 3
    Caqiidada Islaamka 1
    Caqiidada Islaamka 2
    Caqiidada Islaamka 3
    Caqiidada Islaamka 4
    Caqiidada Islaamka 5
    Caqiidada Islaamka 6
    Caqiidada Islaamka 7
    Caqiidada Islaamka 8

    Silsiladda Aasaaska Islaamka
    Fidnooyinka iyo firqooyinka(1). Sh. Dr. Hersi
    Fidnooyinka iyo firqooyinka(2). Sh. Dr. Hersi
    Suufiyada iyo Tasawufka(1). Sh. Dr. Hersi

    AASAASKA ISLAAMKA
    Islaamku waa barasho ee baawsi ma aha!
  • Caqiidada Islaamka
  • Su'aalaha Caqiidada
  • Axkaamta Salaadda
  • Axkaamta Sekada
  • Axkaamta Soonka
  • Axkaamta Xajka
  • Mowlidka Nabiga
  • Hijrada Nabiga
  • Dheelminta Nabiga
  • Bisha Shacbaanka
  • Bisha Rabadaan
  • Kufriga Wahaabiyada
  • AQOON LA'AANI WAA IFTIIN LA'AAN!
    [Baro Diinta Islaamka]
    1. Al-Quraan al-Kariim - Qur'aanka oo dhan (A)
    2. at-Tartil (Alif Waxmaleh) Billowga Alifka (A)
    3. al-aqidah ad-Daxawiyah - Soomaali iyo Carabi
    4. al-Ibaanah an usul add..( al-imaam al-ashcari)
    5. al-aqidah assunniyyah Sh. Abdullaah
    6. Arbacuun annawawi - Xadiis
      Click here to download free Islamic books

    DIIN SAXIIX AH OO AAN ISLAAMKA AHAYN MA JIRO

    Diin saxiix ah oo aan Islaamka ahayn ma jiro
    Diinka xaqa ah Eebbe agtiisa waa Islaamka, wuxuu yiri Eebbe kor ahaayee: (Qofkii doonaya in uu diin ka dhigto wax aan islaamka ahayn laga aqbali maayo aakhirana wuxuu ka mid ahaan kuwa khasaaray) [ali-Cimraan:85]. Waxaa kale oo Eebbe yiri kor ahaayee: (Diinku Eebbe agtiisa waa Islaamka) [ali-Cimraan:19]. Akhri qoraalkan.

    SIDEE NAARTA LOOGA BADBADAYAA?

    Ka badbaadidda naarta
    Eebbe kor ahaayee wuxuu yiri: (Kuwii rumeeyayow ka koriya naftiina iyo qaraabadiinna naar shidaalkeedu yahay dad iyo dhagaxyo waxaa kor jooga malaa'ik adag oo xooggan, ma caasiyaan Eebbe wuxuu faray, waxayna falaan wixii la faro) [at-taxriim: 6]. Akhri qoraalkan.

  • Khawaarijta Wahaabiyiinta al-Shabaab..
  • Ahlu sunna wal-jamaaca oo hor istaagtay..
  • Waa Maxay al-Shabaab?!...
  • QAYBAHA KUFRIGA IYO WAXYAABAHA LAGU KUFRINAYO

    Caddaynta qaybaha kufriga
    Waxaad ogaataa walaalkayga Muslimka ahow in ay jiraan ictiqaadyo iyo falal iyo oraahyo burrinaya labada ashahaatin kuna ridaya (qofka) kufri, maxaa yeelay kufrigu waa saddex jaad: kufri ictiqaad ah iyo kufri fal ah iyo kufri oraah (qowl) ah, waana isku raacsanyihiin afarta mad-habadood sida nawawi iyo ibn al-Muqri oo shaaficiyo ah iyo ibn Caabidiin oo xanafiyo ah iyo al-Buhuuti oo xambali ah iyo sheikh Maxamaded Caleesh oo maaliki ah iyo qaar kale kolka qofkii doona ha eego. Sidoo kale culumada aan ahayn kuwa afarta mad-habadood ee ka mid ah mujtahidiintii hore sida Awsaaci wuxuu ahaa mujtahid mad-hab lagu howlgalo leh kadibna ardaydiisii way la'deen. Akhri qoraalkan.

    KOW IYO KONTON MAS’ALO (51),
    OO AY WAHHAABIYADU KU KUFRISAY
    Nabigu nnk wuxuu yiri: "Diinku waa naseexo"
    Shiikh Dr. Hersi Aw Mohamed oo ka jawaabaya dalab uga yimid akhristayaasha iyo culumada soomaalida qaar ka mid ah, kuna saabsan mas'alada kufriga firqada wahhaabiyada, ayaa qoraalkan ku caddeeyay konton iyo kow (51) mas'alo oo wahhaabiyadu ku kufrisay. Halkan Riix

    SIDEE XAQA KU HALEELAYSAA?
    Halkan ka akhri duruus si tifaftiran uga jawaabaysa dhammaan su'aalahaaga ku saabsan Caqiidada Islaamka

    XUQUUQDA UU EEBBE ADDOOMIHIISA KU LEEYAHAY

    Waa maxay xaqa ugu wayn ee Eebbe addoomihiisa ku leeyahay?
    Waxaad ogaataa in kan ugu wayn xuquuqda Eebbe kor ahaayee uu yahay towxiidkiisa kor ahaayee, iyo in aanan wax kale loola shirko yeelin, maxaa yeelay Eebbe shirko u yeeliddiisu waa dambiga ugu way nee addoonku falo, waana dambiga uusan Eebbe dhaafayn, wuxuuna u dhaafaa wixii intaa ka sokeeya ciddii uu doono. Eebbe kor ahaayee wuxuu yiri: (Eebbe ma dhaafo in loo shirko yeelo wuxuuse u dhaafaa wixii intaa ka sokeeya ciddii uu doono) [an-Nisaa': 48]. Akhri qoraalkan.

    Suugaan
    Qoraallo
    Akhbaarta Ahlusunnaha
    ISLAAMKU WAA BARASHO EE BAAWSI MAAHA!
    BOGGA FATWADA IYO SU'AALAHA
    Si aad u Waydiiso Su'aal ama Fatwo:
    Adeegso Emailkan: (labagarre@hotmail.com)
    Akhbaarta Ahlusunnada
    WARQAD FURAN OO KU SOCOTA DHALLINYARADA AHLUSUNNAH WAL JAMAACAH

    Bismillaahi, wal-xamdu lillahi, walaa cudwaana illaa caladdaalimiin.
    Intaa kadib, walaalayaal warqaddan furan waxaan doonayaa in aan uga jawaabo su'aalo soo noqnoqday oo in badan dhallinyarada ahlusunnah wal jamaacah i waydiiyeen, su'aalahaas waxaa ka mid ahaa:
    1. Muxuu yahay doorka ay ahlusunnah wal jamaacah ku leedahay diffaaca diinta islaamka iyo dalka iyo dowladda Soomaalia?
    2. Maadaama qodobkaas ah (difaaca diinta iyo dalka laga difaacayo kufaarta khawaarijta ah), yahay hadafka ahlusunnah wal jamaacah, sidee ahlusunno hadafkaas u gaari kartaa?
    3. Maxay yihiin khilaafaadka u dhaxeeya ahlusunnah wal jamaacah? sideese lagu xallin karaa?

    Su'aalahaas waxaa la igu soo waydiiyay in badan taleefan iyo email, waxaa sidoo kale i waydiiyay dhallinyarada ahlusunnah wal jamaacah ee wax ka barata jaamicadaha Yaman oo aan khadka taleefanka muxaadaro ugu jeedshay waqti aan hadda sidaa u sii fogayn.

    Jawaabihii aan ka baxshay su'aalahaas ayaan doonayaa in aan warqaddan furan ugu soo gudbiyo guud ahaan muslimiinta Soomaalida, gaar ahaanna xoogagga ahlusunnah wal jamaacah meel kasta oo ay joogaan.

    Jihaadka Ahlusunnah wal jamaacah
    1. Doowrka ay ahlusunnah wal jamaacah ku leedahay difaaca diinta Islaamka iyo dalkeenna waa dowr aasaasi ah oo lafdhabar u ah jiritaanka diinteenna iyo dalkeenna iyo dowladnimadeenna, daliil waxaa u ah, ma jirto maanta koox u dagaalaysa difaaca diinka Islaamka iyo caqiidada saxiixa ah oo aan ahlusunnah wal jamaacah ahayn, firqooyinka kale sida kufaarta al-shabaab iyo zanaadiqa xisbul shaydaan iwm, dhammaantood waxay u dagaalayaan xoolo ay boobaan iyo dhul ay qabsadaan. Daliil waxaa hadalkayga u ah, xataa dowladdii wahhaabiyada ee shariif, waxay maciin bidday maanta ahlusunnah wal jamaacah markii ay xoog kale waysay, oo waa taa ku faanaysa guulihii mujaahidiinta ahlusunnah wal jamaacah keeneen.

    Masiibada Qabiilaysiga iyo Dariiqaysiga
    2. Su'aasha ah sidee ahlusunnah hadafkaa 1aad u xaqeejin kartaa waa su'aal facwayn oo madaxa daalinyaysa, laakiin jawaabtii aan dhallinyarada siiyay waa sidan: Wahhaabiyo ayaa dariiqan horteen ku soo jabtay, xaalka ahlusunnah wal jamaacah iyo wahhaabiyada soomaaliya, waa sidii xaalkii khawaarijtii Imaam Cali la dagaashay iyo Ahlusunnadii ka dambaysay ee caqiidada islaamka difaacday ee toosiday.

    Ahlusunnah waljamaacah maanta waxaa hortaagan laba mushkilo. Midda hore waa qabyaaladda, tan labaadna waa dariiqaysiga. Koox kasta oo ahlusunno wal jamaacah ah waxay rabtaa in qabiilkeedu ahlusunnah wal jamaacah metelo, dariiqadii shiikheedana la raaco, masiibadaas waxaan ku magacaabay (qabiilaysi iyo dariiqaysi).

    Wahhaabiyadu sidee u xallisay mushkiladda qabiilka?
    Wahhaabiyadu way soo martay dariiqan, laakiin way ku barriiqatay, qabiilka waxay ku xalliyeen in way wiil kasta iyo gabar kasta oo mad-habtooda kufriga ah soo gala ay ku dhaheen aabahaa iyo hooyadaa iyo tolkaaga oo dhan kufaar weeye ee ka beri noqo!!

    Qabyaaladdii sidaa bay u xalliyeen, dariiqo iyo shiikhna markii horaba ma aysan lahayn oo diinka ay sheeganayaan mid jira oo culumo laga soo qaatay ma ahayn ee wax ay kutubta iyo cajaladaha ka baawsadeen buu ahaa oo ilxaad ku salaysan.

    Xalkaas wahhaabiyadu keentay, wuxuu ku salaysanyahay sida kuu muuqata kufrigooda, maxaa yeelay waxay ictiqaadsanyihiin, in wixii ka dambeeyay qarnigii saddexaad ee hijriyada ay dadku kufri ku sugnaayeen, ilaa uu yimid shiikhooda cabdil wahhaab, oo mad-habtooda habawsan keenay!

    Taasi kolka xal ma aha, maxaa yeelay qabiilku asal ahaan sharciga wuu waafaqsanyahay, diinkeennuna ma diiddana in qabiilka la isku aqoonsado, laakiin waxaa xun in loo adeegsado qaab midab takoor ah ama aan islaamka waafaqsanayn.

    Sidee Ahlusunnah uga gudbi kartaa Qabiilka iyo dariiqada?
    Maanta arrintaas qabyaaladda iyo dariiqaysiga ah ahlusunno waxay uga gudbi karaan in ay urur diimeed ahaan isu dhisaan oo maamul iyo hoggaan yeeshaan iyo mashaa'iikh ay doorteen oo u fatwoota. Waxaan ognahay ahlusunnah wal jamaacah in asalkeedu ahaa "dhallinyaro xer ahayd" xertana sida aan ognahay oo soomaaliya waligeed lagu yaqiin qabaiil malahayn, loomana eegi jirin ninka xerowga ah qoladii uu ka dhashay ee shiikhiisa iyo xertiisa ayaa lagu magacaabi jiray oo lagu xisaabin jiray.

    Maanta dhallinyarada ahlusunnah wal jamaacah haddii ay doonaan in ay xaaladda soomaaliya wax ka bedelaan waa in ay u laabtaan taariikhdoodii dahabiga ahayd ee xernimada ahayd ee ku salaysneed khushuuca iyo daacadnimada iyo akhlaaq wanaagga, iyo aduunyada ka fogaashadeeda iyo ku dadaalista cilmiga iyo addeecidda culumada iyo ka faa'iidaysashadooda. Calaamadahaas ayaa lagu oqoon jiray ninka xerowga ah, maantana calaamadahaas oo kale ayaa loo baahanyahay in dhallinyarada ahlusunnah wal jamaacah ku sifoobaan haddii ay doonaan in ay soo ceshadaan kaalintii ay dalka iyo diinka ku lahaayeen.

    Koox diimeed oo qabyaalad ku salaysan waligeed khayr keeni mayso, Nabigeenii Muxamad nnk ayaa inoo sheegay in qabyaaladdu (qurun) tahay, marka ninka maanta doonaya in uu diinka qurun kaas ku dhiso wuxuu la mid yahay sidii kii waagii nabigu nnk noolaa ee madiino la joogay (habar wacadka la yeeray) ee nabigu nnk ugu jawaabay (dacuuhaa fa innahaa muntinah) "iska daaya waa qurune" macnaha qabyaaladda ayuu ka wadaa!

    Dariiqadu dhib malaha haddii ay qabyaaladda ka daahir tahay
    Dariiqaysiga iyo walaa'aadka mashyakhada ah wax dhib ah malaha haddii ay ku salaysanyihiin niyad saafi ah oo qabyaaladda ka daahir ah. Daliil waxaa taas u ah in culumada ahlusunnah wal jamaacah ee soomaaliya joogi jirtay ay dhammaantood is jeclaayeen oo cilmiga kala qaadan jireen oo isa soo siyaaran jireen ayada oo shiikh walba dariiqo gaar ah leeyahay. Marka maanta ahlusunnah wal jamaacah iskuma haystaan dariiqo iyo mad-hab fiqhi ah toona, laakiin fidnada qabyaaladda ayaa ugu daran waxa ay la socon la'yihiin.

    Soomaaliya dadkeedii saddex qaybood ayuu noqday!
    Maanta waad aragteen in soomaaliya dadkeedii u qaybsamay saddex qaybood, ahlusunnah wal jamaacah oo ku dheggan caqiidadii saxiixa ahayd, iyo wahhaabiya iyo faraceeda shaydaan al-shabaab iyo xisbu shaydaan, oo ilxaad iyo kufri la wareegaysa, iyo koox dhexdhexaad ah oo aan muslim iyo gaalo toona ahayn.

    Islaamka iyo Kufriga maxaa u dhaxeeya!
    Kooxdaas dhexdhexaadka ah waxaan leeyahay, islaamka iyo kufriga mid ku biira, maxaa yeelay, islaam iyo kufri wax u dhaxeeya ma jiraan, ninkii isku daya in uu islaam iyo kufri dhexdooda boos ka riixdo, wuxuu noqonayaa sidii kooxdii yahuudda ahayd ee ku timid qisadii asxaabu as-sabti, ee quraanka lagu sheegay, Ilaahay waynaayee, quraanka ayuu ku xusay kuwii caqiidada toosan haystay ee yahuuddii waagaa jirtay ahaa, kuwii kufaarta ahaa ee sabtiga ugaarsadayna waa la sheegay, kooxdii saddexaad ee isku dayday in ay caqiidada toosan iyo kufriga dhexdooda boos ka riixdaan, Ilaahay ma uusan xusin warkoodana maba sheegin, wax jirana kama soo qaadin, maxaa yeelay kufri iyo iimaan wax u dhaxeeya ma jiraan.

    Marka maanta soomaali saddexdaas qolo ayay noqotay, ahlusunnah wal jamaacah waxaa la gudboon in ay urur ahaan isu qabanqaabshaan, labadaa qolo ee aan soo sheegayna waxaa waajib ah in loola dhaqmo sida soo socota:
    Qolada Islaamka iyo kufriga dhexdooda booska ka raadinaya, waa in diinka la baro, jahli ayaa ugaynaya oo waxay moodayaan in ay jirto meel dhex dhexaad ah oo u dhaxaysa imaanka iyo kufriga. Qof tiri culumada muslimiinta ma jiro (islaam iyo kufri boos baa u dhaxeeya), waxaa ku andacooday kooxdii muctasilada in ay jirto wax ay ku magacaabeen "al-manzilah baynal mansilatayn", culumada Islaamka oo dhanna way ku diideen, waxaana fasahaadda figraddaas caddeeyay imaamkeenna, imaamka ahlusunnah waljamaacah, al-imaam al-ashcari. Qaabka uu u caddeeyayna kutubta ayay ku qorantahay ee qofkii doonaya ha daalacdo ama ha isoo waydiiyo aan u faahfaahshee.

    Marka kooxdaas (al-mansilah baynanal manzilatayn-ka) raadinaya ee moodaya in Islaam iyo kufri meel u dhaxaysa jirto, waxaan leenahay diinka islaamka qabsada oo barta, ma jirto meel islaam iyo gaalnimo u dhaxaysa, qofkii jaahil ah waa la barayaa diinka, haddii uu baran waayana wuxuu la mid yahay kufaarta iyo mulxidiinta khawaarijta wahhaabiyada iyo al-shabaab iyo xisbul shaydaan.

    Nin islaam iyo kufri u dhaxeeya wax ma loo dhiiban karaa?
    Kooxdaas, marnaba ma habboona in loo dhiibo howl ahlusunnah wal jamaacah leedahay, maxaa yeelay laguma kalsoona, lamana yaqaan iimaankoodu sida uu yahay, waa sidii acraabtii quraanka lagu sheegay ee la yiri (waxaad dhahdaan waan islaamnay, maxaa yeelay iimaanku wali qalbigiinna kuma sugnaanin), marka ninkii ka mid ahaa kooxdaas muctasilada iska dhigaysay, ee dabadeed soo gala mad-habta ahlusunnah wal jamaacah, marnaba ma habboona in loo dhiibo jago ama howl ahlusunnah leedahay, ilaa laga ogaanayo in qalbigiisa iimaan saxan galay.

    Ahlusunnah wal jamaacah waxay caado ka dhigteen in ay soo dhawaystaan qof kasta oo qabiilkooda ka mid ah oo aan kufaarta wahhaabiyada ahayn, waana taas midda ay ku fashilmeen ilaa iyo hadda. Kooxda ahlusunnah wal jamaacah ee gobalada dhexe waxay siyaasaddoodu la socon waysay arrintaas, ayaga oo dad aan ahlusunno wal jamaacah ictiqaadkooda haysan ururka ku soo deray, ayaga oo qabiil ahaan loo soo dhawaystay, xaalkoodii meesha aan aragnay ayuu ku dambeeyay, maxaa yeelay kuwii qabiilka lagu soo dhaweeyay ayaa kala jebshay ururkii ahlusunnah wal jamaacah ee gobalada dhexe ka jiray.

    Shahiidkii shiikh Cabdirisaaq koofiyad dheere!
    Allaha u naxariistee, shahiidkii shiikh Cabdirisaaq koofiyad dheere ahaa, ayaan habeen la hadlay intii uu noolaa asiga oo jooga magaalada caabuudwaaq, markaas baan ku iri, waa Dr. Xersi qofka kula hadlaya wadaadkii reer rooble siyaad, aniga oo uga dan leh in aan xasuusiyo, maxaa yeelay waxaan ka baqay in uu i garan waayo, kolkaas buu igu yiri allaha u naxareeistee, "waa ku gartay, laakiin, Ditoore, annagu bahashaas ma adeegsanno, haddii aan ahlusunnah wal jamaacah nahay"!! Maashaa allaahu, Ilaahow fardowso ku gee. Wuxuu ka wadaa "qabiil ma adeegsanno"! Sidaas ayuu u hadlay ninkii aasaasay jihaadka hubaysan ee ahlusunnah wal jamaacah.Haddii aad dariiqii shiikh Cabdirisaaq koofiyad dheere raacdaan, ahlusunnooy waad liibaanaysaan waadna guulaysanaysaan, haddii kalena ogaada in aad fashilmi doontaan.

    Marka hadalkii oo kooban, qofka ahlusunno metelaya ama siyaasadda u gelaya ama maamulkeeda wax ka qabanaya waxaa waajib ah in uu ahaado nin asalkiisu ahlusunnah ahaa oo cabsan caqiidada ahlusunnah iyo manhajkooda, oo xerow ahaa. Nin qabiil lagu keenay ama dhinaca ka soo galay ahlusunnah wal jamaacah haddii aad howl ahlusunnah leedahay u dhiibtaan, waxaad ogaataan in aad fashilmaysaan, maxaa yeelay ninkaas ma aha nin fahamsan diinka aad dadka ugu yeeraysaan, ee wuxuu ka yimid yahay kooxda dhextaalka ah ee muctasilada qaabka-daran ah.

    Kooxda saddexaad ee ah midda dagaalku idinkala dhaxeeyo xukunkoodu waa cadyahay, horay ayaan u fatwooday in ay kufaar yihiin, dhiigooduna mahduur yahay, marka taas ku laaban maayo mar labaad.

    Marka haddii aan hadalka soo gunaanado:
    1. Ahlusunnah wal jamaacah waa in ay noqoto urur diimeed oo habaysan oo hoggaan iyo madax iyo mashaa'iikh lah.
    2. Ahlusunnah wal jamaacah waa in ay dalka nabad iyo degganaasho ku soo celiso oo aanay u laaban cahdigii dagaal oogayaasha haddii dalka laga sifeeyo khawaarijta.
    3. Kooxaha ahlusunnah ee kala duwan, ee goballo iyo degmooyin kala duwan ku dhaqan, koox kasta ha xurayso degaankeeda hana toosido nabadgelyada degaankaas, kadibna ha la isugu yimaado shirwayne ahlusunnah wal jamaacah, dalka dhexdiisa ku qabato, loogana hadlo aayaha diinka iyo dalka iyo dowladda Soomaaliyeed.
    4. Ahlusunnah wal jamaacah waa in ay fahmaan in aanay jirin wax la yiraahdo dowlad soomaaliyeed, dowlad ku sheegga hadda jirtana aanay waxba ku darsan, in ay dantooda ku gaaraan mooyee. Maxaa yeelay dowlad ku sheegga hadda jirta, waa haraagii wahhaabiyada, waxaa taa ula jirta, qabyaalad ayay ku dhisantahay, waxaa taa ka sii daran, in aanay wax-ku-ool ahayn oo aanay awood lahayn waqtigeediina dhammaaday. Saddexdaas cudur ayay qabtaa dowlad-ku-sheegan saddexduna ahlusunnah wal jamaacah u cuntami maayaan.
    wallaahu waliyu at-towfiiq. W.Q. Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed
    Taariikh: 1/5/2011.


    | Yahoo! News Search |Yahoo! Yellow Pages | [Yahoo! Quotes] |Contact Us Webmaster - All rights reserved]